TARTANKII SOMALI CHALLENGE CUP OO SOO GAARAY HEER SEMI FINAL AH
10 June 2008
Koobkan Somaali challange cup oo beryahanba ka socday xaafada Hayes ayaa soo gaaray heer gabo gabo ah, haddaba ciyaarahan ayaa waxaa kasoo qayb galay sideed kooxood, kuwaas oo loo kala qaybiyey laba qaybood.
Qaybta koowaad: Alhijra, London stars, Waaberi FC iyo Halgan.
Qaybta Labaad:Heyes, Osca, Hoston iyo Link.
Hadaba aqristow ciyaarihii ugu danbeeyey ee la cayaaro ayaa ahaa kuwo aad u xiiso badanaa aadna loola dhacay, waxaana aan ka xusi karnaa ciyaarihii dhex maray kooxaha Halgan iyo London stars. Cayaartaas oo aheyd ciyaar aad u xiiso badanayd oo ay kooxda London stars ku qasbanayd inay badiso si ay u soo baxdo, halkan Halgana ay kusoo baxaysay iney badiso ama bareejo gasho.
Yaan hadal idinku daalinine waxaa la baastay cayaartii waxayna ku bilaabatay weerar iyo weera celis ka dib waxaa u suuro gashay kooxdii London stars in ay gool dhaliyaan halka ay ciyaartu ku noqotay 1 iyo 0 .oo ay hogaanka ku qabatay London stars.
Qaybtii labaad markii laysugu soo noqdey Halgan ayaa waxaa ay wax ka badeleen qaab ciyaareedkoodii oo ahaa Information-ka oo waxaa ay u badeleen 4 3 3 oo waxaa ay xoojiyeen dhinaca weerarka ka dibna waxaa halkaa usuuragashay iney ciyaartii wax ka bedelaan oo ay sidaasna ku noqoto 1 iyo 1.
London stars ayaa waxaa ay ka mid tahay kooxaha ugu adag London lakiin nasiib daro waxaa ay sidaas uga hareen koobkii Somali challange, halka ay Halgana u soo baxdey semifaynalka.
Kooxda Halgan
Waxaa sidoo kale ciyaaray labo kooxood oo labaduba ay ka wada tirsanyihiin Eurosom ka na mid ah kooxa ugu adag Eursom waa Al-Hijra iyo Waaberi fc iyaga waxaa ay ciyaareen ciyaar aad u xiiso badneyd oo aan dhihi karno waxaa ay soo muujiyeen ciyaar wanaag heersare ah ayaa iyagana waxaa halkaas ay ku kala badiyeen 5 gool oo ay Al-Hijra dhalisay iyo 4 gool oo Waaberi fc dhalisey. Kooxahan Al-Hijra iyo Waaberi ayaa waxaa iyaga semifaynalkii sidaas ugu soo baxay kooxdii Al-Hijra.
Kooxda Alhijra
Sidoo kale waxaa ciyaaray laba kooxood oo kale oo kala ahaa Link fc v Osca FC waxaa ay iyaga soo bandhigeen ciyaar wanaag waxaana badisey kooxda Link sidaasna ugu soo baxday semifaynalka. Sabtida soo socota ayaa waxaa la ciyaaridoonaa ciyaarihii semi faynalka waxaana laysugu soo aadey sidan: Halgan Vs Hayes iyo Link Vs Alhijra.
Kooxda Gulf Links
Kooxda Hayes FC
Guud ahaan ciyaarahan ayaa waxaa ay yihiin ciyaaro si wanaagasan uga socda garoonka weyn ee HAYES, waxaana usoo daawasho taga dadweyne aad u tiro badan.
Qore: Fuad Mahdi