AADAN XAAJI YABAROW WIISH OO KU GUULAYSTAY GUDOOMIYE NIMADDA GUDDIGA OLOMBIKADA SOOMAALIYEED
18 March 2009
War naga soo gaaray Dalka Jibouti ayaa wuxuu sheegayaa in lagu kala baxay doorashadii hoggaanka guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS, isla markaana uu guddoomiyenimada Guddigaas ku guuleystay Aadan Xaaji Yabarow Wiish.
Doorashada oo saaka ka dhacday Hotel Kulan ee Magaalada Djibouti ayaa waxaa guddoomiyenimada Guddiga Olombikada Soomaaliyeed u tartamayay C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo ahaa Guddoomiye ku Xigeenkii Guddiga Olombikada Soomaaliyeed.
Xiriirrada iyo Ururrada soo doorta hoggaanka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo 19 ahaa ayaa 18 ka mid ah waxay u codeeyeen Aadan Xaaji Yabarow Wiish, codka kaliya ee soo harayna waxaa helay C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow, sidaasna waxaa Guddoomiyenimada Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ugu guuleystay Aadan Xaaji Yabarow Wiish.
Kadib doorashadii ayaa sii socotay, waxaana la doortay Guddoomiye ku xigeennada Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, waxaana ku kala guuleysay Duran Faarax oo loo doortay Guddoomiye ku xigeenka 1aad, Xaaji Cabdi Cilmi Warsame oo loo doortay Guddoomiye ku xigeenka 2aad iyo Xasan Axmed Cabdi oo loo doortay Guddoomiye ku xigeenka 3aad. Xoghayaha guud ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeedna waxaa loo doortay C/llaahi Axmed Tarabbi.
Doorashadan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wakiillo ka socday Guddiga Olombikada Adduunka IOC, Guddiga Olombikada Jabuuti, Wasaaradda Isboortiga Soomaaliya iyo Khubarro Isboorti oo Soomaali ah, kuwaasi oo Qurbaha uga yimid in ay goob-joog ka noqdaan doorashada Hoggaanka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed.
Xigasho: Hiiraan Online