Skip Repetitive Navigational Links

Friday, September 10, 2010

TARTAN KUBADDA KOLAYGA AH OO KA BILOWDAY TORONTO

3 February 2008

Taarikhdu markay aheyd 27-kii bishii Janaayo 2008 ayaa waxaa ka bilowday magaaloda Toronto ee Canada, tartan kubadda kolayga ah oo loogu tala galay cayaartoyda da'doodu tahay 16jir iyo wixii ka hooseeyo.

Kooxaha cayaaraya ayaa waxaa wato, qaar ka mid ah cayaartooydii hore ee Kubadda Kolayga Soomaaliyeed ee hada ku midoobay ururka lagu magacaabo SSIFO (Somali Sports & International Friendship Organization) waxaana tartankaan maal galiyey ururka Ogaden Community ee loo soo gaabiyo OSCAO (Ogaden Somali Community Association of Ontario) waxaana soo Abaa bulay tartanka Cabdi Samad oo ahaa mid ka mid ah cayaartooydii u ciyaari jirtay berisamaadkii kooxdii kubada cagta ee Minashiibiyo.

Maal galiyeyaasha tartanka Ogaden Community

MP-ga xaafada Laura Albanese oo la dar daarmaysay maamulka tartanka

Cayaartii furitaanka ayaa waxaa ka soo qayb galey qaar ka mid ah maamulka xaafadda oo ay hor kacaysay marwada MP-ga ka ah xaafadaas Laura Albanese.

Kooxaha ka soo qayb galay tartankan ayaa kala ahaa:
1. Lawrence Heith oo uu macalin u yahay macalinkii LL PP Abdi Dheere
2. Weston oo uu macalin u yahay Daud Dheere iyo Axmadeey B.
3. Fall Staff oo u macalin u yahay Faarax Odey
4. Woodbine oo uu macalin u yahay Cabdi dibutaati

Caruurta ka kala socoto kooxaha aan kor ku soo xusnay oo ka badnaa kontameeyo ayaa u kala baxa da' kala duwan. Koox kastana waxay qabtay ilaa iyo saddex team oo kala da' ah. Waxayna u wada cayaari doonaan:
A. Kuwa da'doodu tahay 16 iyo 15 jir ayaa isla wada cayaari doono
B. Kuwa da'doodu tahay 14 iyo 13 jir ayaa isla wada cayaari doono
C. Kuwa da'doodu tahay 12 iyo 10 jir ayaa isla wada cayaari doono

Hadaba cayaarta ugu horeysay ayaa waxaa fooda is daray kooxaha Woodbine iyo Fall Staff group-ka (C) kuwa da'doodu ahayd 12jir iyo wixii ka hooseeyo. Markii kubadii kor loo tuuray si ay u bilaabato cayaarta ayaa waxaa durbadiiba bilowday qaylo farxad wadato, sawaxan iyo sacab ka soo yeerayay daawadayaashii ay u badnaayeen waalidkii caruurtaas dhalay.

macalin Abdi Dheere oo hor taagan kooxdiisii Lawrence Heith

Caruurtaas oo soo bandhigay cayaar aad u xiiso badnayd oo xiiso gelisay dhamaan dadkii iyo waalidkii ka soo qayb galay kulankaan. Cayaartaas oo ku dhamaatay kooxda Woodbine oo keensatay 16 dhibcood halka kooxda Fall Staff ka heshay 21 dhibcood oo ay halaakaasi guushu ku raacday kooxdii Fall Staff oo uu watay Faarax Oday.

Kadib waxaa cayaaray group-ka (A) kuwa da'doodu u dhaxaysay 16 – 15jir ee kooxaha Fall Staff iyo Woodbine. Waxayna ku dhamaatay cayaarta kooxdii Woodbine oo la timid 33 dhibcood halka ay kooxda Fall Staff ka keensatay 45 dhibcood oo ay hadana guushu ku raacday kooxdii uu watay Faarax Oday.

Hadaba waxaan u rajaynaynaa tartanka in uu guul ku dhamaado, kaas oo runtii ah mid mustaqbalka cayaaryahanadaan da'da yar wax u tari kara mustaqbalkooda iyo kii dalkoodii Hooyo.

Daa'uud A. Dheere
Xafiiska kubadda.com
Toronto Ontario


Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football