Skip Repetitive Navigational Links

Friday, March 12, 2010

WASIIRKA ISBOORTIGA & DHALINYARADA SALEEBAAN COLAAD ROOBLE OO BOOQDAY DALKA SUDAN

16 June 2009

Wasiirka Isbortiga iyo Dhalinyarada mudane Saleebaan Colaad Rooble, ayaa booqasho gaaban ku tagay shalay magaalada Khartooum ee dalka Sudan, kadibna u suurto gashay in uu kulan halkaa kula yeesho Wasiirul Dowlaha Dhaqanka, Dhalinyarada & Isbortiga ee dalka Suudaan mudane Maxamed Aboozeed Mustafa.

Kulanka ayaa lagu qabtey xaruunta wasaarada Dhaqanka, Dhalinyarada & Isboortiga dalka Suudaan. Martisharafta wehlisay safarka mudane Suleymaan Colaad Rooble ayaa ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Guddiga Olambikada mudane Aadan Xaaji Yabarow Wiish, Mudane Saciid Jaamac Qoorsheel, la taliyaha Wasiirka,Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sudan Danjire Prof Mahdi iyo mas'uuliyiin kale.

Wasiirka ayaa kaga warbixiyay ugu horeyn xaalada uu dalka Soomaaliya ku sugan yahay iyo barnaamijka u degsan wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga, isla markaana ka mahadceliyay sida wanaagsanayd ee loogu soo dhaweyay dalka Sudan.

Kulankaan ayaa noqonaya mid hordhac u ah kulamo kale uu wasiirka uu la yeelan doono madaxda dalka Sudan inta uu ku suganyahay halkaas.

Wasiirka ayaa noogu sheegay qadka telefoonka in maalinkii shalay ahayd dalka Suudan uga bilaabatay socdaal shaqo uu halkaas ku joogi doono muddo 5 cisho ah .

Safarkiisan ayaa noqonaya kii labaad tan iyo markii xilka loo dhiibay wasiirka mudane Salebaan Colaad Rooble, wasiirka ayaa biloowgii bishaan kaga qayb galay dalka Zwitzerland shir caalami ah isla markaana wada dadaal dib loogu soo noolaynaayo shaqadii iyo masuuliyada ka saaran howsha wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga.

Dadaalka iyo shaqada uu wado wasiirka cusub ayaa noqonaysa mid ay aad ula dhacsan yihiin bahda Isboortiga Soomaaliyeed gudaha iyo dibadaba, dhawaan ayaa wasiirka xafiiskiisa warqad ka soo baxday loogu kala direy hay’adaha Isboorti ee ka jira magaalada Muqdisho isla markaana loogu sheegay inay u soo gudbiyaan Wasaarada waxqabadkoodii labadii sano ee la soo dhaafay .

Wixii ka dambeeyay burburkii Dowladii hore ee Soomaaliya ayaa isboortigii u noqday mid uu la burburo dhibka wajahay dhamaan dalka, inkastoo farta lagu fiiqi karo xarakaadka yare e ka jira xaafada Kaaraan, laguna xanto maamulkaas in ay dhaqaale xoogan ka helaan hay’adaha Isboortiga caalamka sida IOC, NOC & FIFA, arinkaas oo dib u dhac weyn ku keentey sidii Isboortiga loo gaarsiin lahaa dhamaan gobalada dalka si xaq ah, waxna loogu qaban lahaa guud ahaan dalka Soomaaliya.

Hadaba dhaqdhaqaaqa uu wado wasiirka Isboortiga & dhalinyarada ee ku wajahan soo noolaynta hay’adihii Isboortiga dalka iyo ku soo celinta awooda maamulka Isboortiga dalka gacanta dowlada Soomaaliya ayay dadka intiisa badan u arkaan tilaabo loo qaaday xaga wanaagsan, isla markaana mustaqbalka lagu heli karo cadaalad iyo u sinaan talada maamulida isboortiga dalka.

W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor of sspamedia
London