Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

GUDDOOMIYE KU XIGEENKII 2AAD EE GOS OO KU GEERIYOODAY MUQDISHO
Kubadda Webmaster
/ Categories: Sports News

GUDDOOMIYE KU XIGEENKII 2AAD EE GOS OO KU GEERIYOODAY MUQDISHO

Alle ha u Naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Halyeyga Isboorti Xasan Axmed Cabdi [Xasan Elman] oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee Guddiga Olambikada Soomaaliyeed.

Marxuum Xasan Elman ayaa lagu xasuustaa qeybtii lixaadka lahayd ee uu ka qaatay horumarinta ciyaaraha gaar ahaan Kubadda Cagta. Wuxuuna qeyb weyn ka qaatay Tayeyntii iyo horumarintii naadiga Elman tasoo ay ku raacday Naaneystiisa (Xasan Elman).

Dadaal iyo karti uu ka muujiyay Isboortiga dalka waxaa 19kii Febraayo 2009 loo doortay ku xigeenka 3aad ee GOS, Sidoo kale 3da bishan Janaayo 2013 waxaa loo doortay xilka Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Guddiga Olambikada Soomaaliyeed .

Isla maanta ayaana Aas Qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho, Iyadoo ay ka soo qeybgaleen madax ka tirsan Dowladda Federaalka , Madaxda sare ee GOS, Madaxda Xiriirada kala duwan iyo Bahda Isboortiga oo aan u kala harin.

BAHDA ISBOORTIGA OO TACSI TIIRAANYO LEH U DIRAAYA EHELADA MARXUUM XASAN ELMAN:
Guddoomiyaha Guddiga Olambikada Soomaaliyeed C/llaahi Axmed Tarabi
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Guddiga Olambikada Soomaaliyeed Cabdi Xasan Axmed (Wataac)
Guddoomiye ku xigeenka 3-aad Guddiga Olambikada Soomaaliyeed Ibraahim Abuukar Shaamoow
Xoghayaha GOS Duraan Axmed Faarax
Guddoomiyaha Xiriirka K/Koleyga Ibraahim Xuseen Cali (Roombo)
Guddoomiyaha XSKG Maxamed Xasan Xuurshe (Eenoow)
Guddoomiyaha XSKC Cali Saciid Guuleed
Guddoomiyaha XSKL Prof Maxamed Cali Caddoow
Guddoomiyaha Teakwondo Aweys Abanuur Abati (Orafeeyo)
Guddoomiyaha Feerka Xaaji Axmed Maxamed Coloow
Guddoomiye ku xigeenka XCF Khadiijo Aadan Daahir
GX.K.K Maxamed Xaaji Cali
GX.K.K Cali Xasan Cali
GX.K.K C/Casiis Goodax
Xogahayaaha XSKK Saciid Ducaale
Xogahayaaha XSKC C/qani Saciid Carab
Xogahayaaha XSCF Faarax Cali Macalin

Dhamaan Guddoomiyeyaasha iyo madaxda xiriirada kala duwan ee heer Qaran iyo Ururada isboortiga, dhamaan guddoomiyeyaasha Olombikada Gobolada dalka iyo kuwa degmooyinka gobolka Banaadir, dhamaan Garsooreyaasha,Ciyaartoyda,Tababareyaasha iyo taageerayaasha ciyaaraha, saxaafadda iyo dhamaan bahweynta ciyaaraha Soomaaliyeed waxayna Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Ehelada iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha ha u naxariistee Xasan Axmed Cabdi [Xasan Elman] oo ku geeriyootay magaalada Muqdisho waxayna illaah uga baryayaan inuu naxariistii janno ka waraabiyo eheladii iyo qarabaadii uu ka geeriyoodayna samir Iimaan Eebbe ka siiyo. Aamiin.. Aamiin.. Aamiin.

By: Said Ibrahim Hussein (BUUNA)


Previous Article XIRIIRKA KUBADDA KOLEYGA OO QALAB ISBOORTI LA GUDOONSIIYAY
Next Article GUDDOOMIYAHA K. CAGTA DALKA JABUUTI OO LA KULMAY “SEPP BLATTER”
Print
4630 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top