Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

Isku aadka cayaaraha kubada Cagta maamul gobaleedyada oo la shaaciyay
H Farah
/ Categories: Sports News, Football

Isku aadka cayaaraha kubada Cagta maamul gobaleedyada oo la shaaciyay

Waxaa shaaca laga qaaday isku aadka tartanka kubada Cagta maamul gobaleedyada dalka Soomaaliya oo looga dhawaaqay munaasabad ay qabteen wasaarada Isboortiga dalka iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

Gobalka Banaadir oo Cayaaraha lagu marti gelinayo ayaa cayaarta ugu horeysa tartanka maalinta Jimcada la yeelan doona kooxda ka socota Jubbaland, iyadoo sida ku cad jadwalka tartanka ay maalinta khamiista ah dhici doonto munaasabada furitaanka.

Lixda koox ee tartanka ka qeyb galaya ayaa loo qeybiyay laba qeybood oo min sadex koox ah. Xulka Banaadir ayaa group-ka A kula jira Jubbaland iyo Galudug, halka group-ka B ay ku wada jiraan: Puntland, Koofur Galbeed iyo HirShabeele.

“Munaasabada furitaanka ee maalinta Khamiista ah dhici doonta waxaa bar bar socda cayaar ay yeelanayaan laba kooxood oo da’doodu ka hooseyso 15 kuwaas oo ka mida dhalinyarada lagu tababaro barnaamijka  horumarinta dhalinyarada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta”ayay tiri Marwo Khadiija Maxamed Diiriye oo saxaafada la hadashay.

Waxaa ay wasiiradu amaan usoo jeedisay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta qaabka wanaagsan oo ay farsama ahaan u diyaariyeen cayaaraha,iyadoo intaa ku dartay in ay aad ugu rajo weyn tahay in cayaarahani ay xiiso weyn ku reebi doonaan bulsho weynta Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibada.

“Koox xeel dheerayaal kubada cagta ah oo ay ku jiraan cayaryahano iyo garsoorayaal hore ayaa loo magacaabay guddiga racfaanka ee tartanka. Waxaan jeclahay inaan mar kale xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ku amaano qaabka wanaagsan ee farsamo ahaan loo diyaariyay tartanka”ayay tiri Marwo Khadiija Maxamed Diiriye.

Dhanka kale Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa kooxaha tartanka ka qeyb galaya ku wareejisay qalab dhameystiran oo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagtu uu kooxaha ku deeqay.

Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com


Previous Article Cayaaraha Goboladda Somaaliyed 2017
Next Article Koobka Tartanka Goboladda ha loo bixiyo koobka QUDUS.
Print
9849 Rate this article:
No rating

Documents to download

H Farah

H FarahH Farah

Other posts by H Farah
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top