Skip Repetitive Navigational Links

Friday, September 10, 2010

BOSTON OO KU GUULAYSATAY KOOBKII MUNAASABADDA 26KA JUNE

28 June 2008

Kooxda kubadda cagta Boston ayaa maalintii Khamiist oo ay ku beegneed munaasabadda 26 ka June, 2008 ayaa waxaa ay la galbadeen koob loogu magac daray munaasabadda maalintii xuriyadda ee 26 june, kadib markii ay 1 iyo 0 uga adkaadeen kooxda Midnimo oo iyadu ka mid ah kooxaha ugu awooda badan ee ka dhisan gobolka Minnesota.

Kooxda Boston

Kooxda Midnimo

Kooxda Boston ayaa ka mid ah kooxaha kubadda cagta hada, ka qayb-galaya tartamada ciyaaraha sida xiisaha badan leh uga socda gobolka Minnesota.

Kulanka dhex maray labadan kooxood, ayaa waxay soo bandhigeen hab cayaareed aad u wanaagsan, oo ay si aad ah u jeclaysteen dadweynihii faraha badnaa oo iyagu cayaartaasi daawanayay.

Kooxda Boston ayaa waxaa u suuro gashay in ay dhaliyaan goolkoodii guusha qaybtii hore ee cayaarta oo uu u saxiixay ciyaaryahankii numbarka 8aad u watay kooxda oo lagu magacaabo Ibraahim. Waxaa Kooxda Boston u safnaa oo guushoodii kaalin fiican ka qaatay ciyaaryahan Cabdalla iyo laba wiil oo uu dhalay.

Cabdalla iyo labadiisa wiil

Markaasi wixii ka dambeeyay labada kooxoodba wax goolal ah ma kala dhalin, in kasta oo ay labada dhinacba isku hayeen weerar iyo weerar celis. Waxaase daqiiqadihii ugu dambeeyay ay kooxda Midnimo qasaariyeen laba fursadood oo gool loo fishay.

Kooxda Midnimo waxaa tababare u ah, tababare Cabdullahi Morgan oo isagu ka mid ahaa ciyaaryahannadii heerka 1aad ee kubadda cagta naadigii Wagad (Ex FIAT), waxaana kooxda ka muuqanaysa tababar aqooneed iyo diyaargaroow aad u heer sarreeya,waxaana haatan ay safka hore kaga jiraan kooxaha ugu horreeya tartanka.

Maxamuud Khaliif oo koobkii siinaya Ali Yuusuf

Sidoo kale kabtanka kooxda Boston Ali yuusuf oo aan kula kulmay garoonka gudahiisa ayaa ii sheegay in kooxdu safar dheer ay u soo galeen sidii ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen tartanka, “in kasta oo aan ku guulaysanay koobkii 26 june ,haddana waxaan rajaynaynaa in koobka loogu magac daray Somali/American independence days isaguna aan ku darsan doono Inshaa-Allahu.” Ayuu ii raaciyay kabtanka.

Gabagabadii munaasabadda waxaa Kabtanka Kooxda Boston Ali Yuusuf la guddoonsiiyay koobkii Munaasabadda 26 June, iyada oo uu hlakaasi ku guddoonsiiyay milkiilaha Midwest home Health care INC Maxamuud khaliif.

Diyaariye: Shiikha
Minneapolis-Minnesota

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football