Search
× Search
Friday, April 19, 2024

Article

 

KHABIIR SOOMAALIYEED OO KA MID NOQDAY GUDIGA ANSIXIN DOONO IN DALKA ERITREA LAGU QABAN KARO CAYAARAHA CAF MUSTAQBALKA
Kubadda Webmaster
/ Categories: Sports News

KHABIIR SOOMAALIYEED OO KA MID NOQDAY GUDIGA ANSIXIN DOONO IN DALKA ERITREA LAGU QABAN KARO CAYAARAHA CAF MUSTAQBALKA

Dr. Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan farey) oo ah khabiir ka socda xiriirka Kubada cagta Soomaaliya horayna u ahaa garsoore heer caalami FIFA, islamarkaana ah wakiil buuxa oo ka socda xiriirka kubada cagta Africa ee CAF ayaa waxa uu u socdaali doonaa dalka ku yaala waqooyi bari ee qaarada Africa Eritrea. Si uu usoo indha indheeyo garoomada kubada cagta dalkaasi hadii ay gaarsiisan yihiin heer lagu marti gelin karo cayaaraha CAF mustaqbalka.

Sidoo kale waxaa xeel dheerahani uu booqan doonaa hotelada waaweyn ee dalkaasi si loo ogaado in ay gaarsiisan yihiin heer ay marti gelin karaan saraakiisha FIFA iyo CAF iyo wufuuda caalamiga ah ee dalkaa imaan doonta, maadaama aan la ogoleyn in saraakiisha FIFA iyo kuwa CAF la dajiyo Hoteelo heerkoodu uusan ahayn kan ugu sareeya aduunka.

Xasan farey, oo waxbarashadiisii kasoo baxay Jaamacadii Lafoole ee Soomaaliya bartamihii 80-meeyadii ayaa lagu wadaa in uu gaaro magaalada Asmara 6-da bisha Janaayo ee sanadka cusub, waxaana inta uu socdo kormeerkiisa la shaqeyn doona saraakiil Eritrean ah oo ay ka mid yihiin xoghayaha guud ee xiriirka kubadda cagta Eritrea, agaasimaha guud ee wasaarada Isboortiga dalkaasi, sarkaal xaga amaanka ah iyo khabiiro dhanka cows-ka garoomada ah, sida lagu sheegay war kasoo baxay xiriirka kubada cagta Africa ee CAF.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa si weyn usoo dhaweeyay magacaabista loo magacaabay masuul ka tirsan SFF in uu noqdo safiir matalaya xiriirka qaarada ee CAF.

“Magacaabistani waxaa ay tusaaleyneysaa in kubada cagta Soomaaliya ay nooshahay lana socoto tan caalamka xag aqooneed iyo xag farsamo intaba inkastoo aanu soo marnay in ka badan 20 sanadood oo ah dagaalo sokeeye, falal ka dhan ah kubada cagta oo ka imaanaya koox diimeedyo iyo fowdo dalka oo dhan hareysay”ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo war saxaafadeed soo saaray maanta oo Isniinah.

Waxaa uu sheegay inkastoo dagaalo sokeeye ay halakeeyeen hadana in Soomaaliya ay sidoo kale ururka CECAFA ku leedahay saraakiil muhiim ah oo ay ka mid yihiin: Madaxa tartamada CECAFA Cabdi Qani Saciid Carab, madaxa dhaqaalaha Caamir Cabdi Xasan, madaxa qeybta warfaafinta CECAFA Shaafici Muxuyadiin Abuukar iyo Xubin guddga garsoorka Dr Xasan Maxamed Maxamuud.

Xasan farey, waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdsiho sanadkii 1957-kii waxaana uu shaqadiisa garsoorka FIFA bilaabay 1986-kii, isagoo xeer ilaaliye CAF soo ahaa tan iyo sanadkii 2009-kii shaqdaas oo uu wali hayo.

Waxaa Xasan farey, uu soo garsooray 30 cayaarood oo caalami ah oo ay ku jiraan kuwo FIFA iyo is reeb reebka cayaaraha Olombikada aduunka, waaxana sanadkan markii ugu horeysay uu u shaqeynayaa isagoo ah safiir buuxa oo ka socda xiriirka kubada cahta Africa ee CAF.

By: Shafi’i Mohyaddin Abokar


Previous Article MO FARAH OO LOO DIIDAY IN UU GALO AMERICA KADIB MARKII LOOGA SHEKIYAY ARGAGIXISO
Next Article SOMALI NOC CONGRESS ELECTS NEW CHIEF
Print
4764 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top