Skip Repetitive Navigational Links

Saturday, September 04, 2010

KOOXDA JAALIYADDA SOOMILADA QADAR OO KU GUULAYSATAY KOOBKII JAALIYADAHA

29 May 2009

Waxaa xalay la soo gabagabeyey Ciyaarihii jaaliyadaha oo in mudo ah ka socday wadankan Qatar oo ay ka soo qayb galeen jaaliyado badan oo dalka Qatar wada deggan Kulankaas ayaa waxaa sanadkan Jaaliyada Soomaalida matalayey dhalinyaro aad u da’yar oo tartanka intuu socday wacdaro la yaab leh ka dhigay halkaa.


kooxda jaaliyadda Soomaalida Qatar

Daawashada ciyaaratan ayaa ay ka soo qayb galeen Madax Sare oo Ka kala Socotay Labada Safaradood ee Soomaliya iyo Masar Iyo Madaxda Isbooritaga Jaaliyada oo ay hor kacayeen Mudane Xasan Diiriye Nuux ,Faysal Sheekh Muxiyadiin, Naasir Maxamed Cali Shinbir iyo Xoghaya Jaaliyada Mudane Cabdala Neero, Gudoomiiyaha Jaaliyada Sheekh Cali Maxamed Caskar iyo Xubnaha Jaliyada Soomaliyeed iyo Safiirka Soomaliya u Fadhiya Wadanka Qatar, Mudane Ismaaciil Qaasim Naaji iyo la Taliyaha Safarada Masar.

Kooxda jaaliyada Soomalida ayaa waxay ka soo badiyeen kooxo badan intii uu tartanku socday, soona bandhigeen cayaar farsamaysan oo aad loola dhacay, taas oo soo jiidatay taageeroyaal tiro badan oo ka mid ah bulshada ku dhaqan wadanka Qatar, oo isugu jiray Soomaali iyo ajnabiba, kuwaas oo mar walba soo buux dhaafin jiray kulamada ay cayaarayeen.

Kulankii kama danbaysta ahaa ayaa xalay dhex maray kooxda Jaaliyadda Wadanka Masar iyo xiddigaha Jaaliyada Soomaliyeed, waxaana si aan caadi ahayn guusha ku racday 6 – 3 gool kooxda jaaliyadda Soomaalida, gabagabadiina Kabtanka kooxda Jaaliyada Soomalida halkaa lagu gudoonsiiyay koobkii jaaliyahadaha sanadkan loo dhigay.

Waxa ciyaarta kama danbaynta ah garab socday xaflad qurux badan oo ay soo qaban qaabiyeen Gudiga Jaaliyada iyo Safiirka Soomaalida u fadhiya dalka Qatar, Ismaaciil Qaasim Naaji iyo xubnaha Isbooritiga Jaaliyada. Waxaana ka soo qayb galay Fanaaniinta wadanka Qatar oo uu u horeeyo fanaanka da’da yar Maxamed Xuseen Dalmar, fanaan Guuleed Rashiid iyo Mulaxan, Fanaan Maxamed Cabdi Naagabadane kuwaas oo halkaas ku soo bandhigay heeso aad loo jeclaystay.

Xafladda xiritaanka ayaa loogu hambalyeeyay cayaaryahanada ku cayaarayay magaca jaaliyadda Soomaaliyeed, kuwaas oo dhamaan bahwaynta Isoboortiga Soomaaliyeed u soo hooyey sharaf. Hadaan nahay bahda shabakada kubadda.com waxaan u soo jeedinaynaa maamulka, macalimiinta iyo cayaaryahanada ku cayaarayay magaca Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku guulaystay koobka jaaliyadaha dalka Qatar hambalyo iyo in ay dadaalkooda halkiisa ka sii wadaan.

W/D: Naasir Maxamed Cali
Naasir7171@hotmail.com
Doha - Qatar