Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

Xuseen Maxmed Cali Kaar (Guduudow) oo London lagu Marxabaysiiyey
Kubadda Webmaster
/ Categories: Sports News

Xuseen Maxmed Cali Kaar (Guduudow) oo London lagu Marxabaysiiyey

Waxaa habeenkii Sabti- Axadeed ee bisha Febraayo ahayd Labo, casho sharafeed lagu maamuusayo Xuseen Maxamed Cali Kaar oo loo yaqaan (Guduudow) lagu qabtay woqooyiga magaaladda London, Cashadan oo bahda kubadda Kolaygu ku xushmaynayeen walaalkood oo ku soo booqday London.

Guduudow oo cashadda ka hor soo maray garoonka Selby Centre oo sidii caadadu ahayd kulan ciyaareedkii K. Kolaygu ka dhacay waxaa Guduudow muujiyey inuu Kubadda kolayga marti ku ahayn horena u soo cayaaray.

Hadii aan si kooban uga hadlo habkii ciyaartu habeenka u dhacday waxaa kooxda bilawgii guuleysatay u dambeysey Jab ama guul daro aan hore u soo marin, waxaa firfircooni dheeraad ah muujiyey Cabdulaahi Abshir, Maxamed Sheikh iyo Liibaan Daahir.

Waxaa cashadii hadalo laga soo jeediyey loo mahad celiyey Xuseen Maxamed Cali Kaar (Guduudow) oo hore ku soo dhoweeyey bahda K.Kolayga dalka Sweden xilli hore oo ay ciyaaro u tageen.

Xuseen Maxamed oo qayb libaax ka soo qaatay firfircoonida ciyaaraha dalka Sweden gaar ahaan Stockholm, iyo Yurub. Wuxuu beryahan ku hawlan yahayay sidii uu dib ugu noqon lahaa dalkii hooyo dib u dhiskiisana qayb uga qaadan lahaa.

Guduudow oo dhamaadkii u mahad celiyey dhamaan dadkii goobta joogay, wuxuuna ku balan qaaday inuu ku soo dhoweyn doono marka ay yimaadaan. Cashadda oo dhamaatay xilli dambe ayaa waxaa sii dheereeyey dhegeysigii khudbada Madaxweynaha Soomaaliyeed Xasan Sheikh Maxamuud uu ka akhriyey London.

WQ. Kubadda London.


Previous Article British Basketball gets Olympic funding reprieve after UK Sport appeal
Next Article Mo Farah And Wife Tania Criticise School Sport Funding Cuts
Print
4904 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top