Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

Axmed Muuse, Maama iyo Lutfi oo London lagu soo dhoweeyey
H Farah
/ Categories: Basketball

Axmed Muuse, Maama iyo Lutfi oo London lagu soo dhoweeyey

Waxaa habeenkii sabti lagu soo dhoweeyey Woqooyiga London, gaar ahaan Rayaan Resturant marti Sharaf iyo qiimo weyn ku leh bahda bahda Kubadda Kolayga iyo Isboortiga Soomaaliyeed, dalka Jarmalka waxaa naga soo booqday Axmed Muuse Xuseen oo ahaa ciyaartoy Naadiga Batroolka iyo Qaranka, kadibna tababare Gobol, Naadi iyo qaranka Soomaaliyeed, Leicester UK, waxaa nooga yimi Sayid Cumar Nuur Duqow (Maama) oo ahaa ciyaartoy Degmadda H/Wadaag iyo Naadiga Muqdisho, iyo Lutfi Shariif Cusmaan oo u soo cayaaray naadiyadda Wakaaladda Ganacsiga (ENC) iyo Muqdisho ama Municipio haatana degaankiisu yahay San Diego California USA .

Sidii caadada ahayd waxaa casarki lagu kulmay cayaar kubadda Kolayga garoonka Selby, salaadii makhrib kadibna waxaa lagu kulmay cashadii macaanayd ee Rayaan Resturant. Waxaa laga wada hadlay sidii laysugu soo dhoweyn lahaa bulshadda iyada oo la adeegsanayo Isboortiga iyo Horumarka Isboortiga oo tusaale loo soo qaatay sida bahweynta K. Kolaygu isugu hawlayaan horumarinta iyo sida ugu quman.  Waxaa ugu horayn furay kulankii Sheikh Cabdulqaadir Garweyne oo naseexo iyo wanaag soo jeediyey, kadibna Gudoomiyaha Bahda K.Kolayga UK Maxamed Sheikh Cabdi (WALI) oo soo dhoweeyey martida isagoo ka war-bixiyey sida laysaga war hayo iyo waxtarka kulanka joogtada .

Waxaa kadib hadlay Sayid Cumar Nuur Duqow (Maama) oo sheegay sidu ugu faraxsanyahay la kulanka walaalihiis mar kale, Muhimadda in dhalinyaradda la tababaro, waxaana uu soo jeediyey in lays booqdo laysna baro ubadka yaryar.  Waxaa kadib soo gebagebeeyey Axmed Muuse oo ka hadlay taariikh hore ee K. Kolayga gaar ahaan beri samaadkii, wuxuu kaloo ka hadlay sida loogu baahanyahay in dalkii hooyo dib loogu celiyo aqoon si Isboortigu hore ugu maro.  Axmed, sayid iyo Lutfi waxay ka mahad celiyeen sidii wacnayd ee loo soo dhoweeyey.  


Previous Article Mo Farah won the gold at 10000m
Next Article Cayaaraha Fududi waa tartan Socod, Orod, Boodo, iyo Tuuryo.
Print
10462 Rate this article:
No rating
H Farah

H FarahH Farah

Other posts by H Farah
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top