Skip Repetitive Navigational Links

Saturday, September 04, 2010

WAR SAXAAFADEED ISBORTI OO AY SOO SAAREEN QAAR KA MID AH CAYAARYAHANADII DALKA SOOMAALIYA

06 April 2009

Waxaa habeenimadii Jimcaha taariikhduna ahayd 3 April 2009 lagu qabtey magaalada London xaafada Wembley Park,  shir ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah Bahda Isboortiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska isla markaana isku aragti ka ahaa, in ayna ku fikrad ahayn qaabka maamulka hada lagu soo doortay Jabuuti. Una arkeen in uusan ahayn mid si loo wada dhan yahay lagu soo dhisay.

Shirka ayaa looga doodayay arimo badan oo ku saabsan xaalada Isboortiga dalka Soomaaliya maanta iyo mustaqbalka, sidii aan marnaba looga aamusnaan karin maamul xumida iyo masuqmaasuqa ku baahsan ee ka socda GOS iyo xiriirada hoos yimaada, kuwaas oo ku guuldareystey inay isboortiga Soomaaliyeed gaarsiiyaan ama ku baahiyaan dhamaan dalka Soomaaliya.

Waxaana shirkaan ka soo qayb galay dad magac iyo sharaf ku leh  Isboortigii Soomaaliyeed, hadii ay ahaan lahaayeen ciyaartooydii hore Xulka Qaranka Soomaaliya wiilal iyo gabdho sida Kubadda Cagta iyo Kubadda Kolayga, Macalimiin Sport, Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Taageerayaal iyo bahda Saxaafada Isboortiga Soomaaliyeed, waxaana ka mid ahaa dadkii ka soo qayb galay isla markaana ka hadlay :

1. Xildhibaan Mohamed Cali Bilaal.
2. Macalin Xasan Farah ''John''  Macalinkii Kooxda ENC & Xulka Gabdhaha Qaranka Soomaaliya.
3. Dr. C/raxmaan Cunaaye. Dr Sports iyo taageero kooxda Jeenyo LLPP.
4. Mohamed Ismail Cali    Kooxda Horseed iyo Xulka Qaranka Soomaaliya.
5. Mohamed Sheekh Cabdi  Kooxdii Jeenyo LLPP &  Badda.
6. Safiyo Mohamud Gudaal '' Safiyo Neero''  Kooxda Somali Fruit''. Macalimad Kooxda Gabdhaha basketball Soomaalida London.
7. Cabdi Nur Cali Rooble  '' Goolhaye  Kooxda kubadda cagta Muqdisho''.
8.  Shukri Dhalbaas   '' Kooxda kubadda kolayga Muqdisho''. macalimad kooxda gabdhaha  basketball SoomaalidaNorthampton.
9. Siciid  Xuseen Ceyroow  '' Kooxda  Kubadda cagta Horseed iyo Xulka Qaranka Soomaaliya
10. Bakiin Maaxi  '' Kooxda Jeenyo LLPP''.
11  Mahad Ahmed Tagow   ''Ex kooxda  Elman''.
12. Liibaan Ahmed Mohamud '' Taageere Isboorti''
13. C/laahi Xasan    '' Taageere Isboorti''
14. Yusuf Mohamed Abdi Yusuf   '' Sport Media Editor''.
iyo qaar kale oo badan

Shirkaan oo ahaa kii ugu horeeyay oo noociisa ah ee lagu qabtey dalka Dibadiisa isla markaana ujeedada loo qabtey ahayd  in aragti midaysan laga qaato qaabka loo wajihi karo ama sidii looga tashan lahaa Isboortiga Soomaaliya khaladka weyn ee ku  dhex jira, hadii ay ahaan lahayn  sixida maamulka, dib u habaynta Isboortiga iyo sidii dalka oo dhan loo gaarsiin lahaa isboortiga. sida tuulo, degmo ilaa Gobal.

Dhamaan dadkii ka soo qayb galay shirakan ayaa dhamaantood iska wada aragti ahaa in ay haboonaan lahayd in maamulka Isboortiga dalka gacanta Dowlada Soomaaliyeed lagu soo celiyo isla markaana  ku nuux nuuxsaday in Isboortigu yahay kan kaliya ee midayn kara umadda Soomaaliyeed balse aad moodo in maanta u marayo meeshii ugu hoosaysay taariikhda Isboortiga Soomaaliyeed, madaama Isboortigii la dhax keenay  wax ka duwan ujeedooyinkii  loo aasaasay Isboortiga sida musuqmaasuq, eex, qabyaalad, nin jeclaysi, xilal boobid, iska horkeen iyo boobka hantida lagu soo qaato in isboortiga dalka lagu horumarinaayo, waana arinka ugu weyn ay dhamaantood ay ka wada midaysnaayeen bahda Isboortiga ee madasha ka hadlay.

Waxayna  cod dheer ku sheegayeen  inaysan ogalaan karin in isboortiga la soo dhax galiyo qabyaalad iyo musuqmaasuq, sidaa daraadeedna bahda Isboortigu  yihiin dadka madax banaan Qabyaalad iyo masuqmaasuqa isla markaana loo baahan yahay in jiilka cusub loo  horseedo  wado xalaal ah oo ku dhisan isboorti jacayl iyo wadaniyad Soomaaliyeed.

War- saxaafadeedka ayaa waxa uu u qornaa sidatan:

 1: Waxaan taageeraynaa dadaalada nabada ee Dowlada Midnimo Qaran, isla markaana ka codsanaynaa  in Sport-iskuna uu la jaanqaado dib u dhiska dalka Soomaaliya.
 2: Waxaan taageeraynaa fikirka cusub ee Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble, isla markaana waxaan balan qaadaynaa inaan qayb ka noqono taageerida ciyaartooydii hore dalka Soomaaliya ee ku dhibaataysan gudaha dalka iyo sidii Isboortiga dalka loo soo hoos gayn lahaa Wasaarada, si meesha looga saaro musuqmaasuqa, is barbaryaaca iyo khilaafaadka jira.
3: Waxaan taageeraynaa cid kasto oo dadaal ugu jirto sidii Isboortiga Soomaaliyeed loo horumarin lahaa gudaha iyo dibadaba.
4: Waxaan soo jeedinaynaa in tixgalin la siiyo turxaan bixinta iyo dib u qaabaynta maamulka isboortiga Soomaaliyeed.
5:  Waxaan cod dheer ku sheegaynaa in isboortiga  la gaarsiiyo dhamaan dalka Soomaaliya isla markaana lagu baahiyo Tuulo, Degmo ilaa Gobal.
6. Waxaan soo jeedinaynaa in ciyaartooydii hore dalka Soomaaliya mudnaan iyo tixgalin laga siiyo talada iyo maamulida Isboortiga dalka, isla markaana dadka aqoonta hore iyo kuwa cusuba leh lagu soo daro maamulka guud ee Isboortiga dalka.
7: Waxaan ugu baaqaynaa bahda Isboortiga Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibada inay gacmaha is  qabsadaan isla markaana u soo jeestaan sidii  Isboortriga Soomaaliyeed loo soo noolayn lahaa.
8: Waxaan cambaaraynaa hadalkii ka soo yeeray masuul ka tirsan  GOS , masuulkaas oo meel uga dhacay  dadkii fikirkooda ka dhiibtey  doorashada GOS ee lagu qabtey dalka Jabuuti. isla markaana ka codsanaynaa     inuu raali galin buuxdo oo deg deg ka bixiyo hanjaabadii iyo aflagaadii uu ka  siidayay  Radio Ceelbuurnet aaqirkii Bishii Maarso 2009.

Ugu dambayntiina  waxaan dhamaanteen jecel nahay inaan la soo dhaxgalinin isboortiga sidiisaba  eex, qabyaalad, xilal raadin, musuqmaasuq, shaqsi jaclaysi, urur ku dhisan is kooxaysi  iyo is xijin isla markaana isboorrtigu u noqdo mid umadda ka wada dhaxeeyo oo mid ah isla markaana iskuna keena umadda Soomaaliyeed kaasoo ka shaqeeya nabadaynteeda iyo dib u heshiisiinta dadkeena Soomaaliyeed.


W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor & SSPAMEDIA
London