Search
× Search
Friday, April 19, 2024

Article

 

Jaamac Aadan (Karaciin) Hormuudka Tababrayaasha oo la kulmay bulshadda London
H Farah
/ Categories: Sports News, Athletics

Jaamac Aadan (Karaciin) Hormuudka Tababrayaasha oo la kulmay bulshadda London

Jaamac Maxamuud Aadan oo ku magac dheer(Karaciin) waa hormuudka iyo horyaalka tababarayaasha orodada dhexe iyo kuwa dheer ee aduunka. Jaamac oo ka soo qayb galay tartankii lagu qabtay London ee Horyaalka Aduunka ee Ciyaaraha Fudud 2017, ayaa markuu hawshiisii u dhamaatay la kulmay taageerayaashiisa, asxaab hore, iyo jaaliyadda Soomaali weyn eek u sugan London iyo nawaaxigeeda.

Jaamac wuxuu shuclada u qaaday horumarinta Ciyaaraha fudud markii laga eego dhinacyo fara badan. Waxaa badanaa ciyaaraha fudud ordi jirey ciidamada qalabka sida Jaamac wuxuu ka mid ahaa ardaydii ugu horeysey ee sed mug leh ka qaata ciyaaraha fudud, wuxuu kadibna noqday orodyahankii ugu horeeyey ee hela deeq waxbarasho ka timi dalka Maraykanka gaar ahaan Fairleigh Dickinson University, markii dambena wuxuu takhasus exercise physiology ka samayey George Mason University isagoo isla markaas ka noqday Tababra ku xigeen. Dadaalkii Jaamac iyo guushii Cabdi Bile waxay suurta gelisay in ciyaartoy badan la siiyo deeqo wax barasho.

Jaamac oo tababre u noqday ciyaartoy gaaray heer caalami oo ay ka mid yihiin Abukaker Kaki Khamis, Ismael Ahmed Ismael, Taoufik Makhloufi, Hamza Driouch, Ayanleh Souleiman, iyo Genzebe Dibaba. Sanadkii 2011 waxaa Jaamac laga doortay boqolaal shakhsi oo isboortiga ka shaqaya waxaana loo magacaabay abaal marinta Mohammed Bin Rashid Al Maktoum ee Isboortiga.  Jaamac waxaa uu ku sifoobay inuu shaqadiisa nafta u huro uuna ula dhaqmo ciyaartoyda sidii ay ubadkiisa yihiin.

Jaamac wuxuu maalintii Jimcaha lagu soo dhoweeyey Waqoyiga galbeed (NW) london iyo Hiddo Restaurant, oo cinwaankeedu yahay 5-7, Wembley Hill Rd, Wembley HA9 8AF. Xafladaas oo ay qabanqaabiyeen bahda Isboortiga SIYAD, waxaa lagu soo dhoweeynayey oo kale odayaasha Isboorti ee ka yimi dalalka Canada iyo kuwa kale.  Jaamac oo hore 2012kii la kulmay bahdda Isboortiga London ayaa aad ugu riyaaqay tayada dadka xafladda ka soo qayb galay iyo hab maamuuska loo soo dhoweeyey.  Ereyo kooban oo uu ka yiri wuxuu aad ugu booriyey midnimada iyo wada shaqaynta gaar ahaan dhinaca Isboortiga. Wuxuuna aad uga mahad celiyey sidii wacnayd ee maalintaas iyo markii horeba loogu soo dhoweeyey.

Wuxuu sidoo kale ka qayb galay xaflad xiritaanka tartankii Soomaali Week ee lagu qabtay Millennium Gloucester Hotel Kensington oo uu ku soo dhoweeyey Cabdi Axmed uuna Jaamac gudoonsiiyey tababarihii ugu fiicnaa tartanka abaal marintii loo gartay.  Jaamac wuxuu la kulmay asxaab hore  sida Maxamed Ismaaciil, Cabdiraxmaan Guhaad, Biyooley, iyo dad kale oo aad u fara badan.

Jaamac waa halyey, horseed iyo hormuud raad ku reebay Isboortiga Soomaaliyeed, taariikhduna xusi doonto wanaag uu galay.

Jaamac oo ku sii fool leh tartankii Asyia (Asia) oo lagu qaban doono Ashgabat, Turkmenistan.  Waxaan u rajeyneynaa guul iyo horumar.
Previous Article Alle ha u naxariisto Mahdi Cali Cumar (Pivot)
Next Article JUBBA oo ku guuleysatay SOMALI WEEK 2017
Print
10404 Rate this article:
3.5
H Farah

H FarahH Farah

Other posts by H Farah
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top