Skip Repetitive Navigational Links

Wednesday, March 10, 2010

CASHO SHARAF EAST LONDON LOOGU SAMEEYAY AADAN MOOBLEYN

03 August 2009

Casho sharaf aad loo soo agaasimay, laguna soo dhawaynayey cayaaryahankii kubadda cagta kooxda Jeenyo ama LL PP laacib Aadan Ali Xassan (Aadan Moobleyn) ayaa waxaa habeenhore oo bishu ahayd 01/08/2009 ka dhacday maqaayada bilicda san ee JASIIRA RESTAURANT ee k u taal Bariga magaalada London.

Xafladdan ayay soo qabanqaabiyeen dhalinyarada, akhyaarta ama waxgaradka xaafadda Layton, ee Bariga London, kuwaas oo ku caan baxay sooryo wanaag, walaal jecel iyo iskuduubni. Kulanka ayaa ay ka soo qaybgaleen dhalinyaro aad u tiro badan oo ka kala timid dhamaan daafaha magaaladda London oo isugu jiray wiilal iyo gabdhaba.


Jasiira Restaurant


Cade Suufi iyo Axmed Ali Shiino

Ugu horayntii waxaa barnaamijka furay, oo si qiiro leh ku soo dhaweeyay Aadan Moobleyn, mid ka mid ah milkiilayaasha Jaziira Restaurant oo la yiraahdo Cadde Suufi, oo ahaan jiray cayaaryahanadii kubadda cagta kooxda Madbacada, oo sheegay in uu Aadan ahayn saaxiib kaliyeh ama nin laacibnimo kaliyah lagu soo dhawaynayo cawada. Wuxuu yiri. “ Aadan waa walaal aad u qiimo badan, waxaa cawada isku kayna keenay , waa in aan abaalkuu horay u galay wax yar uun ka gudnaa.

Aadan hadaan wax yar ka sheego kaalinta uu bulshada Soomaaliyeed uga jiray, waa nin fur furan, nin Isboorts ah, oo ay weli u dheer tahay dad jacayl. Xiliyadii danbe qof ITALY soo maray oo uuna Aadan ku soo dhawayn Italy ama uu ku soo sagootin ma jiro. Hadii aan caawa codka kor u qaadi lahaay oo ay cid waliba ogaato in Aadan cawada London soo dhawayn loogu samaynayo, Restaurant-igaan iska daaye, 100 restaurant oo laysku dhajiyayna ma qaadi kari lahayn asxaabtiisa. Taas ayaana nagu qasabtay aniga iyo asxaabtayda reer Layton in aan hoosta ka balansano dhowrqof oo aan u aragnay in ay muhiim u ahayd in aan uga mahad celino wanaagii uu horay noogu soo sameeyay. Marka waxaan leenahay walaalkeen Aadan Moobleyn soo dhawoow, intaan iyo in ka badan ayaad naga mudnayd ee naga raali noqo.”


Al-fanaan Saalax Xariir

Jawiga goobtu wuxuu ahaa mid aad u xasilan, waxaana marti sharafta goobta isugu timid madadaalinayay Al-fanaan Saalax Xariir, oo haray uga mid ahaan jiray fanaaniintii kooxda IFTIN, kaas oo heesiihii hore kuwii dhexe iyo kuwii danbaba marba mid ka dhawaajinayay, martisharaftii cashada loo fidiyayna ay garan waayeen xili ay cashadii loo soo dhigay ay dhameeyeen. Soona xasuusisay heeso waayo hore maqalkoodu ku danbeeyay. Qaarkoodna sidii in ay joogaan Tiyaatarkii heesihii hir galay ka bixi waayeen Biis………. Biis….. .

Intaasi ka bacdi dhamaan asxaabtii goobta iskugu timid ayaa marba raxan raxan, sawiro xasuus leh la galayeen saaxiibkood Aadan Mooblayn. Kadibna uu Aadan u wada mahad celiayay dhamaan marti sharaftii ka soo qayb gashay soo dhawayntiisa.

Sawiro kale, ka daawo halkan:

W/D: Mohamed Sh Abdi (weli)