Skip Repetitive Navigational Links

Saturday, September 04, 2010

WASIIRKA ISBOORTISKA OO KULASHIRAY NAIROBI BASHIIR GOOBE IYO AHMED NUUR IYO SUXUUFIYIIN SOOMAALIYEED

29 April 2009

Wasiirka Isbortiska Dowlada Soomaliya Suleyman Colaad Roobl,e ayaa kulan qado ah wuxuu Hotel-ka 680 ee magaalada Nairobi kula yeeshay Gen Bashir Mahamed Jamaca (Bahsiir Goobe) oo ah taliye ku xigeenka 1-aad ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed, marna soo noqday gudoomiyaha xiriirka k/cagta, garsoorayaashii k/cagta ee Soomaaliya ka mid ahaan jiray, iyo gudoomiye ku xigeenka xiriirka k/cagta Ahmed Nur C/dulle.


B Gobe, Ahmed Nur iyo Wasiirka Isboortiska Soleyman Olaad Rooble oo dhexda fadhiyo

Kulankaan qadada ah oo ay sidoo kale ka qeybgaleen wariyaasha sports Soomaaliya iyo kan caalamka ka faalooda ee Sir Sunni Said Salah iyoYusuf Yusuf ayaa waxaa looga hadalay dhibaatooyinka heysta Isbortiska Soomaaliyeed iyo sidii lagu badbaadin lahaa, iyadoo sidoo kale uu wasiirka Isbortiska Soomaaliyeed, ka war bixiyay tan iyo markii loo soo magacaabay jagadaan caqabadihii uu la kulamay iyo wixii uu qabtay.

Markii qadadii laga farxashay kaftan iyo sheekooyin gaab gaaban kadib ayaa waxaa kulanka furay, Wasiirka Isbortiska Soomaaliyeed Suleymaan Colaad Rooble, wuxuu kulanka ugu warbixiyay dhibaatooyin ka jira Isboortiska iyo shaqsiyaad uu sheegay iney isla weyni qaab daran ay ku jirto kuwaasoo aaminsan fikrado maangaabnimo ah oo ay iska dhaadhiciyeen.

Wasiirka ayaa sheegay in uu soo dhaweyn wanaasgan kala kulamya hogaanka sare ee GOS iyo qaar badan oo ka mid ah xiriirada hoos taga marka laga reebo hal xiriirka oo uu ku sheegay iney isla weyni aan meel jirin oo qaab daran ay wasaaradiisii kula dhaqmeen laakiin markii danbe loo sheegay iney joojiyaan dhaqanka qaabta daran ee ay ku dhaqamayaan hadii kale tilaabo laga qaadi doono.

Xiriirkaasi wuxuu ku tilaamay inuu yahay kan ay maamulaan kuwa ugu jaahilsan ee Isbortiska Soomaaliyeed maamula, isla markaana dhibka ugu badani uu ka taagan yahay, laakiin ugu danbeyta uu rajeynayo iney wasaaradiisa ay xal ka gaarto.

Wasiirku wuxuu sheegay inuu si walba ula hadalay kuwa sheegta madaxada xiriirkaasi, laakiin hadana aysan ka waatoobin dhaqamada qaabta daran ee ay caadeysteen,”waa kan ugu wax qabdka liita hadana ay maamulaan kuwo aan cilmi u laheydn wax ay maamulayaan” ayuu si caro leh u yiri wasiirku.

Gen. Bashiir Mahamed Jaamac (Bashir Gobe) ayaa lagu soo dhaweeyay kulanka inuu ka hadalo, wuxuuna si gaar ah diirada u saaray caqabadaha hor taagan wasiirka Isbortiska Soomaaliyeed iyo sidii ugu ugu bixi lahaa, isagoo goobta ku soo bandhigay dhowr talooyin oo si weyn loogu riyaaqay.

Gen. Bashiir Goobe Wuxuu sheegay in kuwa uu hada wax ka sheegayo uu horey u soo arkay laakiin loo baahan yahay sidii loo tirtiri lahaa, tilaabooyin wax gal ahna laga qaato fikradaha qaabta daran ee ay aaminsan yihiin. kuwa islaheysiiyay meesha.

Gen. ayaa sheegay in hanaanka mooryaanimada ku dhisan ee ay u dhaqmaan uusan wasiirku ula dhaqmin laakiin si sharci waafaqsan oo arimahooda lagu xaliyo si qaladaadkooda loo tusiyo, isagoo inta ugu daray in uusan wasiirku wax fara galin ah ku sameyn howlahooda si uu ugu badbaado sharciyada sports-ka u dhigan.

Kulanka uu wasiirku la qaatay Gen.Bashiir Goobe, Ahemd Nur C/dulle, Sir Sunni Said Salah iyo Yusuf Yusuf oo looga hadalay wax yaaabo badan ayaa loo sheegay bahada saxaafada ee kulanka joogtay in aysan faafin, taasoo la isku raacay

Sir Sunni Said Salah
sirsunni@gmail.com
Senior Somali Sports Journalists