Skip Repetitive Navigational Links

Friday, September 10, 2010

QAAR KA MID AH MADAXDA URURKA SSIFO OO CASHO SHARAF U FIDIYAY QORAA MAXAMED SHEIKH XASSAN

02 February 2009

Habeenkii sabtida ayaa waxaa qaar ka mid ah madaxda ururka SSIFO (Somali Sports & International Friendship Organisation). ee bahda Kubadda kolagyu ku soo dhoweysay woqooyiga London qoraaga Soomaaliyeed Maxamed Sheikh Xasan oo soo bandhigay Laba buug oo uu ka soo ururiyey Isboortigii Soomaaliyeed gaar ahaan Kubadda Kolayga iyo Kubadda Cagta.

Maxamed Sheikh wuxuu qoray tiro buug ah oo ka badan afartan buug kuwaas oo leh sheekooyin, maahmaaho, Maanso gabayeed, heeso, buug caruureed iyi kuwa taariikheed. Maxamed oo dhamaystay waxbarashadiisa ilaa iyo heerka takhasuska (Masters) kuna dhex jira PHD ayaa ka doortay dantiisa gaar inuu isu keeno oo ururiyo dhaqanka, Sugaanta, Taariikhda iyo aqoontii Soomaaliyeed ee aan la qorin.

Maxamed wuxuu ku dhiiraday inuu ururiyo taariikhdaa Isboortiga Soomaaliyeed markuu arkay sida Soomaalidu u jeceshay ugana sheekayso noocyada Isboorti. Qoraagu wuxuu ku hawlanaa mudo dheer qoraalkan laba buug oo ka kala sheekeynaya kubadda Kolayga iyo Kubadda Cagta, Isaga oo ka hadlaya xaflada wuxuu sheegay iney u ahayd khibrad cusub, wuxuuna u mahad celiyey intii gacanta ku siisay uguna deeqay macluumaad, talo, iyo sawiro intaba lahaa.

Maxamed Sheikh, macalin Shiino, macalin John iyo wiilkiisa Guuleed

Abdixakiin, Bashiir Gureey iyo Maxamed Sheikh Abdi

Muriidi dheere iyo Wehliye

Abdi weli, Abdulqadir Garwayne iyo wiilkiisa Abdullaahi yare

Maxamed oo ka mahad celiey soo dhoweynta loo fidiyey wuxuu ka akhriyey goobta cutubyo ka mid ah buugta oo xusuus leh oo uu u bixiyey dhacdooyin xusuus reebay iyo khaladaadkii maamulka ciyaaraha ka dhici jirey.

Ciyaartoydii hore ee goob jooga ahayd wexey indhahooda ka qaadi waayeen baalashii buuga iyadoo ay ku kulmeen xusuus waaya hore, isweydiin halka ay ku kala sugan yihiin dadkii aan waayaha lays arag.

M A Weeroow, Daysane, Max'ed Shiikh, Shiino Guhaad iyo Bashiir Gureey

Faa’iidada Buugaagtan taariikhda xambaarsan ayaa waxaa farxad wejigooda laga dareemayay qaar ka mid ahaa caruur da’yar oo ay dhaleen cayaaryahanadii hore, kuwaas oo ka mid ahaa kasoo qayb galayaashii casho sharafta loo sameeyay qoraaga, oo is waydiinayay sawirada aabayaashood oo buugaagta ku daabacnaa.

Soomaalida oo lagu tilaamo bulsho sheeko (Oral Society), kuna kaydsata taariikhdeeda sheeko jiilba jiil u sii gudbiyo ayaa waxaa cad iney ka luntay taariikh lixaad leh intii laga soo haajiray dalkii hooyo.

Muhiimad cashada oo runtii ahayd in loogu mahadceliyo qoraa Maxamed Sheikh Xasan, shaqada wanaagsan ee uu u qabtay bahda Isboortiska Soomaaliyeed gabi ahaantood. Ayaa waxaa ay ku soo gaba gaboowday farxad iyo isu maxabayn.

W/Q: Hassan M. Farah (John)
Kubadda.com - London