Skip Repetitive Navigational Links

Friday, September 10, 2010

TABARUCAAD QALAB SPORTS OO SOO GAARAY DEGMADA DHARKENLEY

25 June 2008

Mid kamid ah mamulkii Isbortiga degmada dharkeenleey balse hada ku sugan dalka Yaman, ayaa qalab sports u soo dhiibay maamulka iyo asxaabtiisii degmada Dharkeenleey.

Qalabkaas oo ka koobnaa mid qalab dhan ee kooxeed iyo hadiyado qaas ah oo uu usoo gartay shaqsiyaadkii uu is lahaa waa mud naayeen in la sii dhiiri geliyo.

Anwar Mustafa Saalax

Hadaba si aan wax badan uga ogaano, ayaan waxan wareysi qadka Taleefonka ah kula yeelanay shaqsigii soo diray mucaawinadaas, waxna ka waydiinay muhiimada tabarucida qalabka uu soo diray uu ula jeedo.

Ugu horeen waxaan waydiinay magaciisa: Wuxuuna inoogu sheegay in la yiraahdo Anwar Mustafa Saalax, kana mid ahaan jiray bahweyntii isboortiga degmada Dharkeenleey ku soo bar baartay, gacana ka geystay hurumarka iyo dadaalka isboortiga degmada.

Ugu horeen Anwar, ma noo sheegi kartaa sababta kuugu dhalisay in aad xiligaan qalab sports u soo dirto degmada Dharkeenleey ?

Anwar: Walahi waxaa igu dhalisay in aan xiligaan qalab u diro degmadii aan ku soo bar baaray kana mid ahaa jiray mamulkeedii isboorti, Waxaan u arkay in maanta dalku u baahan yahay kaalmo, ugana baahan yahay dadkii u dhashay, si looga baxo baahida dhinac walba ah leh.

Waxay aniga iga ahayd oo aan is tusay si ay ugu noqoto dhiiri gelin asxaabtii aan uga soo tagay dalkii, si ey u sii wadaan dadaalkoodii una gacan qabtaan dhalaanka yar yare e u soo korayo degmadaas, una noqdaan kuwii ay ku dayan lahaayeen. Marka hadii aynan caawinaad helin, way ku adkaanaysaa, in ay wax badan ka qabtaan horumarka isboortiska degmada.

Waxaa kaloo jirta in ay jiraan asxaab badan oo qurbaha u soo socdaalay, hadii qof walba waxa uu awoodo uu isku dayo in uu u soo diro, runtii waxaan noqon karnaa ummad ka maaranta caawinaada shisheeye.

Qalabka kooxda Dharkeenley lagu Taburucay

Baako

Buunoow

Dr Ganeey

Kaleeloow

Mahad

Muunye

Shiingis

Xuseen Cali wakiilka Carbeey

Malaga yaabaa maadaama aad in mudo ah, hada maqan tahay, kana mid ahayd dhalinyaradii gacanta wayn ka gaystay sal u taagida isboortiga degmada dherkeenley in aad dib ugu soo laabato dalka, si aad mar labaad gacan uga gaysato wax qabadkii ay kaaga barteen maamulka degmada?

Anwar: Haa walaal aad ayaan ugu tala jiraa, Inkastoo muuqaygu ka maqan yahay goobta, hadana qalbiga ayaan kala joogaa, dhaq dhaqaaqana si fiican ayaan ula socdaa, oo mar kasta waan soo xiriiriyaa.

Maadaama aad hada deegaankaadii labaad uu noqday dalka Yeman, Ma jiraan wax dhaq dhaqaaq Isboorti ee aad ka heyso meesha aad hada degen tahay ?

Anwar: Walaahi wax xil ah oo aan halkan ka hayo malahan, balse waxaa jiraan dhalin yaro Soomaaliyeed oo mararka qaarkood isku yimaado, oo aan gacan siiyo.

Qalabkan aad hada u soo dhiibtay degmada Dharkeenleey, qarashka ku baxay ma adiga ayuu kugu kooban yahay, mise cid kale oo aad la kaashatay ayaa jira sida Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee aad la nooshahay ?

Anwar: Qalabka anaa jeebkeyga ka soo iibiyay Qof iyo Jaaliyad igu gacan siisayna ma jirto.  Waxaana ugu talagalay in aan u noqdo hormood ama tusaale, asxaabta kale ee jecel in ey wax taraan dalkooda. Eysan is dhihin waxaan waa yaryihiin sided u dhiibaysaa.

Ugu danbeen bahweynta reer dharkeenleey maxaad kula dar daarmi laheyd ?

Anwar: Waxaan kula dar daarmi lahaa in ey halgan kooda isboorti sii laba laabaan eyna hormuud u noqdan degmooyinka kale, Illaahna waxaan uga baryayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed in dhibka iyo dagaalada ka kor qaado.

Yaad jeceshahay in aad halkan wax ka tiraahdo ?

Anwar: Ugu horeen waxaan u mahad celinayaa website-ka kubadda.com oo aan la soo sameeyay xiriir iina sahlay meeshii aan u soo marsiin lahaa Tabarucaadaan. La'aantoodna aysan ii hir gasheen. Iina balan qaaday iyadoo muuqaal ah in uu ku soo saari doono shabakadooda.

Hadaba waxaan dhihi karaa abaalkiina ma ahan mid aan gudi karo, Waxaana idiin xaqiijiyay in aad tihiin website u dhisan bahda sportiga guud ahaan. Waxaan kaloon halkaan uga mahad celinayaa dhamaan bahda reer Madiino, waadna mahad san tihiin.

Akhristayaasheena qaaliga ahoow waxaa intaas inoogu dhamaaday wareysigii gaabnaa ee aan la yeelanay Anwar Mustafa Saalax, oo dadaalka uu sameeyay ay runtii tahay mid ku dayasho mudan. Waxaa jirtay maah maah reer Xamar ah oo lahayd “Quraansho aruurtay bulac waa jiidaa” taas micnaheedu wuxuu yahay hadii qof walbaa uu sida uu Anwar ku fikiray u fikiro wax badan ayaa dalkii u hagaagi lahaa. Wabilaahi Towfiiq.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football