Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

Bah weynta Isportiga south London oo soo dhaweyey Kabtan Cumar Calasoow
Kubadda Webmaster

Bah weynta Isportiga south London oo soo dhaweyey Kabtan Cumar Calasoow

Odayaasha iyo dhalinyarada deegaamada koofur galbeed ee LONDON iyagoo isku duuban waxay casho sharaf kulmisa soo dhaweyn iyo ambabixin u sameeyeen cayaartooygii degmada Boondheere, Gobolka Banaadir, Naadiga MUQDISHO iyo xulkii QARANKA ee casrigii dahabka kabtan CUMAR CALASOW RAAGE oo aan dhihi karo inuu ka mid ahaa 10kii cayaartooy ee ugu fiicnaa ciyaartoydii kubadda cagta dalkkeena soo maray.

Xafladaas oo uu soo abaabulay cayaartooygii qaaliga ahaa AABALIISHA oo ay weheliyeen ciyaartoy hore oo fara badan iyo saaxiibadooda kale. Waxaa ka soo qeybgalay ilaa kontomeeyo qof, waxayna dhamaan aad ugu faraxsanaayeen la kulanka kabtan C.CALASOOW. Soo dhaweynta Cumar oo ay u dhamaayen dhamaan ciyaartoydii iyo taageerayaashi kooxihii dalka ee hore uga dhisnaan jirey iyo dhalinta cusub waxaa uu ku kasbaday taariikhda dhaxal galka ah, iyo akhlaaqdiisa aadka u wanaagsan oo sababtay in inta u dhow iyo inta maqashaa ay u muujin jireen maantana u muujiyaan xushmad, qiimayn, qaderin iyo jacayl aan dhamaan. Cumar oo u noqday kabtan dhamaan kooxuhuu ka soo cayaaray dhamaana u soo hoyey guulo dhaxal gal ah marna ma sheegto kumana faano ee waa shakhsi jecel qof kasta oo Soomaali ah marna aan isk weneyn.

Haddii aan gudagalno xafladaasi waxaa ka wada hadlay odayaashii lagu casumay waxaana ugu horeyntii hadalka qaatay ABUKAR CALI JUMCAALE oo ah ruug cadaa Isportiga Soomaaliyeed qiimo weyna ku leh bulshadda.

Wuxuu ABUKAR ku amaanay sida wada jir iyo isku duubni CUMAR loo soo dhoweyey. Wuxuuna tusaaleeyey in cayaartoyda maanta ay CUMAR kaga deydaan asluubta iyo anshaxa uu bulshada ku dhex leeyahay waxaana u rajeeyay in guud ahaan dhalinyaradan guuleystaan. Waxaa kaloo isna hadal kooban ka soo jeediyay DR C/LAAHI CALI CADDOW oo aad ugu riyaaqay habeenkan kuna tilmaamay mid aanu filaneyn in uu sidan u dhacayo wuxuuna agaasinka xafladan ku amaanay isku xirnaanta ay isku xilqaameen, waxaa isagana markiisa hadalka qaatay Cali salaad oo yiri taariikhda marna ma ilaaweyso in Kabtan CUMAR CALASOW uu ahaa kabtankii taariikhiga ahaa ee "MAANTA BADI BERRI ChILE AAD" intaas kadib waxaa mikrifoonka lagu soo dhaweeyay Kabtan CUMAR CALASOOW RAAGE oo guud ahaan ka mahad celiyay sidii loo soo dhaweeyay wuxuuna dhowr goor ku celceliyay in meel kasta uu qof soomali joogo oo uu LONDON ka maray si fiican loo gacan qaadayay isagoo weliba xusay in meelaha uu rabay in uu ka dukaameysto laga diiday in uu lacag bixiyo taas oo CUMAR qiiro waddaninimo dheeraad ah ku reebtay.

Cumar wuxuu dhaliil u soo jeediyay ururada badan ee ka dhisan dalkan Uk ee ka shaqeeya sports-ka, wuxuu aad u dhaliilay in iyadoo fursad badan iyo fududeyn badan jirto haddana wax horumar laga gaarin kor u qaadida sportiga soomaaliyeed waayo waxay aheyd 10-15sano ku dhawaad oo ururadan jiraan ugu yaraaan inay soo saaraan 5-10 cayaartooy oo cayaaraha EUROPE kooxahooda ka mid ah, laakin nasiibdarro xitaa 1 cayaaryahan lama haayo taasna waxaan sabab uga dhigi karaa in aan jaaliyadaha kale xiriir fiican lala sameyn iyo is burin xagga ururadan oo jira iyagoo isku mashquulsan xitaa weliba kooxaha ciyaalka la kala jiidjiito taas oo kalsooni xumo weyn abuurtay. Waa u khasaaro Isportiga Soomaaliyeed ku soo biirtay waxaana reer koofur galbeed LONDON kula dardaarmayaa in iyaguna iska ilaaliyaan inay isku mashquulaan mar kastana la isku mashquuliyo sidii cayaartooy cusub oo soomaali ah loogu soo biirin lahaa masraxa cayaaraha adduunka, lana dhiso dabaqad cusub oo la xisaabtanta dabaqadahan kale .Waxaan rajeynayaa in gacanta la is qabsado mana ka daalayo in aan idiin mahadceliyo WABILLAAHI TOWFIIQ.

Gabagabadii waxaa iyagana soo gabagabeeyay cayaartooydii hore CUMAR BAADHA, CABDINUUR ROOBLE, MAXAMED ISMACIIL oo u mahad celiyay agaasinka xafladda iyo CUMAR CALASOOW oo oggolaaday inuu u soo martiyo sportiga koofur galbeed London.

WQ. Mahad TAGOOW, London, UK.


Previous Article Isboortiga iyo Kaalintiisa Horumarinta Dalka Soomaaliya (2)
Next Article Kulan Kubadda kolayga oo dhex maray dhalinyarada ku dhaqan dalka U.K.
Print
9873 Rate this article:
5.0
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top