ABDIRASHID ABDULKADIR CADDAAY OO KU GUULAYSTAY CIYAARIHII TIJAABADA EE KOOXDA FC UNITED
01 August 2009
Abdirashiid Caddaay ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii sanadkan ka ciyaarayey cayaaraha Bariga iyo bartamaha Afrika, asagoo matalayay magaca Qaranka Kubbadda cagta Soomaaliyeed.
Abdirashid wuxuuna muujiyey xirfad ciyaareed iyo dadaal dheeri ahba, iyadoo ay wada jeclaysteen macallinka kooxda Qaranka Soomaaliyeed, ciyaartoyda iyo maamulka xiriirkaba.
Maalmihii la soo dhaafay ayuu Abdirashiid Caddaay ciyaaro tijaabo ah ula joogay kooxo ka mid ah dalka Ingiriiska. Abdirashiid wuxuu haystaa dhalasho Norwejiyaan ah. Sida uu na soo wargeliyay Aabihiis, wuxuu noosheegay in Abdirashiid uu ku guulaystay tijaabadii ciyaarihiisa oo ay aad ula dhaceen kooxdii tijaabinaysay.


Abdirashiid oo walaalkiisa Abdisalaam horey ugu ciyaarayey Reserve team -ka Kooxda Manchester City iyo xulka Qaranka Norway ayaa ku soo dhaweeyey magaalada Manchester. Kooxda uu hadda u saxiixi doono Abdirashid ayaa iyadana ka dhisan magaalada Manchester.
Agentiga Abdirashid oo ah aabihiisa Abdulkadir Caddaay oo ahaan jiray Aarbiitere ama garsoore Soomaaliyeed oo ilaa iyo heer caalami ka gaaray garsoorenimada ayaa maalinimada Sabtida, heshiis hor dhac ah la fariisan doona Mulkiilaha kooxda iyo Manager-kooda.
Abdirashiid oo waqti dheer ku qaadatay in uu ka mid noqda kooxaha ka ciyaara dalka Ingiriiska ayaa hadda waxaa laga doonayaa in uu dadaal dheer sameeyo, si uu waddo ugu sii furo ciyaartoyda Somaliyeed kuwooda tayada leh.
Waxaa soo diyaariyay:
Mohamed Sh Abdi (weli)