Skip Repetitive Navigational Links

Friday, September 10, 2010

TARTANKII CAYAARAHA GOBOLADA OO SI HABSAMI LEH U SOCDO

17 March 2008

Waxa si habsami leh uga socdo Gobalka shabeelada dhexe cayaarihii is reeb reebka Gobolada ee soonka saddexaad. Zone-ka 3-aad oo ah shabeelada dhexe ayaa ku guulaystay in ay cayaaraha si habsami leh uga bilowdaan. Hadaba waxaa maalin nimadii Jimcihii lasoo dhaafay oo taariikhduna ku beegneed 14/03/2008 albaabada looga furay kulankii koowaad oo dhex maray xulalka Shabeelada dhexe iyo Hiiraan.

Kulankaas oo ahaa mid aad u adkaa ayaa waxaa uu ku soo gaba gaboobay 2 - 1 oo ey guushii ku raacday xulka Shabeelada dhexe (Jowhar). Waxaana cayaarta garsoorayay Axmed Keey ayagoo ey kaalinayeen Cismaaneey iyo Saalax.

Cayaartii furitaanka

Hadaba kulankii labaad ayaa uu dhex maray shalay xulalka Hiiraan iyo Galgaduud. Waxaa cayaarta ka soo qayb galay dadwayne aad u tira badan iyo madax ka socotay xiriirka Soomaliyeed ee kubada cagta oo uu horkacayay godoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta mudane Saciid Maxamud Nuur (mugaanbe), Xoghayaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed mudane C/Gani Saciid Carab, maamulka gudiga olombigada Soomaaliyeed ee labada gobol.

Gudoomiyaha XSKC mudane Saciid Mugaanbe

Gobolka Galgaduud

Gobolka Hiiraan

Cayaartaan oo raali gelisay daawadayaashii ayaa saacadihii loogu tala galay ku soo idlaatay 4 – 1 gool, oo ay guushii ku raacday gobolka Hiiraan. Cayaarta tan xigta ayaa lagu wadaa in ey dhex marto berrito oo talaado ah taariikhduna ku beegan tahay 18/03/2008 kooxaha Jowhar iyo Galgaduud. Waxaana rajaynaynaa in aan natiijada idiin soo gudbino kulankaas haduu Alle idmo.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football