Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

RAJO LAGO QABO IN DIB LOO DHISO GAROONKII KUBADDA CAGTA STADIUM MUQDISHO
Kubadda Webmaster
/ Categories: Sports News

RAJO LAGO QABO IN DIB LOO DHISO GAROONKII KUBADDA CAGTA STADIUM MUQDISHO

Iyadoo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu culeys ku saarayo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM in ay ka guuraan garoonka kubada cagta Stadium Muqdisho ayaa xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed Cabdi Qani Saciid Carab, Cali Cabdi Maxamed (Shiine) oo xubin ka ah guddiga fulinta xiriirka iyo Lex Vander oo ah kabiirka hada dhisaya garoonka Stadium Banaadir waxaa ay booqdeen garoonka weyn ee Stadium Muqdisho iyagoo soo kormeeray qeybaha uu garoonku ka kooban yahay soona qiimeeyeen baaxada burburka garoonka soo gaaray 20-kii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu weydiisanayo ururka FIFA in uu garoonkan dib u dhis ku sameeyo.

“Booqashadeenu waxaa ay xambaarsaneed sadex muhiimadood oo waaeyn, tan koobaad waxaa ay ahayd in ciidamada AMISOM loo muujiyo in wali ay naga go’an tahay in garoonku uu kusoo laabto gacanta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo in xiriirku uu ka dhur sugayo ciidamada AMISOM in ay ka dhabeeyaan balan qaadkoodii hore oo ahaa in ay garoonka ka guurayaan, xiriirka Soomaaliyeed waxaa uu doonayaa in uu qiimeeyo dhibaatada garoonka islamarkana uu dib u dhis ku sameeyo, taasina waa muhiimada labaad ee booqashadeena tan sadexaadna waxaa ay ahayd in ciidamada AMISOM culeys lagu saaro in garoonka ay ka baxaan, maadaama kusii jiritaankooda garoonku uu dib u dhac ku keenay cayaarihii gobalada ee aanu damacsanayn bishan in aan bilowno”ayuu yiri xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab oo war saxaafadeed maanta soo saaray.

Waxaa uu xoghayuhu sheegay intii booqashadu socotay in khabiirku uu madaxda xiriirka siiyay talo iyo tusaalooyin ku aadan dib u dhiska garoonka oo xiriirku uu la kaashanayo ururka FIFA si cows artifishal ah loogu golglo si La mida stadium Banadir oo iminka howl ku socoto.

Intii ay socotay booqashadaas oo muddo saacado ah qaadatay ayaa madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa ay kulan muddo dheer socday la yeesheen Captain Angua oo ah sarkaalka xukuma ciidamada fadhiya Stadium Mudisho iyo saraakiil kale iyagoo weydiiyay in ay sharaxaad ka siiyaan sababaha hor taagan in ay fuliyaan balan qaadkoodii ahaa in ay garoonka ka baxaan bishan December.

“Saraakiisha AMISOM waxaa ay muujiyeen sida ay ugu diyaarka yihiin in ay garoonka ka baxaan, iyagoo xusay in madaxda sare ee AMISOM ee dagan garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ku war geliyeen dalabka xiriirka islamarkaana ay filayaan in dhawaan ay war ka keenaan”ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab.

“Waxaan u sheegnay taliyeheena ugu sareeya inay muhiim tahay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta in la siiyo fursad uu dib ugula wareego garoonkiisa waxaana aad ugu rajo weynahay in arrintu ay dhanka wanaagsan ku dhamaan doonto”ayuu captain Angua u sheegay masuuliyiinta xiriirka kubada cagta.

Xoghayaha guud waxaa uu war saxaafadeedkiisa ku sheegay in xiriirku uu muhiimad weyn siinayo garoonka Stadium Muqdisho oo uu doonayo in uu ku qabto tartamada waaweyn maadama uu yahay garoonka ugu weyn dalka.

Dhanka kale garoonka stadium Banadir oo iminka ay dhiseyso FIFA laguna qaabeynayho cows artifishal ah ayaa xiriirku sheegay in wixii ka dambeeya bisha Febraayo ee sanadka soo socda uu diyaar noqon doono si cayaaro loogu qabto.

Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowlada federalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Cabdi Xakiin Xuseen Guuleed ayaa siyaabo kala duwan usoo booqday garoonka dhismuhu ku socdo.

“Waxaan uga mahad celinayaa ururka FIFA sida uu ugu dadaalay in kubada cagta Soomaaliya ayan bur burin in kabadan 20 sanadood oo dalku fowdo iyo dowlad la’aan ku jiray, waxaan dhanka kalana amaan u jeedinayaa mutadawiciinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo howl qaran oo balaaran dhabarka u dhigtay”ayuu wasiirka arrimaha gudaha u sheegay saxaafada mar uu booqday garoonka Stadium Banadir ee dhismuhu ku socdo.

Xoghayaha guud ee xiriirka kubadacagta Soomaaliyeed Cabdi Qani Saciid Carab waxaa uu ugu dambeyntii sheegay in socdaalada madaxda dowladu ay ku tagayaan goobaha kubada cagta ay muujinayaan xiriir laba geesood ah iyo wada shaqeyn baaxad leh in ay leeyihiin dowlada soomaaliyeed iyo xiriirka kubada cagta dalka.

By Shafi’i Mohyaddin Abokar


Previous Article GAROONKA BANAADIR STADIUM OO LOO DHAMAYSTIRAY CAWSKII ARTIFISHALKA
Next Article MO FARAH OO LOO DIIDAY IN UU GALO AMERICA KADIB MARKII LOOGA SHEKIYAY ARGAGIXISO
Print
4802 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top