Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

Lix Xildhibaan oo la kulmay bahda Isboortiga London
Kubadda Webmaster

Lix Xildhibaan oo la kulmay bahda Isboortiga London

London, 8th February 2013.

Waxaaa habeenkii Jimce-Sabti lagu qabtay Ocean Resturant eek u yaala magaaladda London kulan aan hore mid la mid ah loo arag, markii bahda Isboorti la kulmeen lix ka mid ah xubnaha barlamaanka qaranka Soomaaliyeed oo haatan ku jira fasax. Tirada xildhibaanadda degan dalka ingiriiska oo soddon iyo dhawr lagu qiyaaso ayaa ku hawlan iney wax ka bedelaan dhaqamadii hore, kuna abuuraan dadka Soomaaliyeed kalsooni iyo dareen himilo. Xubnaha mudanayaasha xildhibaanada xilka dheeraadka ah gudaneyey xiligoodii fasaxa waxay ahaayeen:

1. Xildhibaan Cabdirisaaq Cusmaan Juriile
2. Xildhibaan Maxamuud Guure
3. Xildhibaan Cabdullahi Jaamac
4. Xildhibaan Cabdullahi Xaaji Dayib
5. Xildhibaan Cabdirashiid Xaaji Deeroow
6. Xildhibaan Cabdullahi Yusuf Maxamed

Bilawgii waxaa hadalka furay Macalin Xasan Faarax ”John” oo uga mahadceliyay sida sharafta leh ay xildhibaanada Soomaaliyeed u qiimayeen bahda isboortiga wakhtigooda qaaliga ahna ugu deeqeen iyagoo ka yinmi shir dheer. Wuxu macalin Xasan xusay siyaasada Isboortiga siyaabaha kala duwan ee loo adeegsan karo oo ay ka mid yihii Isu soo dhowaanshaha dadka Soomaaliyeed oo tuhun kala fogeeyey, nabadaynta dalka iyada oo dhalinyarada lagu jiheeyo waxbarashadda iyo Isboortiga oo aan kala bixin iyo ka hortaga caadooyinka xunxun sida balwadaha qaadka, Sigaarka kuwa kale. Waxaan uu u faray una sii dhiibay baaq salaam iyo taageero dhamaan xubnaha dowladda Soomaaliyeed oo kala ah Madaxweynaha Mudan Xasan Sheikh, Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari iyo ku xigeenadiisa, Raiisulwasaaraha Saacid iyo dhamaan xunaha baarlamaanka. Bahda Isborti wadajir waxay taageersanyihiin dowladda Soomaaliyeed ee aan ku meel gaarka ahayn waxayna u rageynayaan dhamaan masuuliyiinta Soomaaliyeed in Ilaag ku guul siiyo xilka ay hayaan, ayaa macalinku ku soo dhoweeyey ergada baarlamaanka.

Waxaa kadib loo furay hadalka goob joogta waxaana hadlay Daahir Cali Kulmiye oo qabanqaabada kulanka lahaa, Tababarihii iyo ciyaartoygii hore ee qaranka K.K. Cabdiraxmaan Maxamuud Guhaad oo ka hadlay manta iyo Isboortiga, Maxamed Ismaaciil Cali oo ka hadlay tixgelinta ciyaartoydii hore ee Soomaaliya ku sugan.Mudane Xuseen Aden ”Deeq”.Mudane Maxamed Buuwe.Garsoore Maxamed Cali Weerow. Mudane Cabdirashiid Isloow. Jaalle Yusuf Yusuf. Mudane Cabdixaafid Maxamuud Wariyaha barnaamijka Bulshadda ee Universal TV, wexey u gudbiyeen fikrado dhaxal gal ah oo tilaamaya xaqiiqada manta, baahida dalka iyo sida lagu xalin karo Isboortiga iyo baahida qaran.

Kadib waxaa la wareegay hadalka Xildhibaanadda oo uu ku soo dhoweyey mudane Xildhibaan Maxamuud Guure oo ka qayb lahaa qabanqaabada kulanka oo ugu horeyn u mahad celiyey bahda Isboortiga, cadeeyeyna in barlamaanka cusubi yahay mid ay ka go’antahay isbedel dhaqanka iyo waqabad, caawana ay ka mid tahay iney mas’uul u yihiin dhamaan shacabka Soomaaliyeed wixii talo fariin iyo tusaale ah qaadi doonaan, kadib wuxuu ku soo dhoweeyey odaga Xilddhibaanada Xildhibaan Macalin Cabdirisaaq Cusmaan Juriile oo sidii u caadada ahayd macalin helay arday jeediyey cashar ku saabsan Dawlad, dowladnimo, iyo xilka qaybkasta iyo qof kasta. Wuxuu kale oo sharxay himiladii xornimada, xaalada maanta iyo inta qabyaaladi ka reebtay Soomali horumarka. Juriile oo taabtay qodobo aad u fara badan wuxuu sheegay in loo baahanyahay abuuris dhaqaale dalku isku maamulo si uu masiirkiisa u doorto.

Waxaa kadib ka hadlay xubnihii kale ee xildhibaanadda oo bixiyey talooyin, iyo tusaale. Waxayna ugu baaqeen qurba joogta ka qayb qaadashadda dhismaha dhulka. In bahda isboortiga adkeeyaan midnimadooda,islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii wadanka ugu soo laaban lahaayeen.

Munaasabadu waxay ku dhamaatay si sharaf leh, iyadoo lagu balamey in xiriirku halkaas ka sii socdo lagana wada shaqeeyo sidii Soomaaliya loogu shaqeyn lahaa mustaqbalka Cadaalad iyo Horumar.

W.Q: Kubadda.com


Previous Article Nigeria oo ku faraxalatay Burkina Faso cayaartii Finalka Koobka qaramada Afrika 2013
Next Article Kooxda Heegan oo Hanatay Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta
Print
5726 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top