Skip Repetitive Navigational Links

Friday, September 10, 2010

URURKA SSIFO OO SOO DHOWEYSAY NUURADIIN CALI SACIID

06 May 2008

Waxaa habeenkii Sabti-Axadaad lagu qabtay casho sharaf ay xubnaha ururka SSIFO ku soo dhoweynayeen Nuuradiin Cali Saciid oo ahaa ciyaartoy magac iyo qiimo wayn ku lahaa Qaranka Soomaaliyeed iyo Kooxda Kubadda Kolayga ee Badda. Nuuradiin wuxuu ka mid yahay ciyaartoydii mudada ugu dheer u saftay kooxda qaranka kuna sifoobay cayaar wanaag, akhlaaq wanaag iyo daacadnimo.

Cqaadir Garwayne, Mohamed Sheikh, Warsame Dheere, Shiino Gohaad, Nuuradiin iyo Saqbadha. Hoos Axmed Bile iyo Cabdi xakiin

Nuuradiin cashada ka hor ayaa waxaa uu la qaybsaday galabnimadii cayaar kubad kolayga ah oo ay bahdaan Sabti kasta ku cayaaraan garoon ku yaal waqooyiga London oo lagu magacaabo Selby Canter.
Kadibna waxay casho u soo aadeen restaurant ku yaal xaafada Turnpike Lane.

Asxaabta cashada ka soo qayb gashay ayaa ay ka mid ahaayeen Cabdijabaar M. Iimaan, Axmed Bille, Cabdulqaadir Garweyne, Xasan Faarax (John), Maxmed Sheikh Abdi (Weli) oo dhamaan ka tirsan guddiga SSIFO-UK, iyo Cabdiraxmaaan M.Gohaad (Shiino) oo ah Gudoomiyaha SSIFO- International. Waxaa kaloo marti sharafta ka mid ahaa Sakariye Baliile oo ahaa ciyaartoydii hore ee kubadda cagta Naadiga Muqdisho iyo xulka Qaranka Soomaaliyeed.

Maxmed Sheikh Abdi (Weli) iyo Nuuradiin Cali Saciid
Cabdijabaar M. Iimaan iyo Axmed Bille Sakariye Baliile iyo Cabdiraxmaaan M.Gohaad (Shiino)
Cabdulqaadir Garweyne Xasan Faarax (John)

Cashadan oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan waxaa la xusuustay berisamaadkii iyo taariikhdii hore ee kubadda Kolayga Soomaaliyeed iyo duruufta maanta iyo mustaqbalka.

Gebagebadii waxaa loo soo jeediyey Nuuradiin Soodhoweyn iyo iney sharaf u tahay bahda Kubadda Kolayga London inuu u yimaado. Nuuradiin Cali Saciid, waxaa kale oo loo mahad celiyey Sakariye oo ah xubin sharafeed kubadda kolayga, maadaama uu weligiisba taageerayey K. Kolayga iyo Isboortiga guud ahaan.

Waxaa kaloo la isku soo qaaday qorshaha reer Basket ku soo food leh ee ah qabashada bisha Agoosto 2008-ka ay dalka Ingriiska iskugu imaanayaan dhamaan wixii magac lahaa ee kubadda kolayga dheeli jiray iyo dhalinyaro da’yar oo ay hada tababaraan. Ugu dambayn waxaa hadlay Nuuradiin oo ka mahad celiyey sida walaalihiisa, iyo asxaabtiisa Kubadda kolaygu ugu soo dhoweeyeen magaaladan London.

Waxaa runtii ka muuqatay goobta jawi kalgacayl, walaaltinimo is qiimayn iyo is jacayl waxaana kuu cadeynaysa in sheekadii dib u cusboonaatay markii laga soo dareeray cashadii iyadoo banaanka Restaurant-iga laba laba iyo saddex saddex afka la iskugu dhaweeyay, laysuna xog waramayay.

Waxaa soo diyaariyay: Xasan M. Faarax (John)
Xarunta wayn ee London

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football