Skip Repetitive Navigational Links

Friday, September 10, 2010

SHIR SANADEEDKII URURKA FIBA EE KUBADDA KOLEYGA

03 February 2009

Waxaa bishii Janaayo 25 ilaa iyo 26-keedii ka dhacey magaalada Qaahira shir sanadeedkii kubadda koleyga ee wadamada Africa. Shirkan oo ay soo qaban qaabisey ururka FIBA (International Basketball Federation) qaybteeda Africa. Waxaa matalayay wadanka Soomaaliya oo ugu qeyb galey gudoomiye ku xigeenka XKKS Eng Baana Cali. Shirkan oo loogaga hadlayey waxqabadka wadamada Afrika ee sanadkii ina soo dhaafey iyo wax qabadka sanadka cusub ee 2009.


Eng Baana Cali

Muhiimada shirkan ayaa ahayd in looga hadlo sida loo hor marin lahaa farsamo cayaareedka kubada koleyga ee wadamada Afrika. Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galey gudoomiyaha kubada koleyga ee Adduunka FIBA (International Basketball World) Mr Bob Elphinston, oo u ahayd markii ugu horeysay uu ka qeybgalo shirka wadamada Africa.

Waxaa kaloo shirkan ka soo qeyb galey xoghayaha guud ee FIBA Mr. Patric Bouman. Waxaana shirkan gudoomiye ka ahaa xoghayaha guud ee FIBA ee Africa Mr Alphonse Bile.

Gudoomiyaha FIBA International Basketball World Mr Bob, ayaa qudbadiisa ka sheegey in uu aad ugu faraxsan yahey ka soo qeybgalka uu ka soo qeybgaley shirkan uuna rajeynayo in uu ka soo qeyb geli doono sanadaha soo socdo.

Waxuu kaloo Mr Bob sheegay in wadamada Afrika ay horumar sameeyeen sanadihii ugu danbeeyey balse uu sheegay in ay weli ka hooseeyaan heerka ay gaarsan yihiin marka loo eego wadama reer galbeedaka iyo Asia. Waxuuna ku dhiiri geliyey in ay xoojiyaan dadaalkooda si ay horumar u sameeyaan sida wadamada Angola iyo Egypt.

Waxaan fursad u helay Eng. Bana oo aan qadka taleefoonka ka wareysto ula jeedada shirkan, waxuuna iigu jawaabey “ Sida aad la socotaan cayaaraha ka dhaca Africa Soomaaliya uguma qeyb gasho sida looga baahnaa, hadey noqoto kan kooxaha ama xulka qaranka. Markaa sidaad darteed ka qeygalkan shirkan ayaa waxey aheyd in aan war gelino madaxda FIBA qaybteeda Africa dhibaatooyinka ka jira wadankeena iyo sababta aan ugu qeybgeliweynay tartamadaas. Tan labad muhiimada shirkan ayaa waxey aheyd madaama shirkan sandkii mar kaliya la qabto in aan ka faaideysano isla markaana FIBA Africa loogala hadlo sida ay u taageri lahaayeen ama loo horumarin lahaa kubada koleyga wadankeena Soomaaliya.

Eng Bana, waxuu kaloo sheegey in uu kulan gaar ah la yeeshey gudoomiyaha groupka 5-aad ama zone 5 Mr Morris Aluanga iyo xoghayaha guud ee zone 5 Mr Vitalis Gode maadaama ay Soomaaliya ka mid tahey wadamada ku jira groupka shanaad.

Wuxuu Eng Bana yiri “Mr Morris oo hadda balan qaadey in uu Soomaaliya ku darayo wadamada u baahan in la taakuleeyo, waxuuna bishan danbe balan qaadey in uu Soomaaliya siiyo 1000 kubadood.

Waxuu kaloo balan qaadey in uu isku dayaayo in score boardka iyo 24 sec nala siiyo. Waxuu kaloo sheegay in ay tababaro xaga farsamada ay u fidin doonaan macalimiinta iyo garsoorayaasha.

Waxuu Mr Morris, ii sheegay inuu isagu ahaan jirey cayaaryahan u ciyaari jirey wadanka Kenya, waxuu sheegay in Soomaaliya ay ka mid aheyd wadamada ugu fiican zoneka 5aad, uuna aad ugu xunyahey dhibaatooyinka maanta ka jira wadanka Soomaaliya.

Waxuu kaloo sheegay in wadanka Kenya horumarka ay ka gaartey kubada koleyga sanadihii 1990-kii ay sabab u ahaayeen cayaartoy ka mid ahaa xulka qaranka Soomaaliyeed oo ka ciyaari jiray wadanka Kenya iyo macalimiin Soomaaliyeed oo heer qaran oo markaa halkaas ku sugnaana oo iyaguna ahaa macalin isla markana aqoontooda ka faaideysteen cayaaryahnada wadanka Kenya. Waxuuna aad ugu mahadceliyey Macalin Idiris iyo Macalin Baruuno.

Mr Morris, waxuu ugu danbeystii sheegay in uu Soomaaliya aad ugu caawino doono wax alle iyo waxii awoodiisa ay tahey, isla markana ay shaqadiisu tahey in uu ka taageeri dooni sidii ay ugu qeyb geli lahayeen cayaaraha zoneka 5aad”.

W/Q: Mohyadin Jama