Search
× Search
Friday, March 29, 2024

Article

 

GUDDOOMIYAHA CAF ISSA HAYATOU, OO HAMBALYEEYAY GUD. X. K/C JABUUTI
Kubadda Webmaster
/ Categories: Sports News

GUDDOOMIYAHA CAF ISSA HAYATOU, OO HAMBALYEEYAY GUD. X. K/C JABUUTI

Guddoomiyaha Xiriirka Kubada cagta qaarada Africa ee CAF Issa Hayatou, ayaa maanta dhambaal hambalyo ah soo gaarsiiyay Guddoomiyaha Xiriirka Kubada cagta dalka Jabuuti Suleymaan Xasan Waberi.

“Munaasabada doorashadaada awgeed oo laguu doortay guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Jabuuti kaddib shirweynihii dhacay 10-kii Bishan November aniga oo ku hadlaya magaca CAF iyo kan xubnaha guddiga fulinta waxaan kuusoo dirayaa hambalyo ku aadan guushan cusub”ayuu yiri guddoomiyaha Xiriirka kubada cagta Qaarada Africa Issa Hayatou, oo qoraalkiisa sidoo kale soo gaarsiiyay xafiiska warfaafinta CECAFA.

Guddoomiyaha cusub Suleymaan Xasan Waberi waxaa uu muddo dheer soo ahaa xeer ilaaliye FIFA iyo CAF iyo sidoo kale macalinka garsooreyaasha CAF, wuxuuna kaalin weyn kasoo qaatay horumarinta garsoorka kubada cagta dalkiisa iyo kan qaarada intaba.

Waxaa uu guddoomiyaha CAF qoraalkiisa ku sheegay in ururkiisa ay ka go’antahay inuu sii wado taageerada kubada cagta Jabuuti si loosii xoojiyo xiriirka wada shaqeyneed ee u dhexeeya FDF iyo CAF waxaana uu guddoomiyaha cusub u rajeeyay in uu ku guuleysto howsha adag ee loo xil saaray.

“Mudane iga guddoon hambalyadeyda”ayuu dhambaalkiisa ku yiri Issa Hayatou, oo u rajeeyay guddoomiye Suleymaan Waberi in uu shaqadiisa ku guuleysto.

FG: Qoraalka guddoomiyaha CAF oo Af Fransiis ku qoran: RIIX HALKAN

By Shafi’i Mohyaddin Abokar


Previous Article GUDDOOMIYAHA CUSUB EE XIRIIRKA KUBADDA CAGTA DALKA JABUUTI OO BALAN QAADAY ISBEDEL DEG DEG AH
Next Article 2012 CECAFA DRAW COMPLETED
Print
4808 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top