Skip Repetitive Navigational Links

Friday, September 10, 2010

KOOXDA DIXON OO HANATAY KOOBKII SOMALI YOUTH BASKETBALL TOURNAMENT EE TORONTO

12 June 2008

Kooxda Dixon, da’da ka yar 18-ka sano ayaa ku guuleysatay tartankii Somali Youth Basketball Tournament ee ka socday mudo shan todobaad ah garoonka dedan ee Weston/Sheppard magaalada Toronto. Tartankan oo ay soo qaban qaabiyeen cayaartooydii hore ee Kubadda Kolayga Soomaaliyeed ee hada ku midoobay ururka lagu magacaabo SSIFO (Somali Sports & International Friendship Organisation) qaybtooda deggan Canada.

Kulankan ayay ka soo qayb galeen ilaa iyo lix kooxood oo loo kala saaray labo garoup oo kala ahaa A & B:

Group A: 1. Weston A 2. Rexdale Reball 3. Fallstaff
Group B: 1. Weston B 2. Hawks 3. Lawrance Heith.

Kulankan oo marba marka ka danbeysay xiisahiisu sii kordhayey, kooxuhana ay isa soo kala reebayeen ayaa waxaa cayaarta kama danbaynta ahayd isugu soo haray kooxaha Fallstaff oo uu macalin u ahaa Faarax Odey iyo kooxda Dixon oo uu macalin u ahaa Cabdi Dibataati.

Cayaartan ayaa ku bilaabatay weerar is daba joog ah oo ay labada kooxba isku qaadayeen, iyadoo kooxba ay mar hogaanka cayaarta ku hor maraysay. Balse gabagabadii cayaarta waxay ku dhamatay in ay is la dhaafi wayeen kooxda Dixon 38 dhibcood - Fallstaff 38 dhibcood. Kadib waxaa lagu daray shan daqiiqo oo dheeraad ah.

Shanta daqiiqo ee siyaadada ahayd markii ay bilaabatay ayaa waxaa ka faaiideysatay kooxda Dixon oo dhalisay 50 dhibcood, meesha kooxda Fallstaff ay dhaafi wayday 47 dhibcood. Runtii cayaartu waxay ahayd mid aad u xiiso badnayd, oo ay labada kooxba soo bandhigeen cayaar aad u qancisay dadkii u soo daawashada tagay.


Kooxda Dixon

Cayaarta markay dhamaatay kadib ayaa waxaa maamulkii tartanka gudoonsiiyeen kooxda Dixon koobkii loogu tala galay kaalinta koowaad, halka kooxda Fallstaff ay ku guuleysatay kaalinta labaad. Cayaartoygii ugu cayaar fiicnaa (MVP) ayaa loo gartay in uu ahaa Anthony Smith, oo u cayaarayey kooxda Dixon.

Maamulka tartanka macalin Muuse iyo Daa’uud dheere ayaa u mahad celiyay, dhamaan macalimiinta iyo cayaatoyda ka soo qayb gashay tartanka, oo kala ahaa: macalin Cali oo watay kooxda Hawks, macalin Abdi Dibataati oo watay kooxda Dixon, macalin Abdi dheere oo watay kooxda Lawrence Height, macalin Faarax Odey oo watay kooxda Fallstaff iyo macalin Maxamed Faarax Qambi oo watay kooxda Weston A iyo Weston B.

Waxaa kaloo ay halkaas uga mahad noqeen Axmadeey oo garsoore ka ahaa cayaaraha min billoow ilaa iyo dhamaad, waxaa kaloo ay asna u mahad celiyeen Jabriil oo isagana qayb weyn ka qaatay ilaalinta saacada iyo iskoorka qoritaankiisa iyo weliba macalin Buruno oo qayb culus ka qaatay iskudiburidka iyo habsami u socodka tartanka.

Maamulka ayaa balan qaaday in tartankaan kan xiga uu ka sii xiiso badnaan doono midkaan haduu Eebe idmo. Sidoo kale waxay u mahad celiyeen ururka TODAY oo markasta diyaar ula ah in uu tageero tartamada noocaan oo kale loo dhigo dhalin yarada da’da yar, waxaa kaloo ay halkan uga mahad noqeen websaadyada: kubadda.com, maqaal.com, somalisc.com iyo xiddigaha.com oo iyagana door weyn ka qaatay in ay u gudbiyaan dadaalkooda adduun weynaha.

Diyaariye: Daa’uud A Dheere
Kubadda.com
Toronto Ontario - Canada

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football