Skip Repetitive Navigational Links

Friday, September 10, 2010

GUDOOMIYE WIISH OO MAGACAABAY TABABARAYAAL KU XIGEENO XULKA KUBADDA KOLAYGA

14 February 2009

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga Adan Hagi Yabarow Wiish, ayaa wuxuu bishan 05.Feb.2009 soo saaray wareegto uu xilal cusub ugu magacaabay tababarayaal ku xigeeno xulka qaranka kubadda koleyga Soomaaliyeed. Guddoomiye Wiish tababarayasha cusub ee uu soo magacaabay waxay kala yihiin:
1. Ahmed Dahir Ahmed, oo ku nool USA.
2. Osman Ali Abanur (Bruno), oo ku nool Canada.
3. Abdullahi Hagi Elmi (Ereg), oo ku nool UK.

Waxaa in dhaweedba isasoo tareysay isbadal hor leh, oo aan hore looga baran xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga uu ku dar dar galinayo horumarinta iyo tayeynta xulka qaranka Soomaaliyeed, waliba waxaa intaas u sii dheer in dhammaan xilalka cusub la gudoonsiiyay qaar ka mid ah mas'uuliyiin ka tirsan ururka SSIFO.

Guddoomiye Wiish ayaa horay u soo magacaabay tababaraha xulka qaranka kubadda koleyga Soomaliyeed Abdulkadir Hagi Dahir Shiikha iyo La taliyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga Dr.Osman Shiis, oo kuligood ka tirsan ururka SSIFO.

Haddaba shabakada somaliweek oo aan ka soo xiganay qoraalkan ayaa waxay balanqaaday in ay isku dayi doonto haddii Alla idmo in seddexdaas macalin ku xigeeno ay la xiriirto si ay faah faahin dheeri ah nooga soo siiso xilalkaas cusub ee lagu magacaabay.

Mohiyadin Jama
somaliweek.com - Toronto