Skip Repetitive Navigational Links

Friday, September 10, 2010

TARTANKA CARUURTA DA’DA YAR EE KUBADDA KOLAYGA SOMALI WEEK MINNESOTA OO LA SOO GABA GABEEYAY

04 July 2008

Tartamadii ciyaaraha kubadda koleyga da'da ka yar 18 ka sano oo loogu magac daray SOMALI/AMERICAN INDEPENDENCE DAYS TOURNMENT ayaa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay garoonka kubadda koleyga ee YWCA ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Tartankan isaga ah ayaa abaabulkiisa waxaa iska lahaa ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan SYDOM (Somali Youth Development Organization in Minnesota).

Cayaartooyda mustaqbalka

Sidoo kale waxaa tartankan aalaaba qabanqaabadiisa gacan aad u wayn ka gaysta dhallinyaradii horay uga cuslaatay ciyaaraha oo wiilal iyo gabdhoba leh, kana mid ahaan jiray ciyaaryahannadii heerka 1aad ee kubadda koleyga iyo xulka qaranka Soomaaliyeed kuwaasi oo iyagu isku xilqaamay inay ururiyaan dhallinyaradaasi yaryarka ah, kana caawiyaan tabaha iyo xeeladaha casriga ah ee kubadda koleyga.

Sidoo kale waxaa iyaguna gacan aad u ballaaran ka gaysta guddiga isboortiga ee gobolka Minnesota. Tartankan isaga ah ayaa soo billowday 25 July 2008, waxaana la soo gabagabeeyay maalintii Arbacada oo ay taariikhdu ahayd 02/07/2008. Tartankan ayaad sannadkan moodaa inuu si aad ah uga qiima badnaa sannadihii hore iyada oo taakulayntiisa ay si wayn uga qayb qaateen ganacsatada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota iyo ururada bulshada qaarkood.

Haddaba ciyaarihii ugu dambeeyay ee finalka ayaa waxaa da'da 18 sano jirka isku haleelay Kooxihii ku ciyaarayay magaca Olympic iyo Midnimo,waxaana 64 dhibcood ay guushii ku raacday kooxda Olympic, halka kooxda Midnimo ay ka keensadeen 61 dhibcood. Ciyaaryahannadii ugu kululaa galabtaasi waxaa ay kala ahaayeen: Guuleed C/raxmaan, Saadik Xaaji Madaxey iyo Sharmaarke Maxamed Muuse. Dhanka kooxda Midnimo waxaa iyaguna ciyaar wanaag muujiyay Maxamed, Cabdulqaadir Busuri, Ayuub iyo Axmed Dheere.

Kooxda Olympic

Dhanka caruurta da'dooda ka yar tahay 15 jir waxaa ciyaartii kama dambaysta isku haleelay (Final) Kooxihii ku ciyaarayay magaca Tigers iyo A-Plus waxaana 39 dhibcood ku adkaaday kooxda A-Plus, halka kooxda Tigers ay ka keensadeen 36 dhibcood.

Kabtanka Kooxda A-Plus

Gunaanadkii xafladda waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha ururka Horumarinta dhallinyarada Liban Suleiman (Shiikha) oo isagu ka warbixiyay sida tartankani uu ku soo billowday iyo dadaalkii faraha badnaa oo ay muujiyeen caruurtii ciyaarayasay, waxaa kale oo uu aad ugu dheeraaday waxqabadka ururkan iyo kaalinta looga baahan yahay bulshada Soomaaliyeed sidii ay isaga kaashan lahaayeen wax u qabashada caruurta Soomaaliyeed, waxaana uu ammaan ballaaran u soo jeediyay guddigii qabanqaabada tartanka, dadweynihii faraha badnaa ee ka soo qaybgalay daawashada tartanka iyo waalidiintii waqtigoodii qaaliga ahaa u huray horumarinta ciyaaraha.

Sidoo kale waxaa isaguna halkaasi ka hadlay wakiilka jaaliyadda Soomaalida ee xafiiska Senotor Norman Coleman oo aad ugu hambalyeeyay waxqabadka ururka, waxaana uu ku dhiirrigaliyay dhallinyarada Soomaaliyeed inay ku dadaalaan isboortiga ka sokow sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen aqoontooda.

Guddigii Qabanqaabada tartanka

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha isboortga ee Gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin, oo isagu ka hadlay munaasabadda loo dabaaldagayo ee qarannimada Soomaaliyeed iyo tan Maraykanka iyo qiimaha ay ummmada Soomaliyeed ugu fadhiso, waxaana uu dareensiiyay dhallinyaradaasi yaryarka inay ku baraarugaan dalkoodii Soomaaliya inuu u baahan yahay, loona baahan yahay inay isboortiga ka sokow inay ku dadaalaan waxbarashadooda maadaama ay haystaan fursad qaali ah oo maanta uusan haysan wiilka yare e dalkeenii hooyo ku nool, oo xabaddu ay ka dhul dhacayso,waxaana uu kula dardaarmay fursaddan qaaliga ah oo ay haystaan inay ka faa'iidaystaan.

Intaa dabadeed waxaa halkaasi lagu gudoonsiiyay cidii mudnayd shahaadooyin, koobab iyo billadihii lagu kala guulaystay tartanka oo loo kala helay sidan:

01. Kaalinta 1aad Da'da 18 jirka kooxda Olympic

02. Kaalinta 2aad Da,da 18 jirka Kooxda Midnimo

03. Kaalinta 1aad Da'da ka hoosaysa 15 jirka Kooxda A-Plus

04. Kaalinta 2aad Da'da ka hoosaysa 15 jirka Kooxda Tigers

05. Tartanka (Lay up Contest) Kaalinta 1aad Sakaria Xaaji

06. Tartanka (Lay up Contest) Kaalinta 2aad Hassan Yare

07. Tartanka Tuurashada dheer(3 Point) Kaalinta 1aad Guuleed Hodleh

08. Tartanka 1 & 1 (1 &1 Contest) Kaalinta 1aad Adnaan Guuleed

09. Tartanka 1&1 (1 &1) Contest) Kaalinta 2aad Libaan Yuusuf

10. Ciyaartooygii ugu wanaagsanaa (MVP) Guuleed Hodleh

Fiiro Gaar ah: Sidoo kale haddaad doonayso aqbaar dheeri ah oo ku saabsan munaasabadaan kala xiriir shabakada Somali Youth Development Organization ee gobolka Minnesota (www.Somali-youth.org.)

Diyaariye: Shiikha
Minneapolis-MN

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football