KOOXDA CHELSEA OO CAYRISAY MACALINKOODII AVRAM GRANT
25 May 2008
|
Xalay oo bishu ahayd 24/05/08 ayay kooxda Chelsea Football Club ee ka dhisan dalka Ingriiska ay cadaysay in ay soo af jartay contract-igii ama heshiiskii ama shaqadii macalin nimo ee uu kooxda u hayay macalinka lagu magacaabo Avram Grant.
Macalinka Avram Grant ayaa shaqadaan macalin nimada kooxda hayay sided bilood oo qur ah, asagoo kala wareegay markii hore macalinkii la oran jiray Jose Mourinho, balse kala kulmay diidmo ama culays aad u fara badan oo xaga taageerayaasha degen galbeedka London.
|
|

Macalin Avram Grant
|
Avram Grant, oo dhalashadiisu tahay Yahuud ama (Israeli) ayaa intuu kooxda hayay aan wax koob ah u qaadin kooxda, taas oo u cuntami wayday milkiilaha kooxda Chelsea Abramovich, oo kooxda geliyay daqli aad u badan. Inkastoo ay kooxda ka gashay sanadkaan kaalinta labaad tartanka Premier League iyo weliba iyadoo kooxda uu Avram Grant gaarsiiyay Final tartanka UEFA Champions League oo ayna weligeed kooxdu gaarin.
Macalinka Avram Grant, cayaartiisii ugu danbaysay ee uu kooxda macalin u noqdo ayaa ahayd cayaartii dhex martay kooxdiisa iyo kooxda Manchester United Arbacadii la soo dhaafay ee looga badiyay gool ku gankii ama rigoorayaashii taas oo ahayd kulankii cayaarta finalka ee UEFA Champions League.
Wareegtada ka soo baxday kooxda Chelsea Football Club ee ku cadeed cayrinta macalinkan ayay maamulka kooxda u direen fariin ama (massage) macalinka in ay ka xun yihiin in ay shaqadiisa ka eryaan ugana mahad celiyeen xiligii uu la joogay kooxda iyo shaqada wanaagsan ee uu u soo qabtay kooxda.
Kooxdana maanta iyo wixii ka danbaysa waxay baadi goob u geli doonaan ayuu yiri maamulka Chelsea F C sidii ay ku heli lahaayeen macalin kale oo u qalma shaqadaan. Waloow laysla hadal hayo in uu kooxda imaan doono mid ka mid ah macalimiinta lagu kala magacaabo Roberto Mancini, Frank Rijkaard ama Guus Hiddink, oo la sheegay in ay ugu horeeyaan Liis dheer oo macalimiin badani ku qorneyd.
Taariikhda macalimiinta la is leeyahay way qaban doonaan kooxda Chelsea ayaa ah hadaan mid mid u soo qaadano sida macalinkii kooxda Inter Millan ee Mancini, ayaa waxaad moodaa in uu aad u fiicnaa guulihii uu ka gaaray tartanka Serie A-da ee league-ga Talyaaniga, kaas oo qaadayay saddexdii sano ee la soo dhaafay Serie A titles ee dalka Italy, balse ku guul daraystay in uu ku saro koobka ay ku tartamaan Horyaalada reer Yurub ee Champions League-ga.
Macalinka Rijkaard, ee asna laga eryay kooxda Barcelona 08/05/2008 shaqadiisiina uu la wareegay Josep Guardiola, ayaa hada ku jira fasaxiisii uu ku aaday wadanka United States. Asna taariikhdiisa macalin nimo ay fiican tahay kaas oo horay ugu guulaystay koobka Champions League sanadii 2006-ka iyo tartanka league-ga wadanka Spain ee La Liga, sanadihii 2005 iyo 2006, balse lagu eedayo in uu ku guul daraystay in uu kooxda Barcelona oo koox wayn ah uu u keeni waayay wax koob ah labadii sano ee la soo dhaafay.
Macalinka saddexaad ee dhalashadiisu tahay Dutch-ka, ee lagu magacaabo Guus Hiddink, ayaa asna la ogeen sida ay ugu suurto galayso imaatinka kooxdaan, maadaama uu weli dhamaan heshiiskii macalin nimo ee uu la galay kooxda Qaranka kubadda cagta dalka Russia, kaas oo uu ku lug lahaa heshiiskiisa macalin nimada Qaranka, milkiilaha iska leh kooxda Chelsea Abramovich. Una saxiixay in uu Qaranka Russia macalin u noqon doono ilaa iyo sanadka 2010.
Balse maalmaha soo socdo ayay cadaan doontaa macalinka hor kici doono mustaqbalka kooxdan wayn ee lagu magacaabo Chelsea Football Club.
Waxaa soo diyaariyay:
Mohamed Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com - London