Search
× Search
Friday, March 29, 2024

Article

 

Cayaaraha Fududi waa tartan Socod, Orod, Boodo, iyo Tuuryo.
H Farah

Cayaaraha Fududi waa tartan Socod, Orod, Boodo, iyo Tuuryo.

Waxaa ka socda magaaladan London ee dalkan Ingiriiska tartankii aduunka ee ciyaaraha fudud oo uu qabto Xiriirka Ciyaarha Fudud ee Caalamiga (IAAF WORLD CHAMPIONSHIPS 2017).  Tartanka waxaa ka qayb gala dhamaan dalaka aduunka ee ka tirsan xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Adduunka. Dal kastii wuxuu soo dirsadaa ciyaartoyda gaara heer ama qiyaas ay go’aamiso IAAF.  Tusaale ahaan heerka ama saacadaha laga filayey tartamayaashii sanadkan waxaa ka mid ah kuwa ku lifaaqan, waxaase dalalka qaar qabtaan tartamo kala saara ciyaartoyda faraha badan ee gaaray ama aan gaarin si cadaalada looga dhowaado, halka dalalka qaar ay ka fariistaan oo magacaabaan.

Si looga dhigo tartan calami ah oo dunidu ku dhantahay waxaa dalalka aan gaarin heerkii ama mustawihii caalamiga ahaa waxaa loogu deeqaa ha lama laba qof oo dalka metela (wiil iyo gabar) oo ka soo qayb gala kulanka. 

Waxaa lagu tartamaa Socod, Orod, Boodo iyo Tuuryo. Socodku waa 20KM iyo 50KM oo u gaar ah ragga. Orodku wuxuu u qaybsamaa mid gaaban oo u baahan degdeg (speed) sida 100m, 110 m hurdles, 200m, 400 m hurdles, iyo 400m oo marar laga reebo ama lagu tilmaamo waa degdeg dheer (endurance speed) hurdels waa tartan orod iyo boodo isugu jira. 800m, 1,500M, 3,000m iyo 3000 m qori iyo biyo ka bood (steeplechase) oo lagu tilmaamo orodada dhexe.  iyo 5,000M, 10,000M iyo Maaratoonka oo loo yaqaan orodada dhaadheer.

Boodooyinku waa sare oo u ku can baxay Cabdulle Nuur Waasuge (Alle ha u naxariistee), tan qoriga lagu boodo (pole vault) oo Soomaaliya ay ugu dambayeen Tarambi iyo Aduunyo waxaa jabay ushii keli ahayd ee dalka taalay markaas ayaana ugu dambaysay. Dhagax wareegsan raggu waa

Boodada hoose iyo saddexleyda (triple jump) waxaa la qiyaasaa fogaantooda. Boodooyinkan waxaa badanaa ku fiicnaada dadka dheereeya. (Speed) oo farsamo barta.  Dhanka afarta tuuryo waxay kala yihiin:

Dhagax Tuurka ama Shiid tuurka (Shot put). Waxa la tuuraa waa bir wareegsan sida kubadda oo leh miisaan ah 7.26Kg ragga iyo 4.0Kg oo dumarka ah waana in hal gacan lagu tuuraa.
Saxan Tuurka (Disc Throw) waxaa ragu tuuraa mid culayskiisu yahay 2Kg, dhexroorka (diameter) wareegiisuna yahay 22cm, halka dumarku tuuraan mid Hal Kg ah dhexroorkiisuna yahay 18cm, waxaana laga tuuraa goobo dhex roorkeedu yagay 2.5 m.

Waran Tuurka (javelin) waxaa miisaanka kan raggu yahay 800g, dherekiisuna waa inuu u dhexeeyaa 2.6m-2.7m. kan Dumarka miisaakiisu waa 600g, dhererkiisuna waa inuu u dhexeyo 2.2m-2.3m. waa in waranku afka hor dhigtaa hadii kale waa wax kama sooqaad.

Hammer throw oo hadii soomaali loo tarjumo noqonaya Burris ama Dubbe, midna ma aha umana eka ee waa dhaggax tuurkii ama shiid tuurkii oo lagu xiray fiilo ama xarig bir ah oo leh gacan qabad dhererkiisu yahay 1.22m. Waxaa lagu tuuraa labada gacmood ciyaartoyguna wuxuu ka tuuraa xayndaab wareegan oo dhexroorkiisu yahay 2.135, ayna ka furantahay xagal. Waa in tuuryadu ku dhacdaa xagal ah 35, hadii ay labada dhinac u dhaaftona tiro ma gasho. Badanaaba ciyaartoydu waxay isku rogaan ama ku meereystaan goobadaas ilaa saddex goor intaaney tuurin.

Maaratoonku waa maasaafad ah:  26.21875 miles = 42.194988 kilometres

F.G waxaad halkan ka heli kartaa qiyaasihii lagu ogolaanayey tartankii sanadkan ee IAAF.


Previous Article Axmed Muuse, Maama iyo Lutfi oo London lagu soo dhoweeyey
Next Article Axmed Cumar Islaaw Wasiir ku xigeenka Isboortiga Dowladda Soomaaliya, oo tartan ka furay London, lana kulmay bahda Isboorti.
Print
10758 Rate this article:
1.0

Documents to download

H Farah

H FarahH Farah

Other posts by H Farah
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top