JAALIYADDA SOOMAALIDA HINDIYA OO CASHAR SIISAY ILAA IYO LIX WADDAN OO KOOB KALA DHEXEEYAY
16 July 2008
India(Heydrabad). Waxaa Gobolka Haydrabad oo ah gobolka ay ku badanyihiin ardayda shisheeye ee wax ka barata dalkan Hindiya (India) lagu qabtay tartan loo dhigay ardayda jaaliyadaha Soomaaliya, Ethiopia, Djibouti, Kenya, Tanzania, Nigeria iyo Yemen.
Tartankan oo ahaa mid aad u xiiso iyo xamaasad badnaa, ayaa waxuu ahaa mid iswada arag mar keliya ah, waxaana guushii si xarago leh ku qaatay ciyaartoydii meteleysey ardayda magaca Soomaaliyeed oo ku guulaysatay dhamaan ciyaarahoodii, urursatayna 15 dibcood, kooxdii ugu soo dhawayd ee kaalinta labaad ku guulaystay ay ahayd Jaaliyada dalka Yaman oo keensatay 13 dhibcood.


Kooxdan Soomaalida oo mar kaliya laga adkaaday 6-dii kulan ay la yeesheen waddamadaasi ayaa waxaa la sheegay inay soo bandhigeen ciyaar wanaag si weyna loo wada jecleystay, taasoo ay kaga yaabsadeen waddamadii dhiggooda ahaa ee koobkaasi kula tartamayay iyo daawatadii goob jooga ahaa. Sidoo kale, intii ay socdeen kulamadaani is wada aragga ahaa ayaa markii loo saadaalinayay koobka inay hanan karaan Soomaalida waxay aheyd ka dib markii ay goolal badan uga talaabsadeen kooxda jaaliyadda Kenya metaleeysay, taasoo baqdin gelisay kooxihii kale ee koobka kula loolamayay Sidoo kale kulamadii ay la wada yeesheen kooxaha idilkood ayay afka ciidda u dareen, marka laga reebo kooxda Yemen oo aheyd kooxda kaliya ee Soomaalida ka badisay.
Haddaba, xaflad ballaran oo lagu guddoonsiinaayay koobkii iyo bilado kala duwan kooxda jaaliyadda Soomaalida Hindiya, ayaa waxa ay ka dhacday mid ka mid ah hoolalka waaweyn ee magaaladaasi Heydrabad. Iyadoo xafladaasina ay ka soo qeyb galeen dhammaan jaaliyadihii koobkaasi loo dhigay, marti sharaf ka kala socday jaamacadaha gobolkaasi iyo ardayda wax ka barata dalkaasi Hindiya oo si weyn u taageersanaa isla mar ahaantaasna aad ugu faraxsanaa guushaasi taariikhiga ah oo ay soo hoyeen halyeeyda Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, mas'uuliyiintii jaaliyadda Soomaalida degan Hindiya oo xafladaasi ka hadlay ayaa waxay ammaan iyo bogaadin ballaaran u jeediyeen ciyaartoydii, kuwaasoo ay sheegeen inay muujiyeen karti dheeraad ah iyo ku mintidida ay koobka ku soo hanteen, arrintaasna waxay ku tilmaameen inay tahay guul aan keligood ku koobneyn, balse Soomaalida idilkeed meel walba oo ay joogto u soo hoyatay.
Sidoo kale, waxay ammaan lixaad leh u jeediyeen macallinka kooxda oo lagu macagaabo C/qaadir (Weydoow) iyo caawiyihiisa Abshir Cabdi Maax iyo weliba guddoomiyaha kooxda Xasan Yuusuf oo lagu naanayso Speaker.

Ugu dambeyntii, waxay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Hindiya u mahad noqeen ciyaartooydii muujisay kartida iyo dadaalka weyn oo ay ku hantiyeen koobkaasi. Waxaana magacyada ciyaartooydaasi ka mid ahaa Kabtanka kooxda Maxamed C/laahi Yalaxoow (Captain Yalax), Maxamed C/laahi Xaaji (Xaaji-Kabo), C/risaaq Aadan Max'ed (Takeey), Max'ed Cali Jabane, Najiib Max'ed(Najiibka, Max'ed Mawliid, Cismaan Max'ed, Max'ed Saalax, Abshir C/laahi, Cabaas Max'ed Nuur, C/casiis iyo Khaliif-ka.
Waxaa hambalyo iyo bogaadin u jeedinaya ciyaartoyda, Macalimiinta,
iyo maamulka kooxda bahda shebekadda Laasqoray.net iyo Kubadda.com, waxaana u
rajeyneynaa guulo fara bada mustaqbalka.
C/raxmaan Jaamac Afrax (Helos)
helos69@hotmail.com
Isku Duwaha Ilaha Wararka Asia
Malaysia, Kuala Lumpur