WARAYSI AAN LA YEELANAY XIDIGII (SINIGAAL)
24 June 2008
Taariikhdu waxaa ay xusaysaa in dalkeenna Soomaaliya uu magac iyo maamuusba ku leeyahay noocyada ciyaareed ee kala duwan sida: kubbadda cagta, Kubbadda koleyga , Ciyaaraha fudud iyo kubbadda Miiska. Iyada oo ay noocyadaasi ciyaareed jireen ayaa haddana waxaa mar walba ka dhex muuqday dhallinyaro aan ku magacaabi karno xiddigo ama (legends) oo caan ku noqday noocyadaasi ciyaareed.
Waxaa noo suuro gashay in aan wareysi la yeelano mid ka mid ah xidigihii laacibiintii dalka soo maaray ee kubadda cagta dheeli jiray.
|
Laacibkaas oo aan dhihi karo wuxuu magac sharaf iyo sumcadba ku lahaa dalkeena qofkii magaciisa maqlaa ama muuqiisa arkaana ee ka mid ahaa bahdii xiiseen jirtay cayaaraha dalka gaar ahaan kubadda cagta bari samaadkii, waxaa hubaal ah in uu markiiba soo xasuusanayo (Sinigaal) mid ka uu yahay hadii aan dib u jaleecno tariikhdiisa iyo midka uu yahay, cayaartoygani magaciisa oo buuxa waa Cismaaciil Malaaq Abuukar, Waxaana lagu naaneesi jiray (Sinigaal).
|
|
Ismaaciil Malaaq Abuukar (Sinigaal)
|
Sinigaal waxa uu ku dhashay Degmada Boondheere Sanadii 1966, wax barashadiisa waxa uu ku soo qaatay Dugsigii Hoose Dhexe iyo saraba Degmada Wadajir gaar ahaan Iskoolkii Cali Xuseen, dugsigii Dhexena Dhame Yasiin Cartan, halka uu dugsigii Sare ku dhameestay Banaadir Sare.
Sinigaal waxa uu ahaa hadaan afkeyga been ka reebo cayaartoyda Soomaaliya kubadda cagta cayaari jirtay gaar ahaan dhanka difaaca kuwooda ugu caansanaa, hadii la soo tirayana soo galaayo afka hore kuwii ugu qatarsanaa. Hadal haan ma buuxshee hadaan guda galo wareysigii aan la yeelanay laacib Sinigaal, Waxa uu u dhacay sidan:
Cayaaraha goormee ayaad biloowday saaxib Sinigaal ?
Sinigaal: Cayaraha waxaan bilaabay sanadii 1977, waxaana horaantiiba i qaatay juunyarkii naadiga Batroolka.
Goormee ayaad ku biirtay kooxihii heerka koowaad ee dalka, nadigeese nasiibka u yeeshay in aad u cayaarto ?
Sinigaal: waxaan ku biiray naadiyadii dalka gaar ahaan naadigii Batroolka heerkii 1-aad sanadii 1978, isla sanadkaas waxaa la ii magacaabay junyarkii Qaranka Soomaaliya.
1978 xiligii eey ku guuleesteen naadiga batroolka koobkii janeraal daa'uud
Juunyarkii Qaranka Under 20 sanadii 1981
Intii aad u cayaareysay naadigii batroolka wax koob ah ma ku guuleysateen ?
Sinigaal: Intii aan u cayaarayay naadigii Batroolka waxaan kula guuleestay koobkii Janaraal Daa'uud sanadii 1987.
Naadigii Batroolka 1987
Ma jiraan kooxo kale oo aad u soo cayaartay?
Sinigaal: Haa waa jiraan laakiin, waa bur burkii kadib, balse xiliyadii hore kooxdii Batroolka ayaan ku soo baxay kuna soo dhameestay. 1990kii wixii ka danbeeyay oo uu dalku galay dagaalo sukeeye, kadib waxaan u soo cayaaray kooxo badan sida kooxda Mooris, kooxda Bisha Cas, kooxda Shaamoow, kooxda Elman, Midnimo iyo Gor Gor.
Intii aad u cayaareysay kooxahaas kala duwan imisa koob ayaad kula guuleesatay ?
Sinigaal: Bur burkii kadib hadaan idinkaaga war bixiyo. Cayaarihii waa is badeleen ma jirin kooxo dhisan balse waxaa cayaarihii mar kale laga soo bilaabay heer degmo, oo ay nagu qasabtay in aan hadana la koowsano jiilkaan cusub. Waxaana ii yeeratay degmadii aan waqtigaas degenaa ee Dharkeenleey, Isla sanadkaas oo ahaa 1994-tii ayaan ku guuleysanay koobkii Degmooyinka Gobalka Banadir anagoo ah degmada Dharkeenleey.
Sidoo kale waxaan horyaalkii 29-aad kula guuleestay kooxdii Elman
Kooxda Elman
Cayaartii kuugu farxada badneed intii aad cayaareysay cayaarta kubadda cagta manoo sheegi kartaa ?
Sinigaal: Aad iyo aad cayaartii iigu farxada badneed intii aan cayaarta kubadda cagta cayaarayay, waxeey aheed koobkii Janeraal Daa'uudka ee aan ka qaadnay kooxdii M.BC sanadii 1978.
Manoosheegi kartaa cayartii kuugu murugada badneed ?
Sinigaal: Waxaa iigu muruga badneed, safar aan u raacay naadigii Waxool. Waxaana aadnay oo aan cayaar la yeelanay dalka Burundi, waxaana halkaas lugtii hore uga soo badinay 2 – 1. Markaan xamar ku soo laabanay oo aan lugtii labaad isu diyaarinay oo lagu dheelayay dalkeena, waxaa dhacday in aan uga badinay 2 – 0.
Balse waxaa calool xumo ahayd in nalaga xayuubiyay dhibcihii dhamaan. Sababtoo ahayd gool haye Karaama, oo lugtii hore qaatay Gaduud ama calaamada Casaanka, balse mudane Faarax Wehliye oo ka mid ahaa maamulkii sare ee Isboortiga Soomaaliyeed noo sheegay in gaduudka uu qaatay xal loo heli karo, naguna dhiiri geliyay in uu safto. Saftayna balse taasi ay ahayd riyo noona keentay dhib, dhibcihiina la siiyay kooxdii aan labada marba ka badinay ee dalka Burundi. Runtii taas ayaan dhihi karaa waa tii kuugu murugada badneed maadaama uu dadaalkeenii uu noqday Hal bacad lagu lisay.
Cayaaryahanadee ugu jecleed in ey garabkaada buuxiyaan markaad garoonka ku jirto xiliyadii hore iyo kuwii danbe wixii ka danbeeyay 1991 naadi ahaan iyo qaranba ?
Sinigaal: Waxaan aad u jeclaa in ey garabkeyga ka cayaaraan xiliyadii hore Muqtaar Maxamed Axmed (Cutti), Deysane, Qaalid, Aamaan, C / xakiin Falkaawe, Cisman Xasan. Xiliyadii danbe wixii ka danbeeyay bur burkii dalka waxaan jecla in ey garabkeeyga ka cayaaran Gaduudoow, Shig shigoow, Muriidi Awees, Cali Wiinkeey, Yasiimoow, Cabdi gaab iyo Mahad Tagoow.
Majiraan marka aad la cayaareysaan kooxo kale cayaaryahano aad is laheed weerarkaas waa mid dhib badan, dhulka ayuuna kuugu jiidaa oo aad ka cabsan jirtay ?
Sinigaal: Waxaan aad u necbaa cayaar yahan Nuur Cabdi Xaji (Shaarkeey) iyo Muriidi Abanuur Abati iyo C/llaahi Maxamuud Salxaan Eenoow.
Wax manooga sheegi kartaa safaradii aad ku tagtay dibadda adoo naadi ah ama adoo matalaya Qaran Soomaaliyeed ?
Sinigaal: Markaan ku hor maro dhanka naadiyada waxaan ka xasuustaa safaro dibadda ah marka laga reebo naadigii aan caanka ku ahaa ee Batroolka. waxaan la qeebsaday labo safar oo aan ku kala tagnay Dalalka Burindi iyo Ugandha. Balse waxaan 15 safar oo naadi ah aan la qeebsaday kooxaha kala ah Horseed, Badda, Waxool, Wagad, LL PP iyo M B C.
Horseed Waxaan la aaday Dalka Masar, Tunusia iyo Suudaan.
Wagad waxaan la tagay Ruwanda. Waxool waxaan la tagay Burundi. Jeenyo LL PP waxaan la tagay U A E. Madbacada waxaan la tagay Ruwanda, Kenya, Zanbabwi.
Qarankana waxaan safari u aaday: Sacuudi Arabia, Masar, Marooko, Suudaan, Tuuniisiya, Kenya, Malawi, Zan zibar, Ugandha, Nayjeeriya, Aljeeriya iyo kuwa kale oo fara badan oo aan halkaan ku soo koobi Karin.
Mudadii aad ku soo dhex jirtay cayaarta kubadda Cagta ma jiraan wax xilal ah oo aad ka soo qabatay?
Sinigaal: Maya wax xil ah aan ka soo qabtay ma jiraan maadaama uusan jirin xiriir tix galinayo waxa ey yihiin laacibiintii hore iyo sumcada aan ku lahaan jirnay Isportiga, balse xiliyadii danbe waxaan xil ka qabtay maamulka naadiga Elman oo tix galin balaaran u sameysay laacibiintii hore, sida: Jeylaani Qaliif, Aniga, Joorje, Akookoow, Juumma C/casiis Dhaga juun, Sharkay, Muxudiin Jabaan iyo asxaab kale oo aan halkaan ku soo koobi Karin.
Markii aad is bar bar dhigto cayaartooydii hore iyo kuwa hada cayaaro maxaa farqi ah oo aad is leedahay wey u dhaxeeyaan?
Sinigaal: farqi weyn ayaa u dhaxeeyo, cayaartoydii hore waxeey heesteen xerooyin lagu tababaro, waxeey kaloo lahaayeen Club lagu xareyo, dhaqaale ka yimaado hay'ad ama wasaarada ay ka tirsan yihiin iyo gawaari u shaqeeyo kooxaha oo cayaar yahanada soo aruuriyo una sahlo waqtiga tababarka in ay soo xaadiraan. Marka ma ahan kuwo lays bar bardhigi karo kun jeer ayay ka wanaagsanaayeen kuwa hada. Waxaa dhici jirtay mararka qaar in markuu horyaal socdo in laga yaabo in aadan ehelkaada 6 bilood aadan arag. Balse hada ma jiraan waxaas oo dhan waxaaba laga yaabaa in uu cayaar yahanka uusanba helin cunno kaafiso ama uu waayaa tirisboorteeshinkii uu tababarka ku imaan lahaa. Naftana waxay kugu qasbaysaa in aad ku ekaato kooxdii ama maamulkii kuu dhow ee aad awoodi kartid in aad u lugayso.
Sidee ayaad u aragtaa qilaafka ku baahsan ee mar walba ku kala dhex jira kooxaha dalka iyo maamulkooda sideese looga gudbi karaa caqabadaas ?
Sinigaal: waxaa looga gudbikaraa in muhiimadooda iyo maamulka ay iska kaashadaan kuwa aqoonta maamulka leh iyo kuwii xirfada iyo experience-ga cayaareed lahaa. Cayaartoydana in laga ilaaliyaa qaababka foosha xun ee ku saleesan dhanka qabiilka iyo in lagu sameeyo mar kasta xulashada si xaq ah dhanka mamulka, loona kaashadaa raggii Ehelka u ahaa Isportiga.
Sanad walba waxaa la dhahaa, Qaranka aya aaday wadan hebal waxaana looga soo adkaaday intaas maxaa keeni karo ayaad is leedahay adoo kaashanaya waayo aragnimadaada ?
Sinigaal: Waxaan is leeyahay in ey keeni karaan dhoor siyaabood, anoo jecleen in aan ku sii fogaado, hadana waxaan ka xusi karaa qaladaadka ugu wayn in ay yihiin:
- Xulida Qaranka oo xulidiisa lagu xulo qaab is garasho ama qabiil.
- Dhibaatooyinka wadanka ka jira iyo xiriirka aanan awoodin dhaqaale kaafiya cayaartoyda.
- Macalimiinta oo aanan heysan awood macalin nimo iyo xilli ey ku diyariyaan laacibiinta.
- Cayaaryahanka aqlaaqda xum ama leh balwada oo eysan jirin wax ka mamnuuci karo balwadiisa waqtigaan xaadirka ah. Ama hadii aad ku dadaali lahayd dhalan roga cayaar yahanka oo aadan awoodin dhaqaalo ahaan wax aad wax uga qabato.
Ugu danbeen yaad jeceshahay in aad halkaan wax ka tiraahdo?
Sinigaal: Waxaan ugu horeen halkaan jec lahay in aan wax ka iraahdo asxaabteydii qaaliga ahayd ee waqtigu na kala kaxeeyay sida kabtan Shaash, kabtan Muqtaar Cutti Yuusuf Shaqaaq, Awees fuundi, Deesane, iyo Maxamed Xaaji Uureey, Turunbo, C/ Xakiin Aamaan, Ceydiid iyo Keenadiid waxaan leeyahay asxaabtaas meel walba ey joogaan in aan moogeen balse duruuf aan ku kala maqan nahay marna dib leesku arki doono waana idiin wada salamayaa.
Ugu danbeen waxan jeclahay in aan halkan uga mahad celiyo wabsiteka kubadda.com gaar ahaan wakiilka muqdisho u fadhiyo Mahad Axmed Tagoow, oo ah nin naftiisa u huray xiriirinta iyo horumarka Isportiga dalka.
Akhristayaasheena qaaliga ahoow waxaa intaas inoogu dhamaaday wareysigii xiisaha lahaa ee aan la yeelanay laacib Cismaaciil Malaaq Abuukar (Sinigaal). Waraysigeena kan ku xigana waxaan isna ku soo qaadan doonaa mid ka mid ah xidigihii kubadda kolayga iyo macalimiintii kubadda kolayga iyo Qarankaba oo ka mid ahaa naadigii Inji ama W G U (ENC) oo lagu magacaabo Abdirahmaan M Gohaad (Shiino Gohaad) oo u cayaari jiray macalina u ahaa naadigaas. Waxaan filayaa in ay dad badani horay magaciisa ka garteen. Ha moogaanina dhawaan.