Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

MO FARAH OO LOO DIIDAY IN UU GALO AMERICA KADIB MARKII LOOGA SHEKIYAY ARGAGIXISO
M Sheikh
/ Categories: Sports News

MO FARAH OO LOO DIIDAY IN UU GALO AMERICA KADIB MARKII LOOGA SHEKIYAY ARGAGIXISO

Oradyahan Mo Farah, ayaa u wareegay magaalada Portland sanadkii hore, asagoo isu diyaarinayay cayaarahii Olympic-da si uu tababar xaga oradka ah ugu ag qaato macalinkiisii Alberto Salazar, oo dhex deganenaa xaruunta Nike (Nike's HQ) ee k u taal agagaarka xeebta Pacific ee Waqooyigalbeed Portland, Oregon USA.

Asbuucii hore Mo Farah, oo ka soo laabtay booqasho laba asbuuc ah oo uu ugu tagay qaar ka mid ah reerkiisa oo deggen Toronto Canada ayaa hadana rabay in uu booqdo macalinkiisii mar kale maadaama uu soo gaaray North America asaga iyo caruurtiisa xiligii Christmas–ka.

Markuu soo gaaray xadduudka USA ayay ciidankii ilaalada (U.S. Customs ) ku dhageen, goonina ugala baxeen reerkiisii una sheegeen in uusan geli Karin dalka Maraykanka, kadib markii ay magaciisa uga shakiyeen liiska argagixisada ay cabsida ka qabaan.

Inkastoo uu Mo Farah aduunka oo dhan caan ka noqday kadib markuu sanadkan cayaarihii Olympic-da 2012 lagu qabtay London, ku guulaystay biladihii dahabka oradka 5,000m iyo 10,000m. Ayuu damcay hadii uu aqoonsi ku helayo in uu tuso ciidankii ilaalada xuduudka u joogay ee ka socday immigration-ka labadii bilad ee uu ku guulaystay.

Balse waxba kama bedelin fikirkoodii askartii ilaalada oo ku adkaystay maadaama dhalashadiisu ka soo jeedo Somalia, una sheegeen in ay u baahan yihiin baaritaan dheeri ah, inta aysan u o’golaan in uu galo dalkooda.

Maxamed Farax oo ku magac dheer (Mo) wuxuu ku dhashay Muqdisho, Soamaliya. Sanadka markuu ahaa 23 Maarso 1983-dii.

Markuu jiray 8-deed sano ayay reerkiisa oo dhan u soo guureen dalka Ingriiska, oo ilaa iyo hada ay deggan yihiin. Mo, yaraantiisii wuxuu nasiib u yeeshay in uu tababar xaga orodka ah ku qaato dalka Ingriiska, taasoo siisay fursad qaali ah.

Asaga iyo familkiisaba waxay qaateen dhalashada degenaanshaha wadanka Ingriiska (British Citizenship). Taasoo u suurto gelisay in uu ka mid noqdo orod yahanadii matalayay magaca Ingriiska, sanadkan cayaarihii Olympic-da 2012 lagu qabtay London, noqdayna orodyahanada ugu magaca dheerka leh Adduunka.

Ficilkan foosha xun ay ku kaceen ciidanka illaalada xadduudka Maraykanka ayaa waxaa aad uga xumaaday dad badan oo Adduunka dacaladiisa ku kala nool oo Sports-ka jecel, kuna tilmaamay wax aad loogu yaaq yaaqsoodo, sida xun ee loola dhaqmay halyayga caanka ah ee Oradka 5,000m iyo 10,000m.

W/Q: Mohamed Sheikh Abdi (weli).


Previous Article RAJO LAGO QABO IN DIB LOO DHISO GAROONKII KUBADDA CAGTA STADIUM MUQDISHO
Next Article KHABIIR SOOMAALIYEED OO KA MID NOQDAY GUDIGA ANSIXIN DOONO IN DALKA ERITREA LAGU QABAN KARO CAYAARAHA CAF MUSTAQBALKA
Print
5039 Rate this article:
No rating
M Sheikh

M SheikhM Sheikh

Other posts by M Sheikh
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top