Skip Repetitive Navigational Links

Friday, September 10, 2010

CAYAARYAHANADA KUBADDA CAGTA HEERKA 1AAD EE INGIRIISKA OO ISKU DAR MUSHAHARKOODU KOR U DHAAFAY £1 BILLION SANADKII

29 May 2008

Sida ay shaaciyeen Eurosport / Reuters, mushaarka cayaaryahanada ka cayaara Premier League-ga in uu dhaafay xariijinta cabirka £1 billion sanadkii la soo dhaafay, sida lagu qoray wargayska ka hadla dhaqaalaha Sportiska, cadadkiisii xisaab xirkii sanadkii hore (The Deloitte Annual Review of Football Finance).

Warbixinta ayaa sheegaysay in kooxaha waawayn ee reer Yurub ay kaga baxday £700 million, mushaar ahaan sanadii 2006 – 2007. Taas oo hal mar wax aad u badan ka sara martay qiyaastii horay loo bixin jiray sanadihii horay loo soo dhaafay, gaarsiisayna qiyaas aan weligeed horay loo arkin oo dhan £1 billion markii ugu horaysay.

Numbarka qiyaasta ayaa ku cad, in kooxaha ka dhisan dalka Ingriiska ee cayaara Premier League-ga ay yihiin kuwa ugu qarashka badan kooxaha reer Yurub, taas oo keentay si ay kooxahaan u helaan cayaar yahanada ugu fiican aduunka in ay ka soo xushaan wadamada adduunka oo dhan kadibna u qoraan lacag aad u badan. Qarashka ay cayaaryahanadaan qaataan ayaa lagu tilmaamay in uu yahay mid aad u badan, tusaale ahaana loo soo qaatay cayaar yahanka kabtanka u ah kooxda Chelsea, ee lagu magacaabo John Terry, oo mushaarkiisu gaarayay £125,000 asbuuciiba.

Hadana kooxahaan badankoodu lacagta ay qarash gareeyaan ay tahay amaah ay soo daynsadaan, badan kooduna sida ku cad warbixinta 20-ka koox ee ka ciyaara Premier League-ga ay 20 % uu kor u kacay qarashka deenta lagu leeyahay. Marka laga saaro Sideed koox oo ayugu ah kuwo macaash ka sameeyay isku cel celinta maamulka mushaarka cayaaryahanadooda sanadihii 2006 – 2007.

Waxaase horumar gaaray oo aanan deen lagu lahayn kooxaha dalka Germany ee cayaara koobka Bundesliga, kuwaas oo lagu sheegay in ay yihiin kuwo macaash badan ka helay qarashkii soo galay sanadkii 2006 - 07.

“Inkastoo ay kooxaha Ingriiska ay guulo fiican ka gaareen sanadihii la soo dhaafay tartamada reer Yurub, ayaa hadana waxaa ugu wacan horumarkaasi la leeyahy, qarashka faraha badan ay weli sanad walba ku bixiyaan soo aruursiga cayaaryahanada qibrada wanaagsan u leh cayaarista kubadda cagta ee ka kala yimaada Adduunka dacaladiisa iyo weliba qarashka qaarkiis ay ku baxdo dalaal-layda ka mas’uulka ah kala gadashada cayaaryahanadaan” ayuu yiri Dan Jones, oo ah mid shaqo wadaag la ah (Sports Group at Deloitte).

Qarashka mushahar ahaan ku baxa cayaaryahanada ka cayaara Premier League-ga ayaa isku darkiisu uu ka badan yahay 600,000 lacagta Euros, oo u dhiganta (£473,000) lacagta ingriiska taas oo la sheegay in ay ka badan tahay qarashka ku baxa cayaar yahanada ka cayaara Spain ee koobka La Liga iyo weliba, laba jibaar mushaharka ku baxa cayaaryahanada ka cayaara German, French, Italian iyo Spanish leagues.

Milkiilayaashaan kooxahaan ka dhisan Ingriiska oo badankoodu ah bilyineero ka soo talaabay wadamada Ruushka, Shiinaha iyo Amerika, ayaa korka laga saarayaa eeda soo gaartay dhaqaalo xumada kooxahaan.

Tusaale hadaan u soo qaadano milkiilaha kooxda Chelsea oo ah bilyineer u dhashay wadanka Ruushka, kana macaashay ka ganacsiga Saliida xiligii bur burka (oil tycoon) ee lagu magacaabo Roman Abramovich, ayaa siduu u gatay kooxdaasi qarash gareeyay lacag aad u badan, kaas oo cayaar yahankii uu raboodo ku soo gato qiima kasta oo loo gaaro.

Toban ka mid ah 20-ka kooxood ee hada ka cayaara Premier League-ga ayaa ay leeyihiin kuwo aanan u dhalan dalka Ingriiska. “Halka xoojinta xakamaynta kharashka sal u ahayd dhaqankii kooxaha, si loo badiyo macaashka, ayaa ayna ka muuqanin hada kooxaha Premier League-ga” ayuu yiri Jones.

Inkastoo aan la iloobi karin talaabada wayn ay kooxahaan ku talaabsadeen xagga hoggaanka Yurub, taas oo ay ku kasbadeen daawadayaal tiro badan oo adduun waynaha ku kala faafsan, kaas oo lagu qiyaasay in ka badan 2.9 billion daawadayaal ah in ay ka fiirsadeen shaashadaha Tv-yada sanadii 2006 – 2007. Taas oo weliba hada looga cabsi qabo in cabirkaasi uu kor u koco £1.9 billion xisaabta sanadka 2007-08. Kaas oo Tv-yo tiro badan oo aan horay looga daawan jirin ay saf ugu jiraan sidii ay ugu soo xiran lahaayeen cayaaraha Premier League-ga.

Waxaa soo diyaariyay:
Mohamed Sheikh Abdi (weli)
Kubadda.com - London

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football