Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

BILE WARSAME DHOORE (7) OO LAGU SOO DHOWEEYEY LONDON
Kubadda Webmaster
/ Categories: Sports News, Basketball

BILE WARSAME DHOORE (7) OO LAGU SOO DHOWEEYEY LONDON

Kulan todobaadlihii sabtida ee bahda kubadda Kolayga London ayaa waxaa Sabtidii 24ka bishan bilay xamaasadeeda iyo xiisaheeda ciyaartoygii Gobolka Banaadir, Naadiga Horseed iyo Xulka Kubadda Kolayga Qarank Soomaaliyeed mudane Bile Warsame oo sumadiisu ahayd lambarka todobaad (7), laguna yiqiin weerar aan kala go’ lahayn iyo difaac adag. Bile oo muddo dheer ku noolaa magaalada Toronto ee dalka Canada.

Bile oo ka fariistay ka qayb galka cayaaraha shan iyo toban sanadood ka hor ayaa waxaa uu soo xusuusiyey intii madasha joogtay in farsamadu heybad tahay. Bile fudeyd ayuu kula qabsaday tartankii iyo xamaasadiisii. Kooxdii uu ka tirsanaa oo ay ku weheliyeen Maxamed Shiikh (Weli), Cabdulqaadir Garweyne, Macalin John iyo Cabdiraxmaan Maxamed (Ottwa) ayaa ku guuleystay kulamadii ama ciyaarihii ugu badnaa.

Ciyaartu markay gebagebowday ayaa loo dhar doorsaday oo loo bakoolay casho iyo sheeko bar kulankaa barbaarta iyo akhyaaarta woqooyiga London oo ku taala wadada caanka ah ee 552 Tottenham High Road, makhaayada fadhiga wanaagsan, adeega wacan oo cunada macaan waa Walaalaha (Brothers), iyo maamulkeeda. Cashadii kadib waxaa si rasmi ah loogu soo dhoweeyey wada jir Bile Warsame oo kadib ereyo kooban ugu mahad celiyey dhamaan bahda K.Kolayga, Brothers Restaurant iyo akhyaarti kale ee soo dhoweysay oo uu ka mid ahaa Deysane.

Waxaa kale oo ka qayb galay Cabdalla dheere(Wadani),Cabdullahi Abshir, Abuukar Yuusuf (Tall), Mahad Cabdi, Liibaan Daahir Yuusuf, Cabdiweli Sabriye, Cabdixakiin (Society), Saleebaan, iyo Cabdisalaan Hereri oo ka tiraan jirey ciyartoydii hore ee gobolka Woqooyi Galbeed (Hargeisa) oo ku caan baxay heybadiisa wariyenimo balse ay u qarsoontahay farsamadiisa ciyaaryahanimo.

Waxaa isla munaasabadaas lagu sagootiyey, macasalaameyay Cabdiraxmaan Maxamed oo ku joogay booqasho magaaladan London isagoo ka yimi magaalada Ottawa ee dalka Canada ee carada woqooyiga Maraykanka.

Cabdiraxmaan oo muddo shan todobaad ah joogay London looguna bogay farsamadiisa cayaareed, dhaqan wanaag iyo dulqaad kana tirsanaa kooxdii guushu raacday. Cabdiraxmaan waa u tusaale isu soo dhoweynta kubadda kolaygu gaar ahaan, iyo guud ahaan Isboortgu bulshada isu ururiyo. Waxaa dhamaan lagu nabadgelyeeyey Cabdiraxmaan waxaana loo wada rajeeyey isaga iyo reerkiisa khayr fara badan. Waxaa isla markaa fariimo loo sii faray Abuukar Shiino oo ah odayga Ottawa ee K.Kolayga suurta geliyeyna wada xiriirka qiimaha leh.

W/Q: Hassan Farah (macalin John)


Previous Article 2012 CECAFA DRAW COMPLETED
Next Article STADIUM BANAADIR OO LAGU BILAABAYO DHIGISTA COWS-KA ARTIFISHALKA
Print
5627 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top