Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

GUDDOOMIYAHA K. CAGTA DALKA JABUUTI OO LA KULMAY “SEPP BLATTER”
Kubadda Webmaster
/ Categories: Sports News

GUDDOOMIYAHA K. CAGTA DALKA JABUUTI OO LA KULMAY “SEPP BLATTER”

Guddoomiyaha Xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti Suleymaan Xasan waaberi oo ku sugan xarunta FIFA uuna wehlinayo wasiirka sportiga dalkaasi Dr Jaamac Cilmi Cukiye ayaa balan qaaday in uu xooga saari doono horumarinta kubada cagta ee iskuulada iyo tan gabdhaha, waxaana uu hadalkaasi ka sheegay kulankii ugu horeeyay ee uu la yeeshay madaxweynaha FIFA Joseph S Balatter isagoo madax ka ah xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti.

Intii uu socday kulan muddo qaatay oo uu la yeeshay Madxaxweyne Blatter ayaa Mr Suleymaan Waberi waxaa uu madaxweynaha FIFA u gudbiyay waqrbixin faafaahsan oo ku saabsan horumarka kubada dalkiisa iyo qorsheyaasha uu doonayo in uu daah-fur kaga dhigo siyaasadiisa ku wajahan horumarinta kubada cagta Jabuuti gaar ahaana dhanka dugsiyada iyo gabdhaha.

“Guddoomiye Blatter si weyn ayuu usoo dhaweeyay hindiseheena cusub ee ku wajahan horumarinta kubada cagta wuxuuna inoo xaqiijiyay in uu taageero weyn siin doono barnaamijka aanu u gudbinay”ayuu guddoomiye suleymaan u shegay qeybta warfaafinta xiriirka kubada cagta bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA.

“Blatter aad ayuu ula dhacay qorsheheena iyo waliba sida aanu u bad baadinay kubada cagta dalka muddo dhowr bilood ah oo uusan xiriirku wax hogaan ah lahayn, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in uu taageerayo qorshaha aanu damacsanahay in aan ku horumarino kubada cagta Jabuuti”ayuu yiri guddoomiye Suleymaan.

Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in xiriirka uu madaxda ka yahay oo kaashanaya wasaradda Isboortiga uu diyaariyay qorshe cusub oo horumarinta kubada cagta dugsiyada ah, isla markaana uu xiriirku heshiis la gaaray wasaarada wax barashada kaas oo ku aadan qaban qaabinta cayaaraha dugsiyada.

“Waxaa jira qorshe gaar ah oo aanu ugu tala galnay dhanka dugsiyada si aan cayaartoy da’ yar oo tayo leh uga helno dugsiyada kuwaas oo aanu msutaqbalka u adeegsan doono cayaaraha dhalinta da’doodu ka yartahay 17 sano”ayuu yii rguddoomiye Suleymaan oo sheegay in tartamada dugsiyada loo qaban doono gabdho iyo wiilal ayna dhici doonaan sanad kasta.

Wuxuu sheegay in madaxda FIFA ay u gudbiyeen qorshe faafahsan oo ay ku jiraan horumarinta cayaaraha Futsal-ka, kubada lagu cayaro xeebaha, tan gabdhaha, tabarrada macalimiinta iyo kuwa garsooreyaasha cusub si loo helo garsooreyaal tiro ahaan iyo tayo ahaanba horumarsan.

Waxaa uu intaa raaciyay guddoomiyuhu in kubada cagta Jabuuti markii horaba laga soo bilaabay dugsiyada hadana la doonayo in dhanka dugsiyada lagasoo dhiso.

Dhankiisa wasiirka dhalinyarada iyo Sportiga dalka Jabuuti Dr.Jaamac Cilmi Cukiye ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay qaabka hab maamuuska sare leh ee madaxda FIFA ay usoo dhaweeyeen uguna muujiyeen taageerada ballaaran si loo horumariyo kubada cagta dalkiisa oo hada doonaya in uu ka faa’iideysto qeybtii lixaad ee mashruuca goal project.

“Kubada cagtu waa cayaar wanaagsan waxaana anigu shaqsi ahaan ugu yeeraa caytaarta qurxan ee bulshada caalamka, waxaana ka wasiir ahaan ballan qaadayaa in aan wax kasta ku bixin doono sidii horumar loo gaarsiin lahaa kubad cagta dalkeena”ayuu yiri wasiirka oo la hadlay qeybta war-faafinta ee xiriirka kubada cagta bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA isagoo jooga xarunta FIFA ee magaalada Zurich Switzerland maanta.

By: Shaafici Muxuyadiin


Previous Article GUDDOOMIYE KU XIGEENKII 2AAD EE GOS OO KU GEERIYOODAY MUQDISHO
Next Article SOMALIAN HOPE
Print
20617 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top