Skip Repetitive Navigational Links

Friday, September 10, 2010

KOOXDA SOMALI TIGERS OO HANATAY TARTANKII RAMADAANKA 2008 EE GOBOLKA MINNESOTA

06 October 2008

Waxaa gobolka Minnesota ee dalka Maraykana lagu soo gaba gabeeyay tartankii kubadda cagta ee bisha Ramadaan la cayaarayay. Labadda magaalo ee mataanaha ah waa Minneapolis/Saint Paul iyo magaalooyinka nawaaxigooda ah oo ay ku dhaqan yihiin kumanan kun oo soomali ah ayaa sanad walba lagu qabtaa tartamka kubadda cagta ee Ramadaanka.

Koobkan ayaa waxaa ku loolamay 12 kooxood oo soomaali ah, oo iyagu gobolkan Minnesota ka dhisan. Koobka Ramadaanka oo sanad walba lagu qabto garoonka dadan ee Corner Kick, ayaa sanadkan wuxuu ahaa mid si cajiib ah looga soo shaqeeyay.

Tartankan ayaa wuxuu furmay shantii bisha Ramadaan ama September (05/09/2008) wuxuuna socday mudo bil ah, iyada oo cayaartii kama danbaysta ahayd la cayaaray habeenkii sabtida oo bisha October ahayd afar (04/10/2008).

Kulankii kan ka horeeyay ee Semifinalka ayaa waxaa ku kulmay kooxaha Tigers Vs Midnimo iyo Edan Praira Vs Twin City. Kulamadaas oo runtii ahaa kuwo aad u xiiso badan ayaa waxaa ku soo kala guulaystay kooxaha Somali Tigers iyo Eden Praire oo isugu soo haray kaalinta kam danbaynta ah Final.

Hadaan dib u yara jaleecano, sidii ay labadan koox ugu soo gudbeen finalka ayaa waxaan jecelnahay in aan ku hor marno kulankii dhexmaray kooxaha TIGERS iyo MIDNIMO. Waxaad mooday in labadda kooxood aynan kala awood roonayn, waxayna nasashadii hore ee cayaarta ku kala nasteen 0-0 qaybtii danbe ayaa waxaa gool ku hor martay kooxda TIGERS, kooxda MIDNIMO na hurdadii ka kaceen oo ay muujiyeen cayaar dadkii daawanayay soo jiidatay, una suurtoowday in ay dhaliyeen goolkii bareejadda waxayna la wareegeen maamulkii cayaarta.

Macalinkii kooxda TIGERS Jabriil, ayaa kooxdiisii canaan iyo qaylo ula istaagay, durbadiiba waxay muujiyeen dadaal dheeri ah kaas oo u suurto geliyay in kooxdii ka soo hor jeeday ay gool iska dhaliyaan, mid kalena ugu daraan, halkaasna kooxda TIGERS guushii ku raacday 3 – 1.

Inkasta oo ay badisay kooxda Tigers hadana taageerayaasheeda ayaa dhaliilayay macalinka kooxdda JABRIIL oo aheyd in uusan ka faaiidaysan cayaartoy faraha badan oo uu ku hayay binjiga, taasna waxay keentay in qaar ka mid ah taageerayaasha TIGERS ay u dulqaadan waayeen arintaas, cayaartii intii ay socotayna ay qeylo iyo buuq ku hayeen macalinka intii ay cayaarta ka dhamaanaysay.

Cayaartii labaad ee sami finalka ayaa waxay dhexmartay kooxaha T.C iyo E.P (Edan praira) waxaad moodaa sidii cayaartaa looga faaleynayay in waxbadan iska badaleen, kadib markii kooxda T.C. shabaqoodda lugu garaacay goolal aad iyo aad u badan oo is daba joog ah, gaarayayna ilaa iyo 5 gool.

Macalin CARAB oo watay kooxdda E.P ayaa aaminay in kooxdiisii u soo baxeen Final, waxuuna fadhiisiyay laacibiintii kooxda ugu fiicnaa, taas oo dhalisay in ay ka faaiidaystaan kooxdda T.C oo durbaddiba dhaliyay 4 gool oo xariir ah, balsa waqtigii ku dhamaaday, loogana badiyay 5 – 4 gool. Waxaana guushu halkaa ku raacday kooxdda E.P . Sidaasina cayaarta kama danbaynta ah ugu soo baxeen si ay ula cayaaraan kooxda Somali Tigers.

kooxda Somali Tigers

Kooxda E.P

Maalintii Sabtida bishu ahayd (04/10/2008) ayay kulmeen kooxaha Somali Tigers iyo Eden Praire cayaartii finalka. Cayaartan oo ahayd mid aad xiiso iyo xamaasad xoogan, ayaa qaybtii hore waxaa lagu kala maray Kooxda Somali Tigers oo leh Hal gool iyo Kooxda Eden Praire oo lahayd Eber (1-0).

Qaybtii labaad ayey labadda kooxiba muruq & muruq isa saaren, iyaga oo dar dar iyo dadaal dheerad ah muujinaya, balse nasiib iyo cayaar wanaag waxay guushu raacday kooxda Somali Tigers oo ku badisay natiijo dhan 3 - 2 gool.

Cayaartoygii ugu wanaagsanaa cayaarta finalka ama kama danbaysta ahayd, ayaa waxaa noqday Faysal oo isagu u cayaara kooxda Somali Tigers. Anis Iman ayaa isaguna wuxuu noqday cayaartoyga ugu wanaagsanaa tartankan xaga cayaar iyo adaaba.

Xaayow oo u ciyaara kooxda Twin City Stars ahna wiil aad u da’ yar ayaa wuxuu ku guulaystay abaal marinta gool dhaliska, isaga oo dhaliyay 11 gool, halka macalinkii Carab Dhere oo macalin u ah kooxda Twin City Stars uu isaguna hantay bilada macalinka ugu wanaagsanaa tartanka. Gool haye Hassan oo u cayaara kooxda koobka qaaday ee Somali Tigers ayaa isaguna noqday gool hayihii ugu wanaagsanaa tartanka Ramadaan.

Cayaar yahanada, macalimiinta iyo maamulka koobabka ku guulaystay ayay koobabka siiyeen cayaaryahano Soomaaliyeed oo horay u ahaa kuwii u cayaari jiray Qaranka ama kooxihii heerka Koowaad ee dalka Soomaaliya kuwaas oo aan ka xusi karno sida:

1. LEAGUE MVP ANIS IMAN, KOOXDDA EDEN PRAIRIE WAXAA SIIYAY A/HAKIIN MUSA.

2. FASAL KOOXDDA TIGERS (FINAL MVP) WAXAA SIIYAY MOHAMUD ISSE EX-LL PP PLAYER.

3. THE BEST GOOLKEPER HASSAN ARAB TIGERS WAXAA SIIYAY ABDIFATAH.

4. THE BEST DEFENDER ABDIRISAAQ YARE TIGERS WAXAA SIIYAY IDIRIS CALUK.

5. THE BEST COACH ARAB, MACALINKA KOOXDA T.C WAXAA SIIYAY ABDIRAHMAN MUKHTAAR.

6. TOP SCORER XAAYOOW YARE T.C WAXAA SIIYAY ODAY CABDULLE.

7. 1st PLACE WAXAA GALAY KOOXDA SOMALI TIGERS WAXAA SIIYAY ABDULQAADIR MADAXEY EX JEENYO IYO XULKA QARANKA SOMALIYA.

8. 2nd PLACE WAXAA GALAY KOOXDA EDEN PRAIRIE WAXAA SIIYAY AAMAAN IYO MARSHAALE OO AHAA NAADIGII BATROOLKA

9. WEBSIDEKA KUBADDA.COM OO LA SIIYAY BILAD QAALI AH WAXAAN U QAADAY ZAKARIA ADEN SOMALI MEDIA.

Waxaa tartankan sanad walba soo qaban qaabiya oo iyagu mahad celin iyo tix galin dheerad ah mudan, gudiga qabanqaabada koobka Ramadaanka oo iyagu kala ah: Idiriis Saciid Awmuuse, Cabdi Asiis Biixi iyo Qadar S. Xassancadde.

Waxaa soo diyaariyay: Abdirahman Mukhtar (Abdirashiid) iyo Zakaria Aden
Minneapolis, MN USA

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football