Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

Rajada Mustaqbalka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed oo dib u soo Ifaysa
M Sheikh
/ Categories: Sports News, Basketball

Rajada Mustaqbalka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed oo dib u soo Ifaysa

Kubadda koleyga Soomaaliyeed waxay soo martay heerar kala duwan, laga soo bilaabo dhamaadkii 60-dameeyadii ilaa iyo 90-meeyadii oo uu dalku dagaalo sukeeyo galay. Laga soo bilaabo xilayadii 60-dameeyadii waxay aqoonta kubaddu gaartay dhamaan gobaladii dalka oo ay maalinba maalinta ka danbaysa sidii Ubax soo baxaayo oo kale ay si is daba joog ah ay cayaaryahanada Soomaaliyeed uga soo baxayeen goboladda dalka dhamaantood.

Soomaaliya marka laga hadlo Kubadda Koleyga waxaa soo maray cayaaryahano xiliyo kala duwan soo kala baxay kuwaas oo magac wayn ku samaystay dadkooda. Kuwaas oo aan ka xusi karno sida sanadihii 60-dameeyadii : Abkoow, Aadaamo, Ahmed Carab , Cali Xamari,Yuusufeey, Macaani, C/rahmaan Saalah, Sarxaan dheere iyo kuwa kaloo badan.

Sanadihii 70-meeyadii: Axmed Xaaji Nuur, Gees, Maxamuud, Saciid Qorsheel, Shiino Eeneeyo, Shiisgaayo, Aways Amerikano, Cumar Ringo, Shine Guhaad, Cabdi Dheere iyo kuwa kaloo badan.

Sanadihii 80-dameeyadii: Nuuradiin, Bashiir Fox, Baarajab, Axmed Muuse, Axmed Daahir, Qardaas, Abuukar Shiino, Warsame Dheere, Dhame, Sheikha , Cabdalla dheere, Cabdi Xalwo, Madoobe iyo kuwa kaloo badan.

sanadihii 90-dameeyadii: iyo wixii ka danbeeyay waxaa kala dhantaalmay silsiladii cayaaryahanadii dalka u soo baxayay,sababo dagaalo sukeeye aawgeed. Taas oo keentay in ay cayaar yahano badan oo magac wayn ka samayn lahaa dalka ay ka hayaameen dalka ayaga iyo reerkoodii.

Nasiib wanaag 23 sano ka dib waxaa ilaah Mahadii ah in maanta ay soo baxeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo leh xirfada kubadda kolayga oo lagu faani karo. Ciyaartoydaan ayaa waxaa laga soo kala aruuriyay dalalka USA, Canada, Australia,Holland iyo Soomaaliya.

Cayaaryahanadan ayaa badankood waxay ka ciyaaraan, cayaaraha Jaamacadaha dalalka ay ku noolyihiin. Isku keenidooda ayaa waxaa Mahadeeda is kaleh, Illaah ka sakow cayaar yahanadii iyo Macalimiintii hore oo xil wayn iska saaray dadaalka soo noolaynta magacii kubadda kolayga Soomaaliyeed.

Waxaa lagu han wayn yahay in berito oo bishu tahay 21ka, January 2013, uu furmi doono tartanka qaramada dalalka ku jira Zone V (Fiba Africa Zone V Championship) oo lagu qaban doono magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania. Tartankaan ayaa waxaa ka qayb geli doono 7 dal oo kala ah: Eygpt, Rwanda, Burundi, Uganda. kenya, Tanzania iyo Soomaaliya.

Inkasta oo ay Soomaaliya tahay markii ugu horeysay mudo dheer kadib in cayaaryahano xirfad fiican leh looga qayb galo tartamadan ayay hadana Somalia tahay kooxaha looga cabsida qabo in ay tartankan ku guulaystaan marka laga saaro dalka Masar oo dadaal dheer iyo tabaabusho dheer u soo galay diyaargarowga tartankan.

Waxaa lagu waday in wafdiga Soomaaliyeed uu hogaamiyo Guddoomiyaha Xiriirka K/Koleyga Md. Ibraahim Xuseen Roombe. Balse shaqooyin kale uu ka fursan waayay aawgeed u baaqday, waxaana fursad u helay in uu hogaamiyo Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Koleyga Mudane Maxamed Xaaji Cali Jimcaale ahna xubin guddiga Olimbikada soomaaliyeed. Sidoo kale Ahmed Muuse laacibkii hore ee kooxda Batroolka iyo Qaranka Soomaaliyeed ayaa isna ah Team Manager, halka uu Xoghayaha iyo isku duwahana uu yahay Saciid Ducaale. Waxaase nasiib wanaag ah in uu sanadkan kooxda macalin u yahay cayaaryahankii waynaa ee kooxda LL PP iyo Qaranka Soomaaliyeed Cumar C/qaadir Barajab, oo hada layliya kooxda Al Ahli ee Emarat-ka Carabta oo uu wehliyo laacibkii hore ee kooxda Batroolka iyo Qaranka Soomaaliyeed Bashiir Fox oo asna hada ka ah macalin dalka Qatar.

Liiska Ciyaar-yahanada Soomaaliyeed:

1. Faisal Jama Aden Shooting Guard
2. Abdi Ahmed Faras Big Forward/ Center
3. Mohamed Abukar Tabid Guard
4. Munye Haydar Sufi Guard
5. Osman Abdirahman Olol Center
6. Osman Maslah mohamed Center
7. Hussein Abdullahi Mahdi Shooting Guard
8. Liban Abdi Hassan Guard/ shooting Guard
9. Hussein Mohamed Addow Big forward/ Center
10. Yusuf Qaafow Shooting guard
11. Maxamed Ibraahim Cabdi [ Diyeeshe] Kooxda Heegan
12. Siid Cali Kuukaay kooxda Dekadaha

Mar aan Taleefon kula hadlay macalinka kooxda Qaranka Soomaaliyeed Cumar C/qaadir Barajab, oo ka soo laabtay quri tuurkii isku aadka kooxaha ayaa ii sheegay in ay aad u faraxsan yihiin iskuna soo aadeen dalalka Kenya iyo Brundi ayagoo cayaartooda ugu horeysana xulka Kenya uga hortagi doonaan maalinimada Talaadada soo socoto Halka ay Qaybta kale isku soo aadeen dallalka Masar, Rwanda, Uganda iyo Tanzaia, oo ah dalka martida loo yahay.

Waxaa jirtay walaac yar oo soo dhex galay kooxda Qaranka soomaaliyeed labadii beri ee la soo dhaafay taas oo ay maamulka tartanku soo jeediyeen in ay adag tahay u ogolaanshaha ka qayb galka tartanka qaar ka mid ah cayaar yahanada Soomaaliyeed oo dhalasho wadamo kale watay.

Cayaartoyda Soomaaliyeed ee loo soo xulay ka qayb galka tartanka ayaa tiradoodu ahayd 12. Waxaa ku dhalasho sax ah watay 9 cayaaryahan. Waxaa lagu dhagay 3 ka mid ah. Nasiib wanaag mid ka mid ah umaba suurto gelin in uu yimaado dalka Tanzania waa laacibkii degenaa Holand oo lagu magacaabayay Hussein Mohamed Addow.

Waxaa kaloo sharuucda tartanka ka mid ah in laguu ogol yahay hal cayaar yahan oo ku dhashay dal kale balse jinsiyadaada wato. Hadaba waxaa ku adkaan doonto Macalinka Qaranka in uu Hal qof ka tago laba laacib oo ka mid ah dadka sharcigu qabtay oo la kala yiraahdo Hussein Abdullahi Mahdi iyo Liban Abdi Hassan.

Ahmed Muse oo ah Team Manager-ka kooxda ayaa isna mar aan isku maqalnay qadka taleefonka galabta yiri “diyaar garowgeena kooxeed ma ahayn mid sidaan rabnay u dhacay, waayo waxay kooxda wada cayaareen oo kaliyah seddexdii beri ee la soo dhaafay. Waxaana aad uga xun nahay ayuu yiri in 10 (toban) cayaar yahan oo kaliyah noo soo hartay, balse waa isku kalsoonahay.” Wuxuu kaloo raaciyay asagoo ka hadlayay heerka awood iyo farsamo ee cayaar yahanada sanadkaan in ay yihiin kuwii ugu awooda sareeyay ee uu arkay intuu cayaaraha Soomaalida ku dhex jiray.

Sanadkan waxaa suurto geliyay in uu tartankan qabsoomo, Ha ugu horeeyaane dadaalka dheeriga ah ay sameeyeen Xoghayaha Xiriirka kubadda kolayga Soomaaliyeed Saciid Ducaale iyo Macalinka Xulka Qaranka Cumar C/qaadir Baarajab, oo taageero badan ka helay Bahda Kubadda Kolayga oo ku sugan shanta qaaradood ee adduunka iyo qaar ka mid ah milkiilayaasha xawaaladaha Soomaaliyeed, ururka HIRDA iyo Duqa magaalada muqdisho mudane Tarzan oo la'aantiis ayna suurto gal noqon lahayn.

Habeenka caawa ah ayaa qarnka Soomaaliyeed, madaxdooda iyo macaliliintoodaba waxaa casho sharaf dhiiri gelin ah ugu sameeyay meel magaalada xoogaa ka baxsan Milkiilaha Hoteelka ay deggen yihiin oo lagu magacaabo Mahad Cabdullaahi Nuur.

Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed, bahwaynta Sport-iga iyo anagoo ah maamulka website-ka kubadda.com waxaan u rajaynaynaa Wiilasha Qaranka kubadda kolayga Soomaaliyeed in ay guul ka soo hooyaan tartanka qaramada dalalka ku jira Zone V ee ka dhacaya dalka Tanzania.

By: Mohamed Sh Abdi (weli)

Kubadda.com – London


Previous Article JAAMAC DHEERE OO LONDON BOOQASHO KU YIMID
Next Article Kooxda Kubadda gacanta Heegan oo si xarago leh uga Badiyay kooxda Nationlink
Print
5878 Rate this article:
No rating
M Sheikh

M SheikhM Sheikh

Other posts by M Sheikh
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top