Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

MAAMULKA X K C SOOMAALIYA OO SAGOOTIYAY KHABIIRKII DHIGAY COWSKA STADIUM BANAADIR
Kubadda Webmaster
/ Categories: Sports News

MAAMULKA X K C SOOMAALIYA OO SAGOOTIYAY KHABIIRKII DHIGAY COWSKA STADIUM BANAADIR

Lex Vander oo ah khabiirkii cows-ka Artifishalka ah ku goglay garoonka kubada cagta Stadium Banadir muddo lix todobaad ah oo uu joogay Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA in uu ahmiyad gaar ahaaneed siiyo dalka Soomaaliya oo uu sheegay in uu yahay dal ay ka go’antahay horumarinta kubada cagta wax badana kaga duwan wadamadii uu horay u tagay.

Mr. Lext Vander oo dalkiisa dib ugu labatay xalay kaddib markii uu si guul ah kusoo dhameystiray dhigista cowska garoonka ayaa xaflad sagootin ah oo loogu sameeyay baarka weyn ee Lido Sea Food shalay waxaa uu ka sheegay in maamlo aad u wanaagsan oo farxad leh uu ku qaatay dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in masuuliyiinta xiriirka kubada cagta dalka Soomaaliya ay ahaayeen kuwo ay ka go’antahay in horay loo dhaqaajiyo kubada cagta dalkan oo kasoo kabsaneysa in ka badan 20 sanadood dagaalo socday oo dib u dhac dalka oo dhan ku keenay.

“Waxaan rabaa in aan halkan mahad celin uga diro ururka kubada cagta aduunka ee FIFA oo xil weyn iska saaray horumarka kubada cagta Soomaaliya, marka labaadna waxaan u mahad celinayaa madxadxa kubada cagta dalka Soomaaliya gaar ahaana xoghayaha gud Cabdi Qani Saciid Carab iyo xubin guddiga fiulinta xiriirka Cali Cabdi Maxamed (Shiine) oo maalin kasta ila joogay tan iyo markii aan dalka imid, si weyn oo hufana iila shaqeeyay”ayuu munaasabada sagootinta ka sheegay Lex Vander.

“Waan la socda ain FIFA ay Soomaaliya markasta siineysay ahmiyad gaar ahaaneed laakin waxaan hadana ugu baaqayaa FIFA in ay sii laba jibaarto dadaalkeeda , sababtoo ah waxaan halkan kula kulmay madax ay ka go’an tahay horumarka kubada cagta dhamaan dalalkii aan booqday madaxdoodu sidan ma ahayn”ayuu yiri Lex Vander.

Waxaa uu sheegay in tan iyo markii uu shaqada bilaabay muddo iminka 6 todobaad laga joogo aysan marnaba ka tagin xoghayaha guud Cabdi Qani iyo Cali Cabdi Maxamed taasina ay tahay arrin isaga si weyn u farxad gelisay.

“Shaqadan oo kale wadamo fara badan oo Africa ku yaala ayaan kasoo qabtay, laakin waxaa ay idinku noqoneysaa la yaab hadaan idin iraahdo waligey ma arkin dad madax ah oo sidiina oo kale maalin kasta garoonka u taagnaa. Soomaaliya runtii aad ayay iisoo jiidatay”ayuu Lex Vander ka sheegay munaasabadii sagootintiisa ee ka dhacday Lido Sea Food.

“Waxaan rajeyneynaa in Mr.Lex Vander uu mar kale kusoo laaban doono Soomaaliya si uu shaqdan oo kale uga qabto garoonka weyn ee Stadium Mogadishu oo uu dhawaana qiimeyn ku sameeyay shaqada uu u baahan yahay inta ay la egtahay”ayuu xoghayaha guud sii raaciyay hadalkiisa.

Waxaa uu sheegay xoghayuhu in xiriirka Soomaaliyeed uu hada ku faraxsan yahay in wajiga hore ee shaqada dhismaha uu soo dhamaaday ayna ka sugayaan FIFA iyo Green Fields in ay si dhaqso ah u bilaabaan qeybaha ka haray dhismaha garoonka.

Waxaa uu dhanka kale ugu baaqay shirkada Green Fields in ay caawiso Soomaaliya intii karaankeeda ah maadaama buu yiri Soomaalidu ay yihiin dad fir fircoon hadana ay kasoo kabsanayaan dagaalo muddo dheer socday oo wax kasta dib u dhac u keenay dalkan.

“Waxaa aad iisoo jiidatay markii aan arkay xoghayaha guud Cabdi Qani oo garoonka ka sameystay xafiis guur-guura oo uu shaqo maalmeedkiisa ku watay, taas waxaan u dareemay in uu xil weyn iska saaray amaankeyga iyo habsami u socodka shaqada”ayuu Mr Lex Vander ka yiri munaasabadii sagootintiisa ka hor intii isaga iyo madaxda xiriirku aanay u dhaqaaqin dhanka garoonka diyaaradaha Muqdisho halkaas oo uu ka raacay diyaarad ay leedahay Shirkada Turskish Airlines isagoo xalayna si nabad ah ku gaaray dalkiisa.

By: Shafi’i Mohyaddin Abokar


Previous Article SOMALIAN HOPE
Next Article JAAMAC DHEERE OO LONDON BOOQASHO KU YIMID
Print
4962 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top