KOOXAHA ILMOS IYO QARAN OO U SOO GUDBAY WAREEGII LABAAD EE CAYAARIHII SEUKI 2008
19 July 2008
Cayaar ay shalay iskaga horyimaadeen kooxha Streatham iyo Göteborg iyo Qaran iyo Ilamos ayaa ka dhacay garoonka weyn ee Spånga IP, iyadoo shalayna uu garoonka u camirnaa si aan caadi aheeyn waloow ay jireen cayaaro kale oo ka furmayey garoonka Rinkeby, ayaad hadana waxaaad moodeeysay in aysan magaalada Stockholm wax cayaar ah oo kale aysan ka jirin markaad eegto dadweynaha iskugu soo baxay cayaarahan shalay.
Kooxda Streatham ayaa shalay muujiyay cayaar aad u farsamo badneed oo ay aad ugu gacansareeyeen kooxda Göteborg kagana badiyeen Afar gool iyo waxba (4 – 0). Waloow kooxdii ka soctay magaalada Göteborg ay isku sabar siinayeen in uu shalay ka maqnaa cayaarahan Macoow oo cayaartii furitaanka wacdaro muujiyay, balse ay tabeen shalay.
Kooxda Streatham ayaa waxeey shalay soo bandhigtay cayaar ay dadku jecleestaan iyadoo kooxduna ay shalay u muuqdeen ineey la qabsadeen cimilada dalka iyo garoonkaba, oo aysan wax press ah saarneeyn.
Garsoorayaasha tartanka
Gudoomiye Afrax, Bile Cali iyo Axmed Maxamed Saalax (DIINAASH)
Cayaartii labaad ee shalay ayaa waxaa fooda is daray kooxaha Ilamos iyo Qaran oo ka wada tirsanaa group-ka C, Inkastoo kooxda Qaran ay mar kasta soo baxaysay balse kooxda Ilamos ay ku soo baxeeysay badis oo kaliyah. Hadaba labadan koox ayaa shalay soo bandhigay cayaar aad loogu raaxeysto oo waliba u badneeyd mid adag oo daawadayaashu aad u xiiseeynayeen.
Kooxda Qaran
Kooxda Ilmos
Kooxaha Ilamos iyo Qaran ayaa waxaa u cayaara cayaartooy aad u farsama sareeya iyadoo aad cayaartoydana moodeeysay ineey aheeyd mid ay laba koox oo aad loo soo abaabulay wada cayaarayeen.
Kooxda Ilamos oo hore mar looga soo badiyey marna soo badisay ayaa shalay waxeey garoonka la timid niyad ah badis, taasoo ay kooxdii ka soo horjeeday ee Qaran ay ku maquuniyeen Afar gool iyo labo (4 – 2.) Sidaasina ugu soo gudbeen wareega labaad ee tartanka.
Gudoomiyaha SEUKI Mr Afrax
Stockholm - Sweden