Skip Repetitive Navigational Links

Friday, September 10, 2010

LONDON STARS OO KULAMO SAAXIBTINIMO LA SOO YEELATEY KOOXO KA DHISAN DALKA GAMBIYA

16 February 2009

Waxaa magaalada London dib ugu soo laabtey kooxda London Stars iyo masuliyiintii Qurba-joogta, ee u raacday dalka Gambiya, kadib markii ay cayaaro saaxiibtinimo kula soo yeesheen kooxo ka dhisan dalka Gambiya, isla markaana booqashooyin ku soo mareen magaalo madaxda dalka Gambiya iyo Gobalo kale, inkastoo ay sadax ciyaarood kooxda London Stars ay la soo ciyaareen kooxaha dalka Gambiya hadane dhamaantood waa laga soo badiyay sida ay ii shegeen macalimiintii iyo masuuliyiintii la socotey.

Kooxda London Stars waxay kale ciyaaro saaxiibtinimo kale la yeesheen kooxda ciidamada Cirka dalka Gambiya iyo xulka Juinoirka dalka Gambiya kuwaas oo haysta horyaalka da’da ka yar 17 jirada caalamka, intii ay dalka Gambiya joogeen waxaa soo dhaweeyay isla markaana ay marti u ahaayeen xiriirka kubada cagta dalka Gambiya iyo Wasaarada Isboortiga dalka Gambiya.

Gambia Team

London Stars Team

Dowlada dalka Gaambiya ayaa si weyn u soo dhawaysay kooxda Qurba joogta Soomaaliyeed ee London stars, iyadoo la dajiyay Hotelka Staduim Gambiya, isla markaana saxaafada iyo Televisionka dalka Gambiya ay si weyn uga qayb qaateen soo dhawaynta iyo kulamada ay kooxda Soomaaliyeed la yeelanayaan kooxaha dalka Gaambiya iyo Booqashada ay dalka Gaambiya ku yimaadeen qurba joogta Soomaaliyeed.

Waxaa iyana xusid mudan in kooxda uu la socday nin aan ku tilmaano in uu yahay ninka dunida ugu dheer oo dhalashadiisu tahay Soomaali lana yiraahdo Xusen Bisad, oo ku nool dalka Britain gaar ahaan magaalada London, kaas oo soo jiitey indhaha dadka reer Gaambiya isla markaana ay si weyn u xiisaynayeen aragtidiisa, iyadoo loo soo dhaweeyay si weyn isla markaana ay amaankiisa sugayeen ciidamada Police-ka dalka Gaambiya. Waxayna ku ahayd Police-ka dalka Gaambiya howl siyaado ah, waayo, mar Alle markii uu rabo inuu magaalada aado, waxay ku qasbanaayeen in ay ilaalo ku daba daraan, si amaankiisa loo sugo. Shacabka reer Gaambiyana waxay xiiseeynayeen in ay isku sawiraan, taas oo ay ii sheegeen asxaabtii safarkaas ka qayb gashay, inay safarkooda qiima weyn iyo wax ay ku farxaan dadka reer Gaambiya u noqotey aragtida Xuseen Bisad.

Maamulka xiriirka kubada cagta dalka Gambiya iyo marti sharaftii Soomaaliyeed ee kooxda raacday

Waxaa kale oo soo dhaweeyay kooxda Soomaalida qurba joogta London Stars, masuuliyiin uu horkacayay Madaxwayne ku xigeenka dalka Gaambiya isla markaana ah taliyaha ciidanka dalka Gaambiya ahna wasiirka Sports-ka dalka Gaambiya iyo gabadhaha dalka Gaambiya ugu quruxda badan sanadka 2009.

Wafdiga Qurba joogta Soomaaliyeed iyo kooxdaba waxay dhamaayeen 30 qofood, waxaana la dejiyay hotelka Cayaaraha dalka Gaambiya ee ku yaal magaalo madaxdooda, iyadoo ay barnaamijkaan ay gacan ka gaysteen ganacsato Soomaaliyeed oo degan dalka Gaambiya, kuwaasoo markoodii hore ku noolaan jirey magaalada London hadase ganacsi ku leh dalka Gaambiya.

Kooxda iyo madaxdii la socoteyba, kuwaasoo ka kale yimid dalalka Britain, Sweden iyo Canada waxay ii sheegeen inay aad uga soo heleen isla markaana dalka Gaambiya iyo shacabkooda iyo madaxdoodaba ay kala soo kulmeen soo dhaweyn heer sare oo gacaltooyo ka muuqato, dadka reer Gaambiya waa dal Muslim ah isla markaana noo arkayay inaan nahay walaalahood oo soo booqday ayuu i sheegay mid ka mid ahaa dhalinyaradii safarka ku tagtey dalka Gaambiya.

Mas’uuliyiintii kooxda Qurba joogta horkacaysay waxay kale ahaayeen mudanayaasha kale ah Mudane C/qaadir Isoomareey ( Madaxii Hotel-ka Muqdisho Staduim isla markaana ah wakiilka GOS ee dalka Talyaaniga magaalo madaxdiisa Roma, haatana ku nool magaalada London Oday Sports) iyo Mudane Mohamed Faarax ''Dab'damis'' Garsoore Qaran, oday Sports, kana yimid dalka Canada magaalo Toronto, kana mid ah bahda Sports reer Toronto, Mudane Axmed Nur Seyga Ruushka , ciyaartooydii kooxda Jeenyo iyo xulka Qaranka Soomaaliya barisamaadkii haatana ka mid ah dalada madaxda Qurba joogta Soomaaliyeed, Mudane Cawad ciyaartooydii hore kooxda Badda haatana ka mid ah masuuliyiinta ururka Seuki haatana ku nool dalka Sweden, Mudane C/qaadir Uus, Mudane Weli Maalin Xoghayaha ururka Seuki, haatana ku nool dalka Sweden magaalo madaxdiisa Stockholm.

Kooxda London stars waxaa safarka u raacay isla markaana macalimiin u ahaa rag ka tirsanaan jirey ciyaartooydii hore ee dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ahaayeen macalin Dahir Gacamay ( Naadiga Muqdisho), Macalin Bile Madbaco ( MBC club & Somali National team) iyo Macalin Hassan Dhuudhi .

Film-qaadaha Soomaaliyeed ee London iyo Holand Mudane Shirwac ayaa kooxda London stars ka soo diyaariyay barnaamij Video ah waxaana ka heli kartaan dukaamada Soomaalida siiba kuwooda ku yaal Galbeedka London ee Wembley.

Safarka kooxda LONDON STARS iyo masuuliyiinta Qurba joogta waxa uu u ahaa safar taariikhi ah oo dal iyo dad barasho ah, isla markaana waxay ii sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin tagitaankii ay dalka Gaambiya tageen iyo waayo aragnimadii ay kala soo laabteen, waxay mahadcelin halkaan u marsiinayaan dadkii gacanta ka gaystey inay safarkaasi dhaco isla markaana waxay u mahad celinayaan Dowlada dalka Gaambiya iyo shacabkooda gaar ahaan xiriirka kubadda cagta dalka Gaambiya sidii sharafta lahayd ay u soo dhaweyeen iyo gacaltooyadii ay u muujiyeen intii ay joogeen dalka Gaambiya.

kooxda London stars

Dhalinyaradii ka mid ka ahayd safarka ayaa i sheegay inay tani u ahayd fursad wanaagsan isla markaana ay rajaynayaan sanadka dambe inay diyaar garoow weyn u gali doonaan sidii ay tartankaasi guulo uga soo hoyn lahaayeen, mar aan la kulmay qaar ka tirsan masuuliyiintii kooxda hogaaminaysay ayaa ii sheegay inay safarkaan ku tageen si kedis ah ama deg deg ah laakinse ay sanadka dambe diyaar garoow weyn iyo tababushe u gali doonaan si ay guulo uga soo hoyaan.

Waxaan filaynaa in kol dhow laga soo dayn doono safarkii ay kooxda ku tageen dalka Gaambiya Televisionka Universal TV hadii Eebe idmo. Qurba joogta Soomaaliyeed iyo kooxahooda ayaa safaro bilaha soo socda ku kale aadi doono dalalka Djabuuti iyo Kenya hadii Allah idmo, wixii warar ah oo ku saabsan safaradaas dib ayaan idin kaaga soo sheegi doonaa.

W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor & sspamedia
mrsomalia@hotmail.com