Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

Somali Youth Basketball Camp
Kubadda Webmaster

Somali Youth Basketball Camp

Somali Youth Basketball Camp, waa urur madaxbanaan oo tababar u fidiya caruurta dadoodu tahay 10 sano ilaa iyo 17 sano, saldhigooduna uu yahay Toronto Ontario Canada.

Waxaa barnaamijkan wada, Qaar ka mid ah ciyaartooydii hore ee Kubadda Kolayga Soomaaliyeed. Oo ku kala nool Qaaradaha America Canada iyo Europe. Fikradaan oo ka danbaysay kulano sanadeed markiiba lagu qabto wadamada aan kor ku soo xusnay ayaa talaabadii ugu horeysay waxaa ku guulaystay Ciyaartooydii ka socotay wadanka Canada oo wax la taaban karo la soo shir tagay kulankoodii London ay ku yimaadeen in ay uga qayb galaan Tartankii (Somali Basketball Week) oo dhawaan ka furmay London.

Waxay noo sheegeen in Ururku uu albaabada u furay cid alla iyo cidii danaynaysa in ay ilmahooda keeni karaan ayna si gacmo furan ugu soo dhawaynayaan, ayagoo noo sheegay in ay ilaa iyo hada iska diiwaan geliyeen caruur tiradoodu gaarayso labaatameeyo.

Qorshaha u dagsan ayaa ah:

1. In laga badbaadiyo caruurtan Qurbaha ku dhalatay dhaqamada foosha xun oo ay ku soo indha furteen kuwaas oo ayna dhaxal u lahayn. Lana baro saaxibka wanaagsan midkuu yahay.

2. In laga dhiso Maskaxda iyo Jirkaba.

3. In la baro ixtiraamka Waalidka iyo Walaalka iyo qofkii ka wayn sidii ay ula macaamili lahaayeen.

4. In la baro lagana soo saaro ciyaartooy Heer Qaran oo mustaqbalka anfacda Qarankii Soomaaliyeed.

Macalinka kooxda Daud axmed dheere ayaa wuxuu inoo sheegay in ay howshaan ku gudo jireen mudo seddex sano ah. ilaa iyo hadana ay wadaan. sababta ku kaliftayna ay aheed, caruurta ku nool Canada oo aad u xiiseeya kubada basketbalka, waxaana aragnay caruurta inaysan heysan meel ay ku ciyaaran.markaa waxaan ku fikirnay in aan gacan qabano caruurtaan yar yar ee mustaqbalka kaleh cayaarta basketbalka.

Runtiina waxaa ku jira ciyaartooydaan aadka u yar yar qaar cayaartooda ay aad u fiican tahay iyo kuwo u baahan in la tababaro, muhiimada ugu weyn aan ka leenahay waxay aheyd, in caruurta ay bartaan walalahooda Soomaaliyeed oo aysan horay fursadan ugu helin in ay bartaan, oo ay is walaashadaan, ma aha in ay kubad kaliyah uun ciyaaraan, ee waa in ay somalinimada bartaan, edebta ixtiraanka oo ka mudan yahay ciyaartoyda la jirto amaba ka soo horjeedo, ixtiraamka waalidka uu ka mudanyahay & macalimiintoodaba.

Macalin Daa’uud, wuxuu kaloo inoo raaciyay hadalkiisii in ay yihiin urur madax banaan oo aan wax daqli ah aan ku helin Hay’ad ama dowlad midba. Aragtidooduna ma ahayn in ay dhaqaale ku helaan balse ay rabaan in ay ka badbaadiyaan caruurta yar yar ee soo koreysa bannaana wareega, maxaa yeelay isboortiga waa waxa kaliya ee qofka ka leexiya waxyaabaha xun xun.

Sidii aan horayba ula soconay, Ciyaartooydii ciyaari jirtay Kubadda Kolayga ayaa waxaa lagu xaman jiray in ay xaga waxbarashada iyo aqlaaqdaba kaga horeeyeen ciyaartooydii kale ee qaybaha kale ee Sportiga Soomaaliyeed. Hadaba waxaan damacsanahay in aan horseed iyo tusaale u noqono da’yartaan soo koreeyso.

Waqtiga Tababarka waa hal maalin wiigiiba, maalinta Sabtida oo keliyah.

Saacadu markay tahay 6pm to 10 pm

Goobta Tababarkana waa:
3100 Weston road
Toronto Ontario
Canada
Tababara yaashu waa: Daud dheere & Axmadey B.
Tell: ++ (416)-875-4890

Written by: M Sheikh


Previous Article About Somali
Next Article Wiil yar oo mustaqbal fiican ka leh ciyaaraha Kubadda cagta
Print
5967 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top