Skip Repetitive Navigational Links

Friday, March 12, 2010

GUDOOMIYE KU XIGEENKA XSKK OO BOOQDAY GOBOLKA MINNESOTA (USA)

03 August 2009

Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Koleyga Mudane Maxamed XaajiCali Jimcaale ahna xubin guddiga olimbikada soomaaliyeed ayaa maalmahan waxaa uu booqasho ku joogay gobolka Minnesota ee carriga Maraykanka ,waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay bulshada isboortiga ee gobolka Minnesota.


Maxamed XaajiCali Jimcaale

Guddoomiyaha ayaa ujeedada socdaalkiisa waxaa ay ahayd inuu u kuur galo hawlaha iyo dhaqadhaqaaqyda lagu horumarinayo isboortiga gaar ahaan kubadda koleyga ee ka socda gobolka Minnesota taasi oo ay si wadajir ah u wadaan macallimiinta iyo cayaartooydii hore ee qaranka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga iyo xallinta khilaafaadyada bahda kubadda koleyga.

Maalinimadii ay taariikhdu ku beegnayd 07/26/2009, ayaa guddoomiye ku xigeenka XSKK waxaa qado sharaf loogu sameeyay makhaayadda lagu magaabo Marine Delli & grill, waxaana ka soo qaybgalay dhammaanba bulshada isboortiga ee ku dhaqan gobolka Minnesota oo ay ka mid ahaayeen:

Cabdi Cali Macallin Guddoomiyaha isboortiga gobolka Minnesota. Cadde Xasan Gaaboow Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir/Duqii magaalada Muqdisho iyo Macallin kooxdii K/cagta ee naadigii madbacadda iyo xaaskiisa Xaawo. Ibraahim Suudaani tababarihii K/cagta naadiga Horseed iyo xulka qaranka. Maxamed Xasan Qolof Tababare k/cagta naadigii Badda iyo garsoore caalami ee K/cagta. Cabdi Yuusuf xubin Maamulkii isboortiga Naadigii Horseed iyo Guddoomiyihii isboortiga G/Banaadir xilligii dagaalada Sokeeye. Dr,Maxamed Aadan Jeelle Garsoore caalami K/Koleyga.

Idiris Ibraahim, C/qaadir Shiikha,C/qaadir Madaxey,Maxamuud Ciise, Cabdirisaaq Ugaas ,Axmed Daahir, Cabdi gabayre” Duwe”,Gani Xasan Nuur,Deeqo Cawil, Xaawo Cumar(Xaawo Hiiraan),iyo fartuun oo dhammaantoodba ka wada tirsanaa macallimiintii iyo ciyaaryahannadii qaranka iyo heerka 1aad ee naadiyadaii dalkeenna Soomaaliya.

Waxaa iyaduna xusid mudan in halkaasi ay joogeen TV ga kulan oo ka socday magaalada Rochester. Qadadii ka dib waxaa halkaasi erayo kooban ka soo jeediyay Guddoomiyaha Isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin, Cadde Xasan Gaaboow,Macallin Ibraahim Suudaani, garsoore Qolof, garsoore Jeelle,Cabdi yuusuf, Gani Xasan, Xaawo Hiiraan iyo tababaraha xulka qaranka Soomaaliyeed ee wiilasha K/Koleyga C/qaadir Xaaji Daahir”Shiikha”, waxaana giddigoodaba ay gacmo furan ku soo dhaweeyeen guddoomiye ku xigeenka XSKK Maxamed Xaaji Jimcaale.

Macallin Ibraahim Suudaani, garsoore Qolof iyo Cabdi Yuusuf oo ka mid ah Odayaasha Isboortiga ee gobolka Minnesota oo iyagu halkaasi ka hadlay ayaa iyagu bulshada isboortiga ee k/Koleyga gobolka Minnesota ku ammaanay isku duubnida iyo isku xirnaanta gaare ahaaneed ee ka muuqata.

Guddoomiyaha Isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin ayaa isagu halkaasi warbixin ka soo jeediyay waxaa uuna ka warramay dhaqdhaqaaqyada isboortiga ee ka socda gobolka Minnesota oo ay hormuudka ka yihiin ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota “SYDOM” iyo kaalinta muuqata ay ku leeyihiin macallimiintii iyo cayaartooydii hore ee Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolkan Minnesota. Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in dhallinta cuslaatay ee isboortiga gaar ahaan k/Koleyga ay wax qabtaan oo ay ku daydaan dhallinyarada reer Minnesota oo iyagu u taagan horumarinta isboortiga dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana uu dareensiiyay guddoomiyaha inaanan hawsha isboortiga lagu horumarinayo gaar ahaan kubadda koleyga aanan cidna marti looga noqon doonin oo shakhsigii wax qabanaya uu yahay kan mudan in la qiimeeyo, laguna qiimeeyo hawsha iyo waxa uu mujtamacan Soomaaliyeed u hayo kuna soo kordhinayo. Waxaana guddoomiyuhu uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay inaanan hadal badan loo baahnayn iyo is qabqabsi iyo aflagaado ee loo baahan yahay wax qabad muuqda oo ay la yimaadaan cid kastaa oo ehel u ahayd isboortiga gaar ahaan kubadda koleyga.

Guddoomiye ku xigeenka XSKK, ahaana garsoore Caalami ee kubadda koleyga Maxamed Xaaji Jimcaale oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa ugu horrayntii waxaa uu ka warbixiyay hawlaha horyaala Xiriirka Soomaaliyeed ee k/Koleyga, tartamada ciyaaraha nagu soo fool leh iyo hawlaha na horyaala ee loo baahan yahay in si wadajir ah loo wajaho. Guddoomiyahu waxaa uu bulshada isboortiga ee gobolka Minnesota uga mahadceliyay soo dhaweyntii diiranayd ee loogu sameeyay gobolka Minnesota,waxaana uu sheegay in aysan marnaba niyaddiisa ka go’i doonin sida loogu soo dhaweeyay Minnesota. Waxaana uu si aad ah ugu ammaanay reer Minnesota dadaalka ay ugu jiraan horumarinta isboortiga gaar ahaan kubadda koleyga oo dhallinta Soomaaliyeed uu ka muuqdo horumar mustaqbalka u keeni kara ummadda Soomaaliyeed inay ka muuqato fagaaraha caalamka.

Guddoomiyaha ayaa caddeeyay imaatinkiisa gobolka Minnesota inay qayb ka tahay xallinta khilaafaadka yaryar ee muddooyinkan ku dhex jiray bahda kubadda koleyga, waxaana uu ku booriyay bahda K/koleyga ee Minnesota in laga shaqeeyo midnimada iyo isku duubnida walaalaha ku bahoobay k/Koleyga..Waxaana guddoomiyuhu uu sheegay inuu la hadli doono cid kasta oo arrimahan gacan ka gaysan karta sidii loo soo afjari lahaa.

Munaasabaddaasi ka dib guddoomiye ku xigeenka waxaa uu ka qaybgalay tartan ciyaaro kubadda koleyga oo ka socday gobolka Minnesota kaasoo ay isku hirdinayeen kooxaha Dream Team iyo Young Stars. Waxaana halkaasi guushii 74 ku raacday kooxda Dream Team, halka kooxda Young stars ay ka keensadeen 67 dhibcood.

Mudane Cadde Xasan Gaabow oo ahaa duqii magaalada Muqdisho iyo guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo macallin kooxdii K/cagta ee naadigii Madbacadda ayaa isaguna habeenkii ay taariikhdu ku beegnayd 07/30/2009, waxaa uu gurigiisa casho sharaf ugu sameeyay guddoomiye xigeenka XSKK mudane Maxamed Xaaji Jimcaale. Casho sharaftaasi ayaa ahayd mid lagu waynaynaay, laguna soo dhawaynayay mas’uulkaasi ka socday XSKK, waxaana ka soo qayb galay bulshada isboortiga ee gobolka iyo qaar ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota oo iyagu halkaasi lagu casuumay.

Mudane Cadde Xasan gaaboow oo isagu madashaasi ka hadlay ayaa ku soo dhaweeyay Maxamed Xaaji gobolka Minnesota, waxaana uu ka warramay isboortiga iyo kaalinta wanaagsan ee uu ka qaadan karo isu keenidda dhallinyarada Soomaaliyeed iyo xijmiga uu isboortigu ku yeelan karo nabadaynta dalka soomaaliya.waxaana uu dadkii meesha isugu yimid ka codsaday in faataxada loo akhriyo dalkii soomaaliya oo Alle uu nabad u keeno.

Maxamed Xaaji oo isaguna goobta ka hadlay ayaa ugu horrayntii ka warbixiyay isboortiga iyo sida uu ku soo bilaabay iyo heerka uu haatan soo gaaray. Waxaana uu si aad ah uga mahadceliyay Cadde Xasan iyo Marwadiisa Xaawo casuumadda walaaltinimo ee ay u fidiyeen iyo intii ka soo qayb-gashay, waxaana uu qiray in ay ahayd mid uu ka filayay walaalihiisa isboortiga iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota intaba.

Diyaariye: Shiikha