Search
× Search
Friday, March 29, 2024

Article

 

Cumar  A/dir  BAARAJAB iyo Siciid Faarax Ducaale oo la ciiday bahda K. Kolayga London
kubadda.com

Cumar A/dir BAARAJAB iyo Siciid Faarax Ducaale oo la ciiday bahda K. Kolayga London

Waxaa habeenkii Sabti- Axadaad ee 10 ka August 2013, lagu qabtay Waqooyiga London maqaayada lagu magacaabo Walaalaha ama (Brothers Restaurant), ee ku taal 552 Tottenham High Road, N17 9SY. Xaflad si heer sare ah ay u soo qabanqaabiyeen bahda Kubadda Kolayga reer London iyaga oo ku soo dhoweynaya Cumar M. Cabdulqaadir BAARAJAB oo ka tirsan Guddiga fulinta GOS, isla markaana ah Tababaraha Xulka Qaranka Soomaaliyeed iyo Siciid Faarax Ducaale oo ah Xog-hayaha Xiriirka Kubadda Kolayga Soomaaliyeed.

Waxaa lagu bilaabay is-xusuusin cabsida Ilaah iyo Mahadaynta nimcada Alle, soo dhoweynta marti sharafta iyo ka wada hadalka sida lagu horumarin lahaa Kubadda Kolayga Soomaaliyeed.

Waxaa goob jooga ahaa bahda kubadda Kolayga London intii soo haleeli kartay waxaana ka mid ahaa Maxamed Sheikh Cabdi WELI (Jeenyo & Badda), Siciid Geesey (WAXOOL), Bashiir Macalin (WMQ & Wardhiigley), Mahad Bilig (Badda), Cabdullaahi abshir(ENC & Horseed), Cabdiraxmaan yare(UK) , Liibaan Daahir Yuusuf (Jeenyo), Axmed Bile (JEENYO) hadana ah maamulaha kooxda ILAMOS,Liibaan Xaashi (Taageere Jeenyo), Caadil Yuusuf (LLPP), Cali Abanuur (Muqdisho), Bashiir Gurey (Somalitex), Xasan Faarax(John), Cabdi Axmed (Gudoomiyaha Somali week 2013), Daahir Cali Kulmiye (gudoomiyaha Jaaliyadda Isboortiga).

Dhanka gabdhaha waxaa joogay Miski Cumar Cusmaan (Gudoomiya Kubadda Kolayga Gabdhaha Yurub), Khadiijo Cabdi Gacal NALEY, iyo Naceemo Cali Xareed oo ah gudoomiya ururka badbaadinta hooyada iyo dhalaanka oo ah urur taageera hooyooyinka ilmahoodu xabsiyada ku jiraan iyagoo ku booqda xabsiyada una diyaariya markey xabsiyada ka soo baxaan sidey nolosha ula qabsan lahaayeen. Ururkan oo ka hawl gala qurbaha iyo dalkii hooyo.

Markii kulanka la guda galay waxaa dhamaan qof kastii u mahad celiyey Martida waqtigooda qaaliga ah waxayna soo jeediyeen fikradahooda ku aadan horumarinta iyo Taageerada xulka Qaranka Soomaaliyeed.

Gebagebadii iyo gunaanadkii Maxamed Sheikh Weli oo ah xubin XSKK islamarkaana ka mid ah hormuudka ama xubnaha firfircoon ee London, oo u mahad celiey intii Marti sharafta, intii ka soo qayb gashay, iyo martida waqtigoodii ciriiriga ahaa u huray walaalahood. Maxamed wuxuu tusaaleeyey muhimada wada shaqaynta, Istaageerka iyo midnimada. waxaa sidoo kale madasha uu u soo gudbiyey fariin ka timi Cabdiweli Sabriye oo ka soo salaamay dhamaan magaalada uu xiligaas ku sugnaa ee Cadaado, maqnaanshihiisana la tebey iyo shiino Guhaad oo soo diray cudurdaar. wuxuu Maxamed xusay tartamo la qorshaynayo in dhowaan loo qabto magaalooyinka Ingiriiska haduu Eebe idmo. wuxuuna ku soo dhoweeyey Cumar BAARAJAB oo qayb lixaad leh ka qaata horumarinta Isboortiga guud ahaan taas oo ay tusaale u ahayd hogaamintii wafdigii Olombigada London 2012 , Kubadda Kolayga sidii tartamadii Qadar iyo Daresalam. waxaa kaloo uu yahay danjiraha Isboorti ee ku sugan Imaaraadka aaan la soo koobi karin taageerada guud iyo gaar ee uu u fidiyo Isboortiga Soomaaliya. Cumar oo u mahad celiyey dadkii soo qabanqaabiyey, wuxuu ku baaqay in ciyaartoydii hore soo saaraan ciyaartoy cusub kana faaideystaan imkaaniyaadka ay haystaan, wuxuuna hal hayskiisu ahaa waarimayside war ha kaa haro.

Bahda Kubadda kolayga UK, ayaa waxay balan qaadeen in ay diyaar u yihiin taageerida Xiriirka Soomaaliyeed Kubadda Koleyga, in ay wixii karaankooda ah ay talo iyo taageeraba diyaar ula yihiin wixii looga soo baahdo. Waxayna Illaah uga baryeen horumar.

Waxaana kulanku ku soo geba geboobay Jawi farxad, raynrayn iyo xusuus waayo hore.

W/Q: Editorial kubadda.com


Previous Article Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun
Next Article Isboortiga iyo Kaalintiisa Horumarinta Dalka Soomaaliya
Print
8728 Rate this article:
No rating
kubadda.com

kubadda.comkubadda.com

Other posts by kubadda.com
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top