Skip Repetitive Navigational Links

Sunday, March 14, 2010

TALADAAN LA RUUGIN WAA LAGU RAFAADAA

16 March 2009

Doorashada Guddiga Olombigada Soomaaliyeed ee GOS ayaa lagu wadaa in 18-ka bishan ay ka dhacdo Dalka Jibouti, iyadoo Xiriirrada iyo  Ururrada wax soo dooranaya badankoodu ay maanta ka soo amba baxeen magaalada Muqdisho, taas oo si qadarin leh loogu soo sagootiyay, jidad badana loo xiray daraadood si ay si nabad leh dalka uga soo amaba baxaan.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, ahna Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) ayaa sheegay in aynan waqtigan suurtoobaynin in Somaliya gudaheeda lagu qabto doorashada maadaama lagu han wayn yahay in ay ka soo qayb galaan madax ka socota Guddiga Olombikada Adduunka ee IOC.

Waxaa u diiwaan garaysan guddiga Olombigada Soomaaliyeed, sideed iyo Toban xiriir oo ka qayb gala tartamo dibadeed saddex xiriir, gudahana ugu badnaan shan ugu yaraana afar xiriir ayaa firfircoon. Maxay tahay marka u jeedada jiritaanka xiriirada badan ee Isboorti ? Maa xooga la saaro kuwa lagu han wayn yahay in lala jaan qaadi karo, xoog iyo xilana la geliyo si ay wax uga soo baxaan.

Tusaale ahaan hadaan usoo qaadano: Maxamed Faarax oo ku magac dheer (Mo Farah) waa orad yahan ama halyeey ay maanta ku dhaartaan England kana soo jeeda jinsiyad ahaan Somali, Abdi Abdirahman isna waa sidoo kale oradyahanada maanta ugu magaca dheer USA, Mustafe oo isna aqoonsi fiican ku leh isboortiga dalka Sweden iyo Ahmed Said oo aan isna ka dhicin hadana ku nool dalka USA, Magan Daahir waa isna mid ka mid ah halyeeyada kubadda miiska isna degen Holland una safta dalkaas. Dhamaan waa dhalinyaro da'yar oo markay arkeen in cid u maqan aysan jirin naftooda u raadsaday in ay magacooda meel mariyaan, maantan caan ka ah Adduunka.

Waxaan kaloon hubaa, in ay jiraan kuwo kale oo badan oo mustaqbalka wax tari lahaa magacii Soomaaliyeed hadii ay daacad ka tahay kuwa hogaanka maamulka Isboortiga Soomaaliyeed hor kaca in ay Qaranka si daacad ah ugu shaqeeyaan, hooyna u noqdaan da'yartaas habaabsan ee u baahnaa meel ay ku soo higtaan.

Waxaa lagu jiraa xilli dib u dhis qaran, waxaana loo baahanyahay in looyeelo jiho, iyo jid ku toosiya aragti leh himilo dheer iyo mid dhowba. Goormaa laga baxayaa da'a kasta la fil, sidii turubka jookarka meel kasta gala mabda' kastana qaata.

Waxaan xasuustaa Allaha u naxariistee Siyaad Barre xiligiisii. Iyadoo loo diyaar garoobayo doorashadii Qaranka in hobolada waaberi ay soo saareen Heeso ay ka mid ahaayeen “Todobo sano oo danbaan Siyaadoow ku dooranee, dalka nabad ku daadihi” Maanta waxay taagan tahay tii.

Soomaalidu waxay tiraahdaa “war la qabo xiiso ma leh”, Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa sheegay in Guddoomiyenimada Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ay isu soo taageen isaga iyo C/qaadir Ibraahim Gacal Abkoow oo Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed markii u danbaysay ahaa, iyadoo guddoomiye ku xigeennadana laga rabo seddex ruux ay u tartamayaan Duran Faarax, Xaaji Cabdi Cilmi Warsame, C/qani Siciid Carab iyo Mina Xasan Shibis. Sidoo kalena waxaa la dooran doonaa Xoghayaha guud ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo lagu wado in uu noqon doono mar kale C/llaahi Axmed Tarabbi, oo u sharaxan.

Waxaa is waydiin muddan, xiriiradan ay ayaga qaarkood samaysteen, ahna kuwo aan badankoodu wax howl ah qaban. Ma la waayay in cod loo dhan yahay lagu raadiyo maamulka iyo nidaamka Isboortiga Soomaaliyeed oo aan qabo in uu yahay mid ka mid ah kuwa u baahan in dib u dhis qaran lagu sameeyo.

Waxaan maanta ka dheregsan nahay, in aysan jirin xiriiryo tiro badan oo dalka ka howlgala. Balse sida ku cad wareegtada doorashada GOS. in loo ogolyahay oo kaliyah in ay codkooda dhiibtaan xiriiradan hoos ku qoran oo aan wax nacfi leh aan dalka soo gelin, balse dano laga leeyahy oo kaliyah u taagan.

XIRIIRADA SOOMAALIYEED (National Federations)

NO

XIRIIRADA SHEEGAN

Hawl gal/ ACTIVE

Tartamo / Competions

01

Xiriirka K. Cagta
Football Federation

HAA - YES

HAA - YES

02

Xiriirka Ciyaaraha Fudud
Athletics Federation

HAA - YES

HAA - YES

03

Xiriirka K. Kolayga
Basket ball Federation

HAA - YES

HAA - YES

04

Xiriirka K. Gacanta
Handball Federation

HAA - YES

MAYA -NO

05

Xiriirka Feerka
Boxing Federation

MAYA -NO

MAYA -NO

06

Xiriirka Jeeska
Chess Federation

MAYA -NO

MAYA -NO

07

Xiriika baaskiilka
Cycling Federation

MAYA -NO

MAYA -NO

08

Xiriirka Qaansada
Archery Federation

MAYA -NO

MAYA -NO

09

Xiriirka Qalaama Rogadka
Gymnastics Federation

MAYA -NO

MAYA -NO

10

Xiriirka Bilyaardiga
Billiard Federation

MAYA -NO

MAYA -NO

11

Xiriirka Juudooga
Judo Federation

MAYA -NO

MAYA -NO

12

Xiriirka Huuriga (Doonyaha)
Rowing Federation

MAYA -NO

MAYA -NO

13

Xiriirka Dabaasha
Swimming Federation

MAYA -NO

MAYA -NO

14

Xiriirka Takwandooga
Taekwondo Federation

MAYA -NO

MAYA -NO

15

Xiriirka Teeniska Dheer
Lawn Tennis Federation

MAYA -NO

MAYA -NO

16

Xiriirka K. Laliska
Volleyball Federation

MAYA -NO

MAYA -NO

17

Xiriirka Culays Qaadka
Weightlifting Federation

MAYA -NO

MAYA -NO

18

Xiriirka Kubadda Miiska
Table Tennis Federation

MAYA -NO

MAYA -NO

Falalka ama ficilada la xiriira Isboortiga ama barbaarinta jirku (physical Education) waa u asaas ama waa xubin muhim ah oo ka qayb ah khayraadka adeeg (Human Resource) iyo horumarintiisa.

Ku barbaarinta bulshada:

  1. Ilaalinta caafimaadkeeda sida ka fogaanshaha wixii cafimaadkeeda u daran sida sigaarka, qaadka, isticmaalka mukhadaraadka iyo waxa la midka ah.
  2. Tartanka fiyow ama caafimaadka qaba oo dhalinyarady ku tartanto Isboortiga.
  3. Abuuritaanka bulsho jecel Isboortiga iyo kooxaha qaran, kuna abuurta bulshada dareen iyo jacayl dalka hooyo.
  4. Abuuritaanka jawi nabadgelyo iyadoo loo adeegsanayo Isboortiga aalad isu soo dhoweysa bulshada, Ilowsiisa dhibaatadii ay soo mareen, abuurtana jacayl, dulqaad, iyo midnimo.

Waa u muhim dhismaha dal kasta dhinacyada nabadgelyada, caafimaadka iyo bulshadda. Isboortigu wuxuu kaloo u noqdaa bulshadda balwad ama hiwaayad caafimaad qabta.

Dalka Soomaaliya waxaa Ilaah mahadiis ah in ay dowlada midnimada qaran ka mid yihiin xubno leh aqoon iyo waaya aragnimo aad u saraysa. Bulshadda Isboortiguna waxay ka filaysaa inay jiho u yeesho amuuraha Isboortiga qaran ee ku sugan jaah wareerka.

Tartanku wuxuu u dhigmaa imtixaan, imtixaankana waxaa ardayga laga qaadaa calluuntii la baray ama cilmigii loo saa'idiyay. Dalka waxaa leh dadka mana aha in laga aamuso khaladka iyo wixii aan ummadda dan u ahayn.

W/D: Jaamac Qalin caaro