Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

Isboortiga iyo Kaalintiisa Horumarinta Dalka Soomaaliya (2)
H Farah
/ Categories: Sports News

Isboortiga iyo Kaalintiisa Horumarinta Dalka Soomaaliya (2)

Waa maxay 'Isborti'?

Hadii aan micneyno Isboortiga & Horumarinta, Isboorti waxaa markan micnihiisu noqonayaa firfircooni jireed oo dhaafsiisan tartan ama kulan Isboort. waxaa raacsan firfircoonida jireed , fiyoobi maskaxeed, fal gal (Is dhex gal) bulsho. Waxaa raacsan Isboortiga caalamiga ah ciyaaraha dhaqan ama u gaar ah dal ama degaan. Marka Isboortiga ujeedadiisu tahay dhaqan toosin waxaa muhiimadu noqonaysaa tirada ka qayb galayaasha ee ma aha guushu dhankey raacday. Waxaa muhimadu tahay saamaynta ay ku yeelatay (impact) ee ma aha tayada farsamo.

Waxaa sidoo kale asaas u ah sida loogu ababiyo ubadka yaryar ee dugsiyada hoose, dhexe, Sare, ilaa Jaamicada ka qayb qaadashada firfircoonida jireed (physical Education). Waxaa sidoo kale loo adeegsadaa dhaqan celinta dembiilayaasha xabsiyada ku jira. Waxaa la ogaaday in laba maxbuus oo isku mid ah hadii midna uu helo laylin jireed midna qolkiisa ku jiro in farqi badani u dhexeynayo marka la soo daayo. Qodobka ugu weyn waa kalsoonida ku jirta qofka jimicsan jirey oo dad la sheekeysan jirey iyo saska ama kalsooni xumada ku jirta kan aan qolkiisa ka soo bixin.

Intaas iyo in kale oo fara badan awgood waxaa Jamciyadda Qaarumaha (United Nations) si joogta ah u taageertaa dalalka loo arko iney u baahanyihiin in loo adeegsado Isboortiga aalad lagu dhiiri geliyo Waxbarashadda, Caafimaadka, Horumarka iyo Nabadaynta.

Waxaa dal kastii u baahanyahay inuu ku salayo qorshihiisa baahidiisa iyo duruuftiisa gaar, waxaa sidoo kale loo baahanyahay in lagu koobo qader la qaban karo, loona kala hormariyo muhimadu ama baahidu sidey tahay.

Horumarinta Isboortiga Soomaaliya wuxuu ku salaysnaa ardayda dhigta dugsiyada Waxbarashadda oo aan qaabkoodu ahayn habkii lahaa maamul midaysan oo dowli ah iyo manhaj midaysan. Intii taqaana ayaa taqaane boqolkiiba sagaashan ama ka badan kaadirka ama hawl karka Isboortiga Soomaaliyeed wuxuu ka yimi wasaaradda waxbarashadda iyo Barbaarinta. Hadii la raacayo habkii hore u jirey ee la yaqaan welina ay noolyihiin dadkii wax ka fuliyey barnaamijyadaas waxaa ugu horayn loo baahanyahay:

In dowladu sharciyeyso in ay khasab tahay in xarun wax-barsho kasta lagu daro jadwalka iyo manhajka barbaarinta jirka maadaama qofku u baahanyahay barbaarin jireed. Mar aan si rasmi aan ahayn u tiro koobay xaqiiqada maanta jirta waxaan ogaaday in ay ka yaryihii boqolkiiba shan (5%) dugsiyada ay ka jiraan firfircooni jireed oo marmar ah. Dugsiyada badankoodu ma laha dhul banaan ama garoomo maadaama aan dhismayaashu ahayn kuwo loo dhisay iney noqdaan goob wax barasho. Waxaa sidoo kale aad iyo aad u yar salka aqoonta ku baahsan goobaha wax barasho. Waxaa la yaab leh in ay jaamicado ka baxeen arday aan weligood samayn xisad keliya oo ciyaaro ah noloshooda. Taasi ma aha dhaliil waase si loo arko meeshaan taaganahay iyo meeshaan hiigsanayno.

In dib loo qoro manhaj mideysan oo ah Brbaarinta Jirka (Physical Education) oo muujinaya dhaqamada kala duwan ee degaamada dalka sida ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, heeso hawleedka iwm.

Waqtigii adkaa ee dadka Soomaaliyeed soo maray waxaa ka lumay wax badan waxayse diideen iney mar labaad in jahli qabsado. Iftiinka maanta, iyo rajada berito waa dhalinyarada aqoonta baranaya oo u diyaar ah iney dalkooda horumariyaan. Hadii laysku daro ardayda Soomaaliyeed ee ka baxa Jaamacadaha dunida sanad kasta kama yara tiro kamana xuma tayo kuwii xilligii hore waxaase ay u qaybsameen sagaashan dal, iyo afaf qalaad, qaarna uma diyaar aha iney dalkoodii hooyo u soo noqdaan. ardayda ka soo baxa jaamacadaha dalka in badani wey dhoofaan wexeyna u safraan ama ku dan beelan nolol qurbe doon.

Horumar waxaa la oran karaa waa marka tirada iyo tayaduba ka soo rayn macquul ah samaynayaan. Ma aha maanta maalintii la qiimayn lahaa dhalinyarada maanta , dharaartaas weli lama gaarin waxaa maanta la joogaa xilligii la qiimayn lahaa waayeelka, intii xil soo qabatay.

Ilaa iyo qormada tan xigta Wadeeca Alle.

W.Q. Hassan Farah (Macalin John)

(Qoraalkan marna looguma jeedo shakhsi ama koox gaar waana qoraal cid kasta la soo dhoweynayo fikradeeda ama aragtideeda. Mahadsanidiin)


Previous Article Mo Farah oo noqday orad yahankii ugu wanaagsanaa ee soo mara abad dalka Britain
Next Article Bah weynta Isportiga south London oo soo dhaweyey Kabtan Cumar Calasoow
Print
10123 Rate this article:
5.0
H Farah

H FarahH Farah

Other posts by H Farah
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top