MAXAA KEENAY DIB-U-DHACA KULANKII DOORASHADA GOS EE KA DHICI LAHAA DALKA JABUUTI?
27 January 2009
Doorashda guud ee GOS ee lagu balansanaa in lagu qabto magaalada madaxda wadanka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti bisha Febraayo 2009 ayaa dib loo dhigay, sida warar lagu kalsoon yahay aanu ku helnay xubno u dhego duleelo arimahaa, ayay noo xaqiijiyey in wasaarada Sportiga iyo dhalinyarada dalka Jabuuti ay si cad ugu sheegtay labada garab ee GOS u kala farcameen inaysan dalkooda ku qabsan karin shirar iska soo horjeeda oo gooni gooni ah, kadib markii Wasaarada Isboortiga dalka Jabuuti ay soo gaareen warqado kala duwan ay ku saxiixan yihiin Gudoomiyaha GOS iyo Ku xigeenkiisa oo ka codsanaya inay rabaan in doorashadii GOS lagu qabto Hotelka Impreal oo ku yaal duleedka magaalada Jabuuti.
Waxaa kale iyana warqado dacwo ah oo iska soo horjeeda loo direy International Olympic Commitee ( IOC), warqadahaas oo iyana ka kala yimid labada garab ee GOS u kala jabay oo ay ku sheeganayaan inay shir ku qabanayaan doorashada dalka Jabuuti, iyagoo sheeganaya mid kastaba inuu haysto aqlabiyada xiriirada ka diiwan gashan GOS.
Sida aan Email rasmi ah aan kaga helnay sarkaal ka tirsan IOC & NOC oo diiday in aan shaaciyo magaciisa ayaa noo cadeeyay inaysan ka qayb galin doorashadii GOS lagu qaban lahaa dalka Jabuuti biloowga Febraayo 2009, kadib markii aan ka war helnay khilaafka kala soo dhaxgalay madaxda GOS, sidaa daraadeedna goob joogayaasha IOC & NOC way ka baaqdeen safarkii ay ku tagi lahaayeen dalka Jabuuti ayuu qoralkiisa ku soo koobay.
Mar hadii is qabqabsigii u gaarey dalalka dariska ah iyo IOC, NOC waxaan filayaa in dhaqaalihii la iska guran jirey inuu istaagi doono isla markaana Sports Soomaaliya uu horumari doono madaama laga yaabo in kuwa badan oo meesha naq u soo doontey inay isaga tagi doonaan oo ay ku soo hari doonaan kuwa ay dhabta ka tahay in la horumariyo Sports dalkeena iyo dhalinyaradeena iyadoo la baryin meelo kale.
GOS ayaa heerka khilaafkoodu gaarey heerkii ugu xumaa kadib markii ay isku khilaafeen xogaa dhaqaale ah oo ka soo galay IOC iyo NOC sanadkii hore lagu qaybsan lahaa, taas oo keentay inay ku dagalamaan awooda ururka cidii mar labaad ku soo laaban lahayd, waxaana xafiiskii uu ku shaqayn jirey gudoomiyaha GOS mudane C/qaadir Gacal Abkow laga hor istaagay inuu ku shaqeeyo isla markaana waxaa laga mamnuucay inuu ka soo qayb galo tartamada lagu qabto garoonka Luujino, halkaas oo ku xoog badan yahay hogaamiyaha rug cadaaga ah ee Mudane Aden Xaaji Yabarow '' Wiish''
Mudane Abkow ayaa isna gashaanbuur cusub la samaystey qaar ka mid ah xiriirada Sports ee ka howl gala magaalada Muqdisho si uu lolanka garabka kale isaga riixo, isagoo shalayto lagu arkaayay koob lagu maamusayay Aba Nur Sheikh oo lagu qabtey xaafada Shangaani ee magaalada Muqdisho, booqashada Abkow iyo xiriirada la socday ayaa ka dhiganta mid uu ku muujinaayo awoodisa Sport, si caalamka ugu qanciyo in weli uu yahay gudoomiyaha sharciga GOS.
Dhanka kale mudane Aden Xaaji Yabarow '' Wiish'' oo nin si weyn looga yaqaan dalka Soomaaliya gaar ahaan fagaarayaasha cayaaraha iyo wasaaradi hore Sport iyo Dhalinyada Soomaaliya ayaa isna xusul duub ba' an ugu jira sidii loogu dooran lahaa mar un gudoomiyaha GOS ee cusub.
Lolanka iyo is afgaran waaga ka dhax dilaacay Gudoomiyaha GOS & ku xigeenkiisa ayaa waxaa ka faaidaysanaya dad aan Sports Soomaaliyeed ehel u ahayn, isla markaana ah Qurba joog raba inay dhaqaale iyo magac ka sameeyaan dal iyo dadkiisa ay la hareen khilaaf joogta iyo nidaam daro, waxaa nasiib xumo ah in la waayo dad isku soo jiida kooxaha ku hardamaya lolanka awoodaha ilaha dhaqaalaha leh isla markaana wax tara dhalinyarada Soomaaliyeed ee u baahan inay helaan fursado ay aqoontooda Sports ay ku hormariyaan.
Waxaase ilaa hada mowqifkiisa la ogayn Xogahaya guud ee GOS mudane C/laahi Tarabi oo aan u arko inuu yahay nin qunyar socod ah isla markaana afgaaban oo aqoon Sports leh dhinaca uu raacsan yahay ilaa hada ma cada madaama uu yahay ninka laga rabo inuu isku hayo awoodaha is diidan ee GOS, hasayeeshee waxaa modaa inay jirto awood qarsoon oo wax ka maamulaysa daaha gadaashiisa, waxaana muhiim ah in xogahayaha guud ee GOS uu shaqadiisa ka soo baxaa madaama ay muhiim u tahay socodsiinta howlaha ururka inta laga helaayo dowlad Soomaaliyeed oo awood badan oo shaqaynaysa.
Waxaa iyana loolan xaga awoodaha ka dhex dilaacay saakay wararka aan ka helayno ilo ku dhaw dhaw Gos xiriirada tira badan ee hoos yimaada Gos, kuwaas oo u kala jabay labada dhinac, madaama lagu tartamaayo codadka xiriirada, tusaale ahaan saakay waxaa gacanta iskula tagi lahaa Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa xiriirka Cayaaraha fudud, iyagoo isku qabsaday cida codka (VOTE) ay siinayaan iyo qofka ay ka codaynayaan.
Waxaa moodaa in hab dhaqankii dagaal oogayaasha inuu ay u dhaqmayaan dadka maanta sheeganaya inay yihiin bulshada Cayaaraha Soomaaliyeed kuwa hogaamiya, arinkaas oo ah mid laga xumaado isla markaana laga hortago, saxaafada xorta ah, waxaa waajib ku ah inay ifiso isla markaana daba gasho kuwa raba inay u afduubnaato bulshada waxa kala dhaxeeyo ee u baahan in laga wada tashado si loo gaaro goolka aan tiigsanayno oo ah in bulshadeena dhibaataysan aan u furno albaabo ama neecaaw caafimaaad qabta oo bari ka ah musuqmaasuq iyo qabyaalad ku dhisan xukun iyo beeso raadin.
Waxaa muhiim ah in loo istaago sidii dib u xoreyn loogu samayn lahaa GOS iyo xiriirada hoos yimaada si Sports loo gaarsiiyo miyo iyo magaalo sidii aan caalamka horumarey aan wax ula qaybsan lahayn.
Ururka GOS & Xiriiradiisa ayaa waxa uu u yahay ururka kaliya ee leh in kabadan 50 gudoomiye ku xigeeno aan la ogayn howlaha ay qabtaan iyo sababta loo magacaabay, kuwaas oo aan war iska haynin, sababta aan saas u leeyahay waxaa weeye mar aan ka qayb galay ramadaankii hore ayaa dadkii ka soo wada qayb galay wada sheegteen inay yihiin gudoomiye ku xigeeno xiriiro kale duwan ikuwaas oo hoos tago GOS taas oo iga fajicisay.
Ugu dambayntiina waxaan GOS ugu baaqayaa inay dib isku xisaabiyaan isla markaana isbarbaryaaca iyo xaqiraada dadka wax u qaban kara bulshadeena talada ku wareejiyaan, iskana hilmaamaan magacaabida jagooyinka naas nuujinta ah ay dadka ku kala qaybinayaan.
W/D: Yusuf Yusuf
SPORTS Editor and SSPAMEDIA
London
Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan kubadda.com