Articles

Ghana, Mali, Nigeria iyo Burkina Faso oo isugu soo haray Koobkii Qaramada Afrika

Written by Kubadda at 5:11 PM on Tuesday, February 05, 2013

Ghana, Mali, Nigeria iyo Burkina Faso oo isugu soo haray Koobkii Qaramada Afrika

Koobka qaramada Afrika 2013 (African Cup of Nations) oo gaaray heerkii semi finalka ayaa waxaa isugu soo haray afar kooxood oo siyaabo badan aan isugu dhigmin, Ghana iyo Nigeria oo laga filayey iney kaalintan soo gaaraan, ayaa waxaa ku fool leh Burkiina Faso iyo Mali.

Nigeria oo lagu tuhmayo ciyaartoy awood sare leh tiro iyo tayoba, waxaa hor taagan Mali oo dalkoodii dhib iyo dagaalo ka taaganyahay, go’aansadayna iney sharafta iyo magaca dalkooda sare u qaadaan.  Tababaraha Qaranka Nigeria ayaa wuxuu sheegay in Mali aan la dhayalsan karin ayna go’aankooda sii adkeyneyso xaalada dalkoodu ku suganyahay. Waxaa sidoo kale xusid mudan in Mali ka soo badisay Ivory Coast oo loo filayey iney koobka qaadaan, taasina siisay kalsooni weyn.

Ghana oo iyaduna leh taariikh fac weyn dhanka kubadda cagta waxaa ay ku fekereysaa una xeel dhiganaysaa habkey ku dhaafi lahayd Burkona Faso.  Ghana oo in badan aan gaarin halkii laga filayey balse go’aansatay in markan aaney noqon sidii hore, waxaa tababarahoodu sheegay inaaneey jirin wax ka leexin kara himiladooda.

Ciyaarahan oo dhici doona berri oo  Arbaca ah bisha Febraayona tahay 6.  Waxa la sugo waa yaa guushu raaci doontaa? Yaa loo awood sheegan doonaa? Nin yar oo nin weyn ridey ma aragteen? Waqtigaa ka jawaabi doona.

W.Q. Kubadda.Com



Share:
email add to del.icio.us add to Digg add to Reddit add to Newsvine add to Stumbleupon add to Furl add to Google