KOOXDA SUNRISE OO KU GUULAYSATAY KOOBKII MARXUUM ABATIYOOW
19 June 2008
Waxaa maalin nimadii talaadada aheed taariikhduna ku beegneyd 18/06/2008 lagu soo gaba gabeeyay magaalada muqdisho gaar ahaan degmada shangaani koobkii loogu magac daray marxuum Abatiyoow Allaha u naxariistee, kaas oo lagu qabtay isla garoonka marxuumka loo bixiyay. kulankaan oo horey maalin nimadii Jimcaha u dhacay balse roob magaalada muqdisho si xoowli ah uga socday aawgii hakad galiyay ayadoo cayaartii Jimcihii la kala lahaa 3 gool iyo 3 gool, ayaa mar kale shalay dib leeskugu celiyay
kooxihii D H L & SUNRISE.
Kooxda SUNRISE TRAVEL
Kooxda D H L EXPRESS
Kulankan oo ahaa mid aad loo wada sugayay oo ay cayaaryahanada ka cayaara tartankan ay ku jiraan kuwo u cayaaro qaranka Soomaaliya ayaa waxaa garsoorayaal ka kala ahaa Maxamed Faarax Muxudiin iyo Qaasimoow.
Kulanka oo ahaa mid aad u adag ayay kooxda Sunrise, nasiib xumo haysatay maadaama xidigahooda ugu cad cadaa qaar ka mid ah ay maqnaayeen sababo min labo jaalo ay horay u qaateen aawgeed. Cayaaryahanada ganaaxa jaalaha ku maqnaa ayaan ka xusi karnaa C/casiis Hoomey oo ah cayaar yahan si Professional ah uga xamaasho kubadda, oo marna ka tirssan xulka Qaranka Soomaaliyeed iyo koox ka mid ah kooxaha dalka Jabuuti, balse hada dalka ku joogay fasax gaaban. waxaase cayaartii shalay aad u cad cadaa weerar yahanka xulka qaranka Soomaaliyeed Maxamed Nuur Cabdi (shaarkeey) iyo Yuusuf Cali Iidle iyo rug cadagaa weyn ee ku gaamuray dhanka danbe ee goolhayaha waa Nuunoow.
Marka laga hadlo dhanka kooxda D H L ayaa ayagana waxeey ahaayeen dhalin yaro aad u da’yar oo aan dhihi karo waxay leeyihiin mustaqbal, waxaana ugu cad cadaa oo aan ka xusi karnaa cayaaryahan Siidii, oo ah cayaar yahan da’ yar kana mid ahaa juunyarkii xulka Qaranka safarka dhawaan kaga soo laabtay dalalka Jabuuti iyo Keenya.
Kulanka ayaa waxa uu ku biloowday dar dar xoog leh oo ey labada kooxoodba soo ban dhigeen balse qeybtii hore ee cayaarta ayaa waxaa lagu kala nastay 3 - 2 oo ey ku hogaaminayeen kooxda Sunrise, tashi dheer oo ey labada koox la soo kala sameeyeen maamulkoodii kadib ayaa dib laiskugu soo laabtay qeybtii danbe ee cayaarta ayaa waxaa mooday in xoogaa la kala cabsanayay oo aan sidaasi la isugu dhiiran, marka loo eego qeybii danbe ee cayaarta tii hore balse gari labo nin kama wada qosliso cayaartii waxa ey ku soo idlaatay 5 - 4 oo ay guushii ku raacday kooxda Sunrise. sidaasina ku xalaalesatay koobkii la magac baxay Abatiyoow.

Kabtanka Kooxda Sunrise Yuusuf Cali Iidle
Waxaana koobkii la gudoonsiiyay kabtankii kooxda Sunrise, Yuusuf Cali Iidle oo marna ah kabtanka kooxda Elman, waxaana gudoonsiiyay Aas aasaha, qaban qaabiyaha, isku duba ridaha koobka Abatiyoow iyo aas aaska cayaarta Futsalka ama 5 iyo 5-ta isla markaana ah gudoomiyaha ururka garsoorayaasha kubadda cagta Soomaaliyeed Xaaji Yuusuf Maxamed Sheikh. Waxaa goob joog ka ahaa C/qaadir bacfuunka waa marki aan ka hadleeno dhanka marti sharafta iyo dadweyne kor u dhaafayay kumaan kun kuwaasi oo buux dhaafiyay fadhigii iyo istaagii garoonka.