Skip Repetitive Navigational Links

Friday, September 10, 2010

QORITUURKA KOOBKA KA DHICI DOONO MAGAALADA LEICESTER EE SUPER CUP 2009

01 March 2009

Waxaa lagu qabtey hotel weyn oo ku yaal magaalada Leicester qorituurkii Leicester Super Cup 2009, koobkaas oo ay soo qaban qaabiyeen ururka Leicester United isla markaana lagu casumay marti sharaf Sport, kooxaha ka qayb qaadanaya tartankan iyo Council-aarka magaalada Leicester iyo ururada ka dhisan magaalada Liecester iyo odayaasha magaalada Leicester.

Gudiga garsoorka

Koobkan (Super Cup) ayaa ah koob ay ku looltami doonaan kooxaha jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ka dhisan dalalka Yurub, ee ka qayb gala koobabaka xiliyada kuleelaha la qabto, kuwooda noqday horyaalada tartamadaas Qurba joogta ah. Tartamadaas oo ka kala dhacay sanadkii hore magaalooyinka London, Stockholm iyo Toronto.

Ugu horeyntii waxaa xafladda ka hadlay oo barnaamijka xiriirinaayay gudoomiye ku xigeenka ururka Leicester United mudane Cilmi Daqare, oo ka war bixiyay sida barnaamijka caawa u dhici doono, waxaana meesha warbixino ka jeediyay taariikhda ururka gudoomiyaha ururka Leicester United mudane Omar Xasan ‘’ Omar Dheere’’ oo ka warbixiyay koobka Leicester United iyo taariikhdooda iyo ujeedada tartanka caawa halkaan loo fadhiyo ugu qabanayaan magaalada Leicester, kadibna waxaa halkaasi ka hadlay mudane Zakariye Abdi Oogle, oo qudbad luqada Ingriiska ku qorneed halkaas ka jeediyay si ay wax uga ogaadaan martisharaftii ajnabiga ahayd ee ka soo qayb gashay munaasabada.

Mr. Osman, Leicester Councilor

Mudane Osman, oo ah Councilaarka magaalada Leicester ayaa isna ka hadlay isla markaana sheegay sida uu ugu faraxsan yihiin maamulka magaalada Leicester inay gacan ka gaystaan barnaamijyada lagu hormarinaayo jaaliyada degan magaalada, isagoo yiri tartankaan ama kulankaan oo kale wax tar badan ayuu u leeyahay bulshada gaar ahaan jaaliyada laga tiro badan yahay, ayna muhiim tahay inay wax wada qabsadaan si ay dalkaan wax uga qabsadaan isla markaana dhalinyarada u noqon karta dhiirigalin barnaamijyadaan.

Mudane Ahmed Bile, ayaa isna ka warbixiyay sida howshatan noqon doonto isla markaana u mahadceliyay dadaalka ururka Leicester United u soo galeen qabashada iyo qaban qaabada tartankan, uuna rajaynayo inay u dhacdo sidii loogu tala galay.

Waxaana iyagana meesha ka hadlay mudanayaal kale oo ka socday ururada ka dhisan magaalada Leicester oo isugu jirey Soomaali iyo ajanabi isla markaana waxay sheegeen inay gacan ka gaysan doonaan ka mira dhalinta barnaamijkaan.

Waxaa iyana meesha ka hadlay odayaal Sport sida Mohamed Daa’uud oo ka socday magaalada Leicester, C/qaadir Isoomareey, Mohamed Faarax iyo Ahmed Nur (Sayga ruushka), oo dhamaantood ka mahadceliyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay magaalada Leicester iyo qaabka wax loo qabanayo ayna ka sheegeen inay soo dhaweynayaan isla markaana ay gacan weyn ka gaysan doonaan sida waayo aragnimadooda Sports ugu gudbin lahaayeen jiilka cusub isla markaana ay ku dhiiragalin doonaan hadii Eebe idmo.

Waxaa iyana meesha ka hadlay mudane C/qaadir Cadday iyo Mohamed Saalim , waxay ka warbixiyeen qaabka isku aadka u noqon doono iyo sida doorashada qorituurka noqon doono, kadibna waxaa loo yeeray mudanayaasha kala ah, Mohamed Faarax, C/qaadir Isoomarey, C/qaadir Biriq iyo Ambasador Abdi Shire si ay isku aadka kooxaha waraaqaha u doortaan kadibna loo ogaado koox walbo qaybta ay ka tartami doonaan.

Lixda koox ee ka qayb qaadanaysa koobka Leicester Super Cup 2009 waxay kala yihiin sidatan :

London Stars, Ilamos FC, Cardiff Warriors Bay, Nabadda FC, Halgan FC & Leicester United.

Kuwaas oo look ala saaray laba qayb oo kala ah Qaybta kowaad A iyo Qaybta Labaad B. Waxayna iskugu aadeen sida tan:

Qaybta kowaad A : London Stars, Ilamos FC, Cardiff Warriors Bay.

Qaybta Labaad B: Halgan FC, Leicester FC & Nabadda FC.

Waxaana shahaado sharaf loogu yeeray Qoraaga Sports Sanadka 2009 la gudoonsiiyay Yusuf Mohamed Abdi Yusuf. Iyadoo abaalmarino kale lagu gudoonsiiyay Garsoorayaashii ugu wanaagsanaa tartanka qabanayay sida Dahir Gacamay iyo Mohamed Weerow, sidoo kale waxaa bahda Saxaafada lagu gudoon siiyay bilado sharaf sida C/Naasir Solo iyo Suni Siciid Saalax oo ka mid ah bahda Saxaafada Sports-ka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Barnaamijka Qorituurka oo aad u wanaagsanaa waxaa ka soo qayb galay marti sharaf fara badan iyo madaxda Naadiyada ku tartami doono koobka Super Cup 2009 oo lagu qaban doono magaalada Leicester bilaha nagu soo fooda leh.

Waxaa barnaamijka ka soo qayb galay Bahda Sports Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska kuwaas oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan, waxayna kala ahaayeen C/qadir Biriq, Biine, Mohamed Khalif , C/risaq Seef, C/qaadir uus, Bile Ali, Hassan Dhuudhi, Lagii Dheere, Boob, C/risaaq, Mohamed Weerow, Dahir Gacamay, Hashim Du’aale, Daa’uud, Shiine, Zakariye, Faysal Siciid iyo aqyaar kale oo fara badan oo aan halkaan ku soo koobi Karin magacyadooda.

Dhanka kale Tartanka loogu qabtey dhalinyarada da’da yar iyo Koobkan Super Cup 2009 la qaban doono ayaa noqon kara barnaamij biloow wanaagsan u noqda in dadka degan magaalada Leicester ay soo jiitaan inay ka soo qayb galaan isla markaana noqon kara mid bahda Sports Soomaaliyeed ee dagan gobalada dalka Ingiriiska inay kaga daydaan ururka Leicester United oo la soo baxay firfircooni aan hore looga baran. Waxaana goobta ay ka dhacayeen barnaamijyadan goob joog ka ahaa saxaafada Soomalida Sports iyo mida magaalada gaar ahaan TV Universal, TogdheerSports, Somali Eye iyo SSPAMEDIA.

W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor & SSPAMEDIA
London